Qaybta 3aad, Waa Maxay Kaalinta Doorashooyinku Ku Leeyahiin Raadinta Aqoonsiga Somaaliland?
Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Shaki kuma jiro doorashadii milgaha lahayd ee 13kii November in ay Somaaliland ku toshay billad, magac iyo qaddarin. Waxaa ay ahayd guul iyo qorrax aan baabacada lagu dabooli karayn oo u soo hoyatay dalka. Waxaa guulaystay shacabkii soo bandhigay bisaylkooda siyaasadeed. Waxaa libtu raacday xisbiyadii mucaaridka ee Waddani iyo UCID oo muujiyay, wax kasta ka hor, in ay isu taageen danta ummadda iyo dalkooda. Maanta, waxaa midhahii guusha ku naaloonaya Xisbiga Kulmiye, hase ahaatee, liibaanta uu gaadhay waxaa daba taalla xujo taasoo Allah, korrey oo sarrey, mucaaridka iyo shacabkuba kula xisaabtamayaan sida uu u maareeyo masuuliyadda qaran iyo amaanada qoorta loo sudhay.

Waxaa kale oo guulaystay qoomiyadaha Somaalida ee ku tookhaya, “taasoo kalena, in ay ka suurtowdo Somaalida!” Waxaa isaguna guulaystay Geeska Afrika oo ahaa hoy aan laga tixgelin ra’yiga qofeed, madax-bannaanida eray iyo rabitaanka shacab. Afrika, dhufayskii keli-taliska, afgembiga iyo cabudhinta ayaa guulaysatay, kol haddii, “gar-u-danbayskii” uu ku tallabsan karo wacdarahan oo kale. “-Yes we can do- haa waan yeelni karnaa”.

Ugu danbayn, waxaa guulaysatay bulshada caalamka. intooda u ololaysa nabadda, horumarka iyo dimuqraadiyadda. Sidaa darteed, ilaa hadda, waxaa iska soo daba dhacaya hambalyada lagu bogaadinayo xukuumadda, mucaaridka iyo shacabka Somaaliland.

“Inkastoo aan si rasmi ah loo aqoonsan Somaaliland, haddana waxaa ay hore u qaaday tallaabo ka marag kacaysaa sida ay iyadu isu aqoonsan tahay, adduunkana laga rabo inuu u aqoonsado,” sidaa waxaa ku dhawaaqay Michael Walls horjoogaha goobjoogayashii doorashada ee 27 dal.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Somaalida (UNSOM) ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbigiisa Kulmiye ugu hambalyeeyay hoggaaminta dalka. Waxaana ay ku amaaneen sida nabadda ah ee loo maareeyay hannaankii doorashada taasoo ay ku sheegeen in ay abuurayso maxsuul qiimo badan.

“Waxaan soo dhoweynaynaa sida ay ku fushay doorashadu annagoo ku bogaadinayna siyaasiyiinta iyo hoggaanka dhaqan ee Somaaliland,” ayuu ku tiraabay xafiiska UNSOM isagoo ugu baaqay hoggaanka cusub inuu halkaa ka sii ambaqaado siyaasadda aragtida fog ee koobsatay dimuqraadiyad, nabad iyo xasilloonida bulshada Somaaliland.

UNSOM waxaa ay ballan qaaday in ay sii xoojin doonaan xidhiidhka ay la leedahay Somaliland kaasoo lagu salayn doono sidii Q.M dalka uga ka taakulayn lahayd fulinta “Qorshaha 2aad ee Horumarinta Somaaliland” ee 2017-2021. Sidoo kale, xafiisku waxaa uu carrab-dhabay in ay diyaar u yahiin dib u soo noolaynta wada-hadalkii Somaaliland iyo Somaaliya.

Waxaa iyaguna caasimadda Hargeysa soo gaadhay wafdi ka socday Jabuuti oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Cali Cabdi Faarax, wasiirkii hore ee arrimaha dibedda iyo iskaashiga dhaqaale, si wafddigu u bogaadiyaan Madaxweynaha la soo doortay Muuse Biixi Cabdi. Mudane Cali waxaa uu amaanay hannaankii iyo farsamadii doorashada oo sida uu sheegay hore aan uga fulin dalalka Afrika.
“Waxaa aan ka soo hormarnay xafladda lagu maamuusayo madaxweynaha cusub taasoo muujinaysa xidhiidhka sokeeyay ee ka dhexeeya labadeenna dal”. Sidaa waxaa sheegay Mudane Cali Cabdi. Isla markaa, waxaa uu ku ladhay, “caleemo-saarka waxaan kaga soo qayb geli doonaa wafdi rasmi ah”.

Dhinaca kale, dhambaal ay si wadajir ah u soo saxiixeen dalalka daneeya arrimaha Somaliland oo ka kooban 13 dal iyo midowga Yurub (Belgium, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Holland, Norway, Sweden, Switzerland, U.K, Maraykan iyo Midowga Yurub – EU), ayaa bogaadiyay Madaxweyne Biixi iyagoo ballan qaaday in ay si soke u la shaqayn doonaan isaga iyo xukuumadiisa si loo hubiyo shacabka Somaaliland in uu gaadho mustaqbal barwaaqo iyo nabad ah.

Dhambaal kale ee hambalyo waxaa iyaguna Westminster, LONDON ka soo wada diray xubnaha barlamaanka xisbiyada UK ee u ololeeya Somaaliland. Waxaa ay ku bogaadiyeen Madaxweynaha cusub iyo shacabka Somaaliland dedaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan xaqiijinta dimuqraadiyadda, kala danbaynta iyo horumarka taasoo ay ku tilmaameen “kaah xasillooni oo ka soo dhex iftiimaya Geeska Afrika”. Xildhibaanadu Waxaa ay ballan qaadeen, si dhow, in ay u la shaqayn doonaan madaxweynaha la doortay iyo maamulkiisa si hore loogu dhigo qaddiyadda Somaaliland, gaar ahaan qoddobada ugu mudan ee ictiraafka, ganacsiga, horumarinta iyo xuquuqda aadamiga. Waxaana ay soo dhoweeyeen, si degdeg ah, in ay madaxweynaha ugu la kulmaan caasimadaha London iyo Hargeysa. Farriin taas la mid ah waxaa isaguna soo dawiyay danjiraha UK ee arrimaha Somaaliland/ Somaaliya Mudane David Concar.

Doorashada, sidoo kale, waxaa si weyn looga soo dhoweeyay dalka Sweden oo ah dalkii ugu horeeyay Midowga Yurub (EU) ee laga aqoonsado Falastiin. Ka sokow, hambalyada diirran, Sweden waxaa ka curtay dedaal lagu xaqiijinayo ictiraafka Somaaliland. Mudanayaasha iyo marwooyinka barlamaanka ee xisbiyada Christian Democrats (KD) iyo Sweden Democrats (SD) ayaa u ololaynaya in la aqoonsado Somaaliland oo ay ku sheegeen dal si xawli ah ugu ruqaansaday nabadda, dimuqraadiyadda iyo horumarka, halka ay ku dureen Somaaliya in ay sii tiinbanayso, hoosna ugu daadegayso colaad, argagaxiso iyo dib-u-dhaca. Waa sida ay hadalka u dhigeene.

“Waxaan aaminsan nahay in la xaqiijiyo aqoonsiga Somaaliland annagoo la kaashanayna ururka Midowga Yurub,” ayay ku baaqeen xubnaha barlamaanka ee xisbiga KD. Hase ahaatee, xubnaha barlamaanka ee xisbiga SD ayaa ku baaqay mawqif aad uga sokeeeya kaa hore.

“Somaliland waxaa ay buuxisay dhammaan shuruudaha looga baahnaa dal madax-bannaan. Waxaana ay ka talisaa soohdimaha dalkeeda. Waxaa ay tilmaam u tahay gobolka ay ku taallo. Waxaa kale oo ay la timid doorashooyin xor ah, xukuumado hanoqaaday, xasillooni iyo nabad,” sidaa waxaa ku tiraabay Mudane Markus Wiechel ee xisbiga SD isagoo qaba maalin keliya in aan dib loo riixin ictiraafka Somaaliland.

Mudane Wiechel waxaa uu aaminsan yahay ictiraafka Somaaliland inuu Somaaliya iyo Geeska Afrika u nqon karo halbeeg looga tilmaam qaato nabadda iyo maamul-wanaagga. Aragtidaa waxaa la wadaaga Professor Pål Wrange, khabiirka shuruucda caalamiga ah ee Jaamicadda Stockholm University iyo khubaro badan oo ku takhasusay garnaqsiga caalamiga ah.

Dhinaca kale, Mudane Mikael Torstensson ee isla dalka Sweden, ergayga Somaaliland uga ololeeya Midowga Yurub (EU) ayaa sheegay Somaaliland in ay tahay dalka ugu dimuqraadiyadda badan Geeska Afrika weliba iyadoo ay ku hareeraysan yahiin maamulo keli-talis ah, argagaxiso, budhcad-badeed iyo boqortooyooyin Carbeed oo ka jira dhinaca Waqooyi.

“Waxaa ay degaan gobolka ugu nugul ee lagu yaqaanno keli-talisyo, colaad iyo argagaxiso – Jamhuuriyadda Somaaliland ee Geeska Afrika – waxaa ay tahay wax ka duwan gobolka intiisa kale oo lagu naaloon karo.” Mudane Torstensson waxaa uu intaa ku ladhay, “dalkooda waxaa ay ku xardheen in ay yahiin nidaamka keliya ee dimuqraadi ah oo halkaa ka shaqeeya, weliba iyagoo si joogta ah uga hawl gala hore u marinta xuquuqda aadami iyo in talada lala wadaago haweenka”.

Torstensson, waxaa kale ee uu xusay dalku inuu dagaal kula jiro, kana adkaadeen argagaxisada iyo budhcadda iyadoo bulshada caalamku aanay gacan ka geysan, Sidoo kale, waxaa uu tilmaamay Somaaliland in ay marti gelisay qaaxootiga Yaman iyo kuwa ka soo baro kaca Somaaliya iyo Ethiopia, Waxaa uu sheegay dalku in uu leeyahay nidaam waxbarasho oo hano-qaad ah iyadoo ay ka jiraan in ka badan 1000 dugsiyada waxbarashada hoose iyo sare iyo 30 jaamicadood.

Isla markaa. Torstensson waxaa uu tibaaxay dalku in uu kaalin mug leh ka qaato nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka. Waxaa uu ka soo xigtay xukuumadda Maraykanka in caasimadda Hargeysa ay tahay magaalada ugu nabdoon Qaaradda Afrika.
.
​Mudane Torstensson, hadalkiisa oo lagu daabacay Warsidaha Värden Idag waxaa uu ku soo gunnaanaday in la aqoonsado Somaaliland oo buuxisay shuruudahii laga rabay iyagoo weliba ku sii darty dhiidhii.

Sidaa darteed, Somaaliland guushan ay ku tallaabsatay waxaa ay soo dhoweynaysaa hayaanka dheer ee dalku ugu soo jiro raacdada iyo baadi goobka ictiraafka. Dad fara badan ayaa qaba arrinku in uu ku siman yahay intaas oo laga la sii dhowaado. Hase yeeshee, dad kale oo aan ka mid ahay ayaa aaminsan aqoonsiga in aan loo marin toobiyahaa dheer, balse, loo baahan yahay in aan u marno jid qardo-jeex ah iyo marin intaasba aad ugu dhow.

Se, marka hore isweydiintu waxaa ay tahay, in aan isla sal dhigno aqoonsiga Somaaliland inuu ku jiro laba arrimood. 1) In la buuxiyo shuruudaha qanuunka caalamka ee la innoga baahan yahay tasoo dad badan ay qabaan in uu dalkeennu mar hore fuliyay. 2) Sifahaa sharci ee aan soo sheegnay in uu ku meelmari karo markii lagu ladho taageero siyaasadeed oo ka bilaabanta dalalka deriska ee IGAD.

Haddaba, inta aynaan u gudbin qoddobka labaad, bal marka hore waxaa aan kor ka xaadinaynaa waxii shuruuc ah ee looga baahan yahay dal madax-bannaan, annagoo si qanuuni ah ugu lafa guri doonna qormada soo socota. Waxaa kale oo aan is dul taagi doonnaa halka uu maanta marayo “Hayaankii Ictiraafku” si aan u iftiiminno waxii innoo fulay iyo waxii innoo hadhay.

La soco Qaybta 4aad, Waa Maxay shuruudaha qanuunka caalamka ee Looga Baahan Yahay Dal Madax-bannaan. Halkee Se Marayaa Hayaankii Aqoonsiga Dalku? Xassan Cumar Horri (Machadka Dimuqraadiyadda Geeska Africa-HID), Suxufi ka faallooda umuuraha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassanhorri@gmail.com ama #horrimania.