Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Somaliland, ayaa ka hadkay Wiil uu dhalay oo lagu diley dagaalka dalka Suuriya.
Wiilkaa oo magaciisu ahaa Seyid Xuseen Faysal Cali Waraabe ayaa suuriya tegey sanadkii 2013-kii, ka dib markii la duufsaday oo warbixin khalad ah la siiyey sida uu aabihii sheegay.
Seyid Xuseen Faysal, ayaa ku dhashay, Isla markaana ku noolaa wadanka Finland, waxaa la joogtey xaaskiisa oo Finland ka raacday iyo laba gabdhood oo ay dhashay oo iyagu halkaa la joogay, waxaana la sheegay in iyadu ay soo xaqiijisay in uu ku dhintay weerraro dhinaca cirka ah oo loo geystay goobta uu ku sugnaa.