Araweelo News Network
Pyongchang(ANN)- Hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong Un, ayaa sheegay in dhamaan mareykanka uu ku jiro xiligan xayndaabka hubkiisa Nukliyeerka, isla markaana keebka laga rido Niyukleerka uu miiskiisa saaran yahay.
Hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong Un, ayaa ku dooday in hadalkiisa uu xaqiiqo yahay oo aanu ahayn hanjabaad, balse uu yahay mid xaqiiq ah.
Mr Kim Jong Un ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo xaqiiqadaasi in Mareykanka aanu awoodin in ay bilaabaan dagaal ay la galaan Kuuriyada Waqooyi.
Balse waxa uu xusay in Nukliyeerka ay isticmaali doonaan oo kali ah haddii ammaankooda khal khal la galiyo.
Kim Jong Un. Waxa uu sidaa ka sheegay mar uu Fariin Sanadka cusub ee 2018, uu ka jeedinayay telefashinka, waxa uu sidoo kale carabaka ku dhuftay hadal nabadeed ,wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan Kuuriyada Koonfureed.
Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ergo uu u diri doono ciyaaraha Olambiga ee xagaaga lagu qaban doono Pyongchang -taasi oo hore ay Kuuriyada koonfureed u sheegtay in ay gacan ka gaysan karto dajinta xiisada gacanka Kuuriya.