Araweelo News Network
Muqdisho(ANN)-Maxamed Ibraahim Gaaboow oo ahaa wariye ka tirsanaa telefishinka Kalsan oo laga leeyahay Soomaaliya, ayaa galabta lagu dilay magaalada Muqdisho, kadib marki sida ay sheegeen wararka la xidhiidha geeridiisa Bam loogu xidhay gaadhigii uu watay.
Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa sababay geerida Weriyahaa uu ahaa mid loogu xidhay gaadhiga, isagoo xiligaa marayay meel u dhow suuqa kalluunka ee degmada Wadajir ee Muqdisho.
Abwan Cisman Cabdullahi Guure oo ka tirsan mas,uuliyiinta TV-ga Kalsan, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in wariye Maxamed Ibrahim Gaabow uu ku geeriyooday qarax loogu xidhay gaadhigiisa.
Dadka Aqoonta u lahaa marxuumka, ayaa ku tilmaamay Maxamed Ibraahim Gaaboow inuu ahaa Weriye shaqadiisa guta oo karti badan.
Waa weriyihii Lixaad ee magaalada Muqdisho lagu dilo tan Iyo bilawgii Sanadka. 2017.