Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yuusuf Maxamed Cabdi Raagge, ayaa shaaciyay balanqaadyo cusub Iyo qaabka uu shaqaalaha wasaaradda u maamuli doono, wuxuuna sidaa ka sheegay xaflad uu xilka kagala wareegay wasiirkii hore marwo Samsam Cabdi Aadan.
Xaflad loo sameeyey xil-wareejinta labada wasiir oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay masuuliyiinta iyo shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee wasaaradda.
Wasiirka cusub oo halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uga mahadnaqay xilka culus ee uu u igmaday, waxaannu ballanqaaday inuu masuuliyaddiisa u gudan doono si daacad ah.
“Waxaan u mahadnaqeyaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ee ii igmaday in aan noqdo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, aniga oo aan ahayn qofkii ugu wanaagsanaa amma ugu habboonaa, balse uu isagu ii gartay, taasoo ah imtixaan loo baahan yahay in aan kaga baxo Alle-ka-cabsi, dhawrsannaan, daacadnimo, caddaalad iyo aqoon. Waxa aan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ku dhaqi doonaa caddaalad iyo sinnaan, waxa aan si dhaw ula shaqeyn doonaa qof weliba waxa uu soo saaro,” ayuu yidhi Wasiirka cusub.
Waxa uu intaa ku daray, “Maalmahan dambe hadallo badan ayaan maqlayey wax badan ayaa igu soo duulayey waxba kama jiraan, maanta anigu wasiir baan ahay, kii i jeclaa, kii i necbaa iyo kii midnaba intaa ii ahayn, intaasba way ii siman yihiin, waxa qudha ee ay iigu soo dhawaayaan waa shaqo.
Sidoo kale ,waxa aan xoojin doonaa in aan si dhaw ula shaqeeyo cid kasta oo ina taageerta, haddii ay yihiin dawladaha Ingiriiska, Mareykanka iyo World Bank, haddii ay DFID tahay, waxa kale oo aan si dhaw ula shaqeyn doonaa Golaha Wakiillada oo shaqooyin badan innaga dhexayso. Sidoo kale, hay’adaha dawladda ee kala duwan ayaan si dhaw ula shaqeyn doonaa.”
Wasiirka cusub oo iftiiminayey waxyaabaha u qorshaysan maamulkiisa, waa uu yidhi; “Waxyaabaha aynu doonayno in aynu aad iyo aad u dardargelinno, hirgelinno, joogtayno, dhammeystirno waxa ka mid ah barnaamijka loo yaqaan ‘Barnaamijka Dib-u-habeynta Maamulka Maaliyadda,’ kaas ayeynu dardargelin doonnaa, hirgelin doonnaa, waynuna dhammeystiri doonaa, haddii Alle idmo waynu is-garab-geli doonaa.
Kolley waxa hal-ku-dhigeygu yahay; ‘Sarreynta Sharciga.’ Haykalka dawladnimo waa kala-sarreynta hab-maamuuska, sarreynta iyo is-tixgelinta sida ay dadku u kala sarreeyaan.
Ma noqonayso ka kaa sarreeyaa inuu ku dacadiyo ka ku xiga oo ma dhacayso, waayo waxa jira nidaam loo maro qofkii kaa sarreeyey. Laakiin, nidaam is-barbar yaac ah ma jirayo.
Nidaamkeennu waxa uu ku dhisnaan doonaa, wada-shaqeyn, isla xisaabtan, daah-furnaan iyo is-dabagal, waa la is abaalmarin doonaa. Abaalmarintu qofka amma kor ayey u qaadi amma hoos ayey u ridi.
Waxaynu ku shaqeyn doonaa inaynu ururino, xulno dadka aqoonta leh, kartida leh, waayo-aragga ah, daacadda ah ee ammaanada leh. Dad muslim ah ayeynu nahay, diinta Islaamkuna waxay tilmaantay marka qof la qaadanayo saddex arrimood;
1. Inuu qofku awood u leeyahay waxa loo dhiibay, caafimaad ahaan iyo jidh ahaan, inuu qofku yahay qof aqoon u leh iyo inuu yahay qof ammaano leh. Xilli yoomal-qiyaame uu dhaw yahay ayeynu ku jirnaa, dadka inta ammaanada leh way yar tahay.
Dawladdan waxa laga doonayaa dawlad nidaam ku dhisan, dawlad sharcigu sarreeyo, dawlad waxqabad, waxana halbowle u ah Wasaaradda Maaliyadda.
Nidaamkii hore ee miisaaniyadda aynu ku shaqeyn jirtay wax badan ayeynu ka beddeli doonnaa, waxaynuna ku saleyn doonnaa Hab-raaca Dib-u-habeynta Maamulka Maaliyadda, mana noqon doonto wasiir bebel ayaannu saaxiibbo nahay amma wasaarad hebel intaa ha loo kordhiyo. Laakiin, nidaamkeenu waxa uu ku dhisnaan doonaa wax la yidhaahdo capital and pervormarace budgeting
Wasaaradda Maaliyadda waxaynu sameyn doonnaa haddii Alle idmo, Fiscal Policy siyaasadda loo yaqaanno, waayo dalka waxa ka jira; sicir-barar, shaqo la’aan, isu-dheelitirnaan ganacsiga ah, kala korriin xagga dhaqaalaha ah. Sidaa darteed, Wasaaradda Maaliyadda waxa qasab ah inaynu sameyno Fiscal Policy, Bangigana aynu ku dirqino wax baynu ku leenahay siyaasadda dabo-galka.”
Fiscal Policy: waxa weeye marka cashuur la kordhinayo amma la dhimayo ayaa loo eegayaa siday xidhiidh ula leedahay sicir-bararka. Sidoo kale, sida loo bixinayo ee loo kala horreysiinayo kharashaadka dawladda iyo qaabka ay u kala muhiimsan yihiin, taas la’aanteedna way adag tahay in aynu la dagaallanno sicir-barar iyo shaqo la’aan.
Waxa aynu lug dheer iyo lug gaaban innaga oo wadajirna hal qof ah aynu la dagaallamaynaa sidii aynu ula dagaallami lahayn sicir-bararka, waxaynuna daraasad dhammeystiran ku sameyn doonnaa innaga oo warbixinihii laga diyaariyey oo dhanna ururin doonnaa.
Maxaa sicir-barar keena? Muxuu sicir-bararku keenaa? Sidee baa sicir-bararka loo daweeyaa? Maxaynu adduunyada kala mid nahay? Maxaynu se kaga duwan nahay? Insha Allaahu waynu ka bixi doonaa, waynaynu ka adkaan doonnaa sicir-bararka.
Nidaamkeenu waxa uu u badan yahay in badan oo ka mid ahi, inkastoo madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee kala duwan ee uu Wasiirka Wasaaraddu hormood ka yahay, wax badanna wax ka qabtay nidaamkii gacanta ahaa. Laakiin, nidaamkeenna waxaynu ka dhigi doonaa digital amma electronic ayeynu u guuri doonnaa waqtigeeda iyo xilliga ay ku habboonaato.”
Waxa kaloo uu Wasiirka cusub ee Maaliyaddu ka hadlay waxyaabaha looga baahan yahay shaqaalaha dawladda, waxaannu yidhi; “Waxaan aad iyo aad iyo aad ugu celcelinayaa waqtiga, shaqaalaha dawladda waxa laga iibsaday waa waqti, waqtigu sidii hore ma noqonaya, qof wal oo kastaa oo Wasaaradda Maaliyadda ka tirsan saacaddii loo baahnaa waa in laga helaa, insha Allaahu waxa uu ku joogi lahaa, qalabkii uu ku shaqeyn lahaa iyo shuruucdii uu ku shaqeyn lahaa iyo hawlihii uu ku shaqeyn lahaa innaga ayaa dhammeystiri doona.
Saacaduhu sida sharciga shaqaaluhu qorayo ayeynu ku dhaqmi doonaa, waxaynuna shaqeyn doonnaa siddeed saacadood oo dhammaystiran, marka laga reebo goobaha Kastamada iyo Cashuuraha Berriga ee gobollada iyo caasimaddaba.”
Waxaannu intaas ku daray; “Waxaan ummadda Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan ka codsanayaa aniguna Alle aan ka baryeyaa xilli kasta iyo waqti kasta inay ii soo duceeyaan annaga iyo kooxdayda Wasaaradda Maaliyadda loo magacaabay iyo kuwa loo magacaabi doono in Ilaahay nagu asturo xilkaa noo dhib yareeyo, annaga iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaddana uu ka dhigo qof annaga oo isku ah oo wada jir ah oo gacmaha is-haysanna aannu xaqiijinno yoolka iyo ujeeddada aynu leennahay oo ah;
Wasaaradda Maaliyadda kama shaqeyso oo qudha cashuur-ururin ee waxay ka shaqeysaa shaqooyin aad u badan, dhammaan shaqooyinka ay Wasaaradda Maaliyaddu lahayd ee Wasaaradaha Maaliyadda ee dunida ka jiraa ay leeyihiin waynu ku shaqeynaynaa, waynu hirgelinaynaa.”
Waxa kaloo uu farriimo isku mid ah u diray qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, “Waxaan ka codsanayaa salaadiinta, cuqaasha, madax-dhaqameedka, xukuumadda, xubnaha kale ee ka tirsan haddii ay baarlaamaanka tahay iyo meel kale hadday tahayba in aan qofna ii iman isaga oo qof igala hadlaya, in aan qofna ii iman isaga oo shidaal i weydiinaya, in aan qofna ii iman isaga oo leh; ‘Qof ii qor.’ In aan qofna ii iman, ‘Maxaa hebel loo soo beddellay, hebel halkaas loo geyn waayey.’ Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda aniga ayaa aqaan, 18 sannaddood ayaan la soo shaqeynayey, aniga oo dugsi dhexe ah, maantana laba master ayaan sitaa, aabbo ayaan ahay carruur leh, markii aan ku soo biirayna qaan-gaadh maan ahayn, markaa ayaa iga yaqaanna shaqaalaha? Qof shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iga yaqaanaa ma jiro.”
“Ciidanka Wasaaradda Maaliyadda la shaqeeya waan tayeyn doonnaa, kor ayeynuna u qaadi doonnaa, si dhow ayeynu ula shaqeyn doonnaa. Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda qaab mideysan oo ku dhisan run iyo caddaalad ayeynu u tayeyn doonnaa, una wada shaqeyn doonnaa. Qof aqoon leh oo daacad ah oo karti leh bannaanka joogi maayo, nin aan intaaba lahayna kursiga ku fadhiyi maayo, ma dhacayso,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda.
Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo munaasibadaasi hadal kooban ka jeedisay, ayaa sharaxaad ka bixisay waxyaabihii u qabsoomay muddadii ay joogtay, taas oo sidoo kale xustay in aanay wax dayn ah ku wareejin doonin wasiirka cusub, isla markaana u mahadnaqday shaqaalaha cidkasta oo gacan siisay muddadii ay xilkaasi haysay.
“Waxaan ku hanbalyaynayaa wasiiradii iga horeeyay ee isbadalay, Maxamed Xaashi waa ninka baray dadku inay cashuurta bixiyaan, waayo dawladii hore ee Udub dhibaato kale kumay dhicin waxa weeyaan cashuurta uun baanay dadku bixinayn, laakiinse isaga wuxuu khasab kaga dhigay cashuurta inay si siman dadka u baray inay u bixiyaan.
Waxa maanta wasaaradda maaliyadu ku faanaysa horta dayn lagu leeyahay ma jirto, dadku waxay iska lahaayeen baryahan oo dhan dayn baa la wareejinayaa, intaan imika dhaqaaqo anigoo wasiirkii maaliyada ah bakhaar intaan tago ma odhan karo laba milyan oo doollar i amaahiya, dee qofna ima amaahinayo.”
Daynta la sheego ee wasaarad lagu yeesha ama dawladda lagu yeesha waxa weeyaan tiiyoo mushaharka la bixin kari waayo ama raashinkii ciidammada la bixin kari waayo, horta waanu bixinay oo November mushaharkeedii waa la qaatay.
Waxa kale oo Wasaaradda Maaliyaddu awood u yeelatay inay ka qaybgasho diiwaangalintii madaniga ahayd oo iyadana lacagteedii way bixisay, waxa kale oo ay bixisay doorashadii.
Doorashadii inoomay suurtogasheen haddii aanay Wasaaradda Maaliyaddu guntiga wax ku hayn, markii la yidhi toban milyan ha bixiso dawladda Somaliland haddii kale doorashadiinii dib ayay u dhacaysa hadhowna idinka la idinku caayaya la odhanaya ictiraaf baad sheegtaye xiitaa mucaawinada ayaa la idinka goynaya, waxay Wasaaradda Maaliyadda iyo dawladdu oo madaxweyihii hore u horeeya aanu goosanay inaanu tobanka milyan bixino, waanaynu bixinay oo maanta waa taa aynu sharafta ku leenahay. Miisaaniyadda inta badani waa sideedii, laakiinse toban milyan oo ka mid ah waxa loo qoondeeyay in mashaariic loogu abuuro dhallinyarada. Waxa uu ku dhawaaqay madaxweynuhu inuu dhallinyarada shaqo-abuur u samaynayo, gaadiidkii cusba iyo dhismayaashii cusbaa iyo wixii lagu kordhiyay haddii ay ceelal biyood tahay.
Wasaaradda Maaliyaddu waxay ka turjuntay iyada wixii ay ku shaqaynaysay ee ahaa, waxaan bixiyay 19 Ambulance, waxaa lacagtii caafimaadka lagama iibine waa Wasaaradda Maaliyadda Bajadkeedii. Ceelasha ay wado Wasaaradda Maaliyaddu intooda badan waxay ka qoday Bajadkeega, eeg maqal tukaan hadaad hayso qof u hayso sow boqol jeer kuma xisaabinayo habeenkii, bal adigoo ummado dhana maqalkoogii haya, waxa weeyaan if iyo aakhiro-ba way adag tahay. Waxaan leeyahay ha loo duceeyo, iyaguna ha ducaystaan oo ha yidhaahdaan oo ummadda ha waydiistaan, maqalkaa naloo dhiibay inuu Ilaahay nagu asturo noogu duceeya, ducada dadku ciyaar maaha. Waxaan aniguna ugu ducaynaya inay inamadaasi aanay ku kashifmin oo Ilaahay caawiyo oo maqalkaa ummadda ay u hayaan Ilaahay ku xiltiro oo aanay waxba ku baaqan, waanan soo dhawaynayaa.”
Wasiirka imika la keenay Ilaahay baa u qadaray inuu noqdo laakiinse haddii aad cay ku bilowdaan isagoon waxba bilaabin, isagoon shaqayn halkaad ka taageeri lahaydeen horta waa ceeb, waxaan idiin sheegaya dhallinyarada inaanay waxaa ka cadhoon, yaanay niyad jab kugu ridin, shaqadiina wata” ayay tidhi marwo Samsam Cabdi Aadan.