Araweelo News Network
Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka hadlay dariiqa ay maray Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyey taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee dawladda Mareykanku ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Kadib heshiis horumarineed oo ay kala saxeexdeen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda USAID kaasoo ku kacaya lacag dhan 300 Milyan oo Dollar.
Sida lagu war Qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, ayaa lagu tilmaamay heshiiskan inuu yahay horumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- dhiska iyo dib-u-soo kabashada Soomaaliya, waxaana uu ku ammaanay dawladda Mareykanka sida ay uga go’an tahay taageeradooda aan shuruudu ku xidhnayn.
“Maanta waa maalin kale oo macne ku yeelan doonta mustaqbalka, dawladnimada, nabadda iyo horumarinta Soomaaliya, waxaan uga mahadcelinayaa dawladaha aan saaxiibada nahay taageerada ay la garab taagan yihiin dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”Ayuu yidhi Ra’iisal Wasaaraha.
Khayre, ayaa sheegay in dawladdu ay xaqiijin doonto mashaariicda horumarineed ee heshiiskan in ay u fulaan si hufan oo daah-furan ayna gaadhi doonto dalka oo dhan.
“Soomaaliya waxaa ay ku socotaa dariiqii saxda ahaa ee dib-u-dhiska, waxaan leenahay hay’addaha ka shaqeynaya oo adduunku kalsooni ku qabo diyaarna u ah isla-xisaabtan iyo daah-furnaan” ayuu yidhi Ra’iisal wasaare Khayre.
—DHAMMAAD—-
Axmed-nur Maxamed
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya