W/Q. Maxamed Cabdikariim Axmed (Shiil)

Higsigii 2020-Ka Ee Mahathir Waxa Uu Ahaa:

“In Maleeshiya Ay Noqoto Wadan Wakhti Yar Gudihii Ku Noqda Mid Leh Wershado Casri Ah (Newly Industrialized Country)”

AKHRISTE KU SOO DHAWOOW LABADII BUUG IYO LABADII SIYAASADOOD EE MALEESHIYA DAYAXA GEEYEY:

Markii ay maleeshiya madax banaanideeda ka qaadatay gumeystihii ingiriiska 1957-kii kadib, 1969-kii, waxa wadankaas ka dhacay isku dhacyo hor leh; waxana ka dhashay khasaare naf iyomaalba leh. Iska horimaadyadu waxa ay dhexmareen dadka dhaladka ah ee Malayga loo yaqaano oo tiro ahaan lagu qiyaasay boqolkiiba konton (50%) iyo dadkii soo geleytiga ah ee jayniiska oo tiro ahaan lagu qiyaasay boqolkiiba afar iyo soddon (34%); waxana rabshadaha bilaabay dadka Malayga. ingiriiska markii uu baxayey siyaasadii iyo talladii dalkaas waxa uu ku wareejiyey dadkii dhaladka ahaa ee Malayga; waxana ay ahaayeen degaan ahaan kuwo ku baahsan meelaha Miyiga ah. dhanka kale, jayniiskuna waxa ay ahaayeen dad iska shaqaysta oo awooda saara dhanka ganacsiga. Qorshe cusub in la sameeyaa waxa ay ahayd lagama maarmaan, si loo hakiyo qalalaasaha iyo jahawareerka bulshada ku sii fidaya. Labada siyaasadood iyo labada buug ee maleeshiya dayaxa u diray, laba waxa ay ka hadlayaan siyaasada gudaha; labana siyaasada dibedda. Buugga “The Malay Dilemma” iyo “New Economic Policy” waxa ay ka hadlayaan siyaasada gudaha, dhanka kale, Buugga “The Challenge” iyo siyaasada “Look East Policy” iyana waxa ay ka hadlayaan siyaasada dibedda.

Labada Gudaha:

Mahathir Mahamed, ayaa ka hor intii aanu 1981-kii noqon raysalwasaaraha dalkaas, ayaa isaga oo ka dareen celinaya isirsooca samada isku sii shareeraya iyo xaalada cakiran, waxa uu qoray buuggiisii muranka badan dhaliyey ee dhabarjabkii Malayga (The Malay Dilemma”. Buuggan waxa la qoray 1970-kii, waxana uu buuggu diirada saarayey in dawladu ay farogelin ku sameyso siyaasadaha horumarineed ee dalkaas; waxana uu dawlada culeys ku saarayey in ay tallaabo qaado.

Buuggan “Malay Dilemma”, Mahathir waxa uu awooda saaray laba arimood oo u sabab ahaa dib udhaca dadka Malayga. Waa mida koowaade waxa uu sheegay in ay yihiin dad aaminsan in aanay nolosha waxba ka bedeli karin, waa marka labaade waxa uu tiriyey noocyada qiyamka ee iyaga la quman ee ka dambeeya dib u dhaca dadka Malayga.

Sikastaba ha ahaatee, iskudhacyadii bulshada ee 1969-kii kadib, buuggii “The Malay Dilemma” ee 1970-kii kadib, si kala fogaanta farqiga dhaqaale ee u dhexeeya dadka Malayga iyo jayniiska la isugu dheeli tiro, ra’iisal wasaarihii dalkaas ee Tun Abdul Razak ayaa soo bandhigay qorshe horumarineed oo arinta taagan xal u noqda; waxana qorshahaas loogu magac daray siyaasadii cusbeyd ee dhaqaalaha ama New Economic Policy (NEP). Siyaasada NEP waxa ay ahayd mid kor loogu qaadayo heerka dhaqaale ee dadka Malayga. Aragtida siyaasadeed ee NEP ka dambaysana waxa laga soo dhambalay fikrada ah in saboolnimada ka dhex jirta dadka Malaygu ay tahay mid ka dhalatay isku dheelitir la’aan dhinaca fursadaha ah. taariikhdu markay ahayd 1990-kii, Mahathir siyaasadii (NEP) waxa uu u bedelay qorshihii cusbaa ee horumarka ama New Development Plan (NDP) oo waakii sameeyey Higsiga 2020-ka (Vision 2020).

Labada Dibedda:

Ka hor intii aanu ra’iisal wasaaraha noqon Mahathir, 1976-kii waxa uu qorey buuggiisii la magac baxay “Th Challenge”, kaas oo ka waramayey in Barigu uu ka duwan yahay galbeedka. Halka buugga Malay Dilemma uu xooga saarayey kala duwanaashaha dhaqaale ee dadka malayga iyo jayniiska, buugga “The challenge” waxa uu xooga saaray kala duwanaanshaha caadifadeed ee dadka Malayga xagjirka ah iyo kuwa aan xagjirka ahayn. Halka buugga Malay Dilemma aad loo cambaareeyey, buugga “The Challenge”, waxa wax ka sheegay jayniis faro ku tiris ah; buuggaasina waxa uu noqday mid dunida muslimka aad looga xiiseeyo; loona fasirto in barigu uu ka wanaagsan yahay reer galbeedka. Sidoo kale, buuggu waxa uu ku dooday in qiyamka galbeedku uu burburayo, burburkaasina uu bariga saamayn ku yeelandoono; waxana uu buuggu ku leeyahay galbeed qiyamkiisu waa uu ka sii darayaa, sababtaas darteedna, Maleeshiya waxa ay iska joojisay in ay hanqalka ula kacdo dhanka galbeedka. Iyada oo ay taasi jirto, Maleeshiya waxa ay doorbidaysaa in dareenkeeda oo dhan ay siiso siyaasadeedii ahayd Dhugo dhanka bari.

Taariikhdu markay ahayd 1981-kii, Mahathir ayaa noqday ra’iisal wasaaraha dalka Maleeshiya, waxana uu xukunka hayey muddo 22 sanno ah; sidaasina waxa uu ku noqday ra’iisal wasaarihii ugu muddada dheeraa ee dalkaas maamula, kaas oo kursiga ka degay 2003-dii. Waxa uu soo bandhigay siyaasado badan oo casriyeysan; awoodiisa oo dhan waxa uu isugu geeyey sidii uu caalamka u tusi lahaa Maleeshiya oo meeqaam sarre ku leh dunida warshadaha iyo dhaqaalaha leh, si ay Maleeshiya u noqoto wadan wakhti yar gudihii ku noqda mid leh wershado casri ah (Newly industrialized Country). Mahathir waxa uu soo bandhigay siyaasadiisii caanka ahayd ee la magac baxday Dhugo dhanka bari (Look East Policy) oo uu uga jeeday in dadka maleeshiya ku nooli ay wax ka bartaan JAPAN IYO KOREA. Dadka Maleeshiyaanka ah waxa la gayn jiray Japan, kadibna waxa la bari jiray afka, dhaqanka iyo taariikhda dadka reer Japan, si ay uga korodhsadaan karti, xirfad, aqoon iyo waayo’aragnimo. Mahathir arintaas waxa uu uga gollahaa in uu bedelo qiyamkii dadka Malayga ee uu ku sifeeyey dibusocodnimada.

Intii aanu xilka ka degin 2002-dii, khudbad uu Mahathir ka Jeediyey gudaha dalka Japan oo ku saabsaneyd labaatan guuradii ka soo wareegtay siyaasidii dhugo dhanka bari “Look East Policy”, ayaa waxa uu goobtaas ku qaadaa dhigay asbaabihii ka dambeeyey hirgalinta siyaasadaas iyada ah iyo wixii ay uga dhigneyd in Maleeshiya ay ku dayato Japan iyo Korea. Waxana uu yidhi: “Maleeshiya waxa ay ka midho dhalisay, wixii aanu ka aaminsanayn tallaabooyinkii sababta u ahaa guusha Japan. Kuwaas oo kala ahaa wadanimo, dhawrida sharciga iyo kala dambaynta, habdhaqan-wanaaga shaqada, nidaam maamul oo aqoon ku dhisan iyo weliba gaar ahaan xidhiidh dhaw oo iskaashi oo u dhexeeya dawlada iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay. Sidaasi darteed, waxa aanu isku dayney in aanu dhaqan galin ku samayno dhamaan waxyaabahaas; kadibna aanu ka dhaadhicino oo ku shubno dadkayaga. Qof kastaana waxa uu hada qirayaa in Maleeshiya ay samaysay horumar muuqda oo la taaban karo marka loo eego in badan oo kamida wadamada hada hore u maraya. Horumarka xawliga u socda ee Maleeshiya ay ku tallaabsatay rubuc qarnigii ugu dambeey waa mid ka dhashay oo u dhigma siyaasadii Maleeshiya ee ahayd Dhugo dhanka bari ama Look East Policy (LEP)”.

MAXAMED CABDIKARIIM AXMED (SHIIL)