Araweelo News Network
Riyadh(ANN)-Hudheelka Ritz Carlton ee magaalada Riyadh ee caasimadda dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo ka ahaa mid ka mid ah hudheellada ugu raaxada badan ee heerka boqortooyooyinka, ayaa waxa hadda loo beddelay xabsi lagu hayo boqollaal qof oo isugu jira amiirro boqortooyada ka tirsan iyo ganacsato caan ah.
Weriyeyaal ka tirsan warbaahinta BBC-da oo booqday dhowaan xabsiga qasriga ah ee lagu hayo maxaabiista tirada badan ee qoyska boqortooyada Sucuudiga, ayaa ka diyaariyey warbixintan oo uu ku soo ururiyey waxyaabihii uu halkaas ku soo arkeen.
“Ilaa 200 boqol oo amiirro iyo ganacsato ah ayaa goobtan lagu hayaa, kadib go’aan uu gaadhay dhaxalsugaha boqortooyada Sucuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan, kaas oo sheegay in uu la dagaallamayo musuqmaasuqa.
Muddo saddex toddobaad ah kadib markii hudheelka uu xabsiga noqday, wali hadal-haynta ugu weyn ee caasimadda Riyadh waa waxa ka jira gudaha hudheelkaas.
Sidaas oo ay tahay wax badan lagama oga waxa meeshan ka jira, waxyaabaha soo baxayna waa kuwa aad u yar, balse wararka la isla dhexmarayo ayaa ah qaar aad u badan.
Ma jiro qof geli kara ama ka bixi kara albaabada madmadow, midabka dahabka gidaarrada lagu dahaadhay ee hudheelka, iyadoon la heysan fasax rasmi ah.
Badhtamihii toddobaadkii hore ayaa naloo olgolaaday in aan gudaha u galno hudheelka xili habeenimo ah, iyada oo ay nala socdaan ilaalo boolis ah.
Dhaxalsugayaasha Sucuudiga ee la dayriyey:
Markii aan galnay gudaha waxa na salaamay shaqaalaha hudheelka oo weli adeeggoodii iyo marti-soorkoodii iska sii wata. Laakiin saraakiisha Sucuudiga ee goobta ku sugan wajigooda ma aha kuwa furfuran, mana oggola in la duubo ama ay wax waraysi ah bixiyaan.
Joogitaanka hudheelka muddo saacado kooban oo ay kugu hareeraysan yihiin boolis ma aha mid laga fili karo in aad war sugan ka hesho waxa meesha ka jira, balse waxaan ka helnay astaamo yaryar oo wax inoo bidhaamin kara.
Waxaan keliya maqlaynay canaan iyo handadaad ka dhacaysa gudaha, mana jirto qof madaxa kor u qaadaya. Waxa kale oo aad maqlaysaa shaah iyo qaxwo la shubayo.
Yaa meesha ku jira?
“Markii dadka xabsigan ku jiray la soo xidhayey ma ahayn kuwa faraxsan, aad ayeyna uga xumaadeen markii si qasab ah meesha lagu soo galiyey.” Sidaa waxa sheegay nin sheegtay inuu ka mid yahay Guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Sucuudiga oo masuulka ah xadhigga xubnaha tirada badan ee qoyska boqortooyada.
Waxa hudheelka xasbiga ah ku sugan masuul ka tirsan xafiiska dacwad-oogaha guud iyo wax lagu sheegay ururka xuquuqul-insaanka madaxabannaan, waxaanay xogo aad u kooban weriyaha ka siiyeen waxa meesha ka jira, balse waxay shuruud ka dhigteen in aan qofna magaciisa xigan.
Waxaan weydiinnay sababta halkan loogu soo xidhay dadka, jawaabtuna waxa ay ahayd, “Waxaan ka cabsannay in qaarkood baxsadaan, sidaas awgeed ayaan gudaha u soo galinnay.”
Ma jiro liis dawladda ka soo baxay oo si rasmi ah u sheegaya magacyada dadka jeelkan qasriga ah ku xidhan, laakiin kuwa ugu caansan ayaa soo shaac-baxay waxana ka mid ah ninka taajirka ah ee Amiir Calawiid Binu Talaal, kaas oo saamiyo ku leh shirkadaha Twitter, Apple ee dalka Maraykanka iyo hudheellada Four Seasoon iyo Savoy oo ku yaal magaalada London ee caasimadda Ingiriiska.
Amiir Mitab Binu Cabdullaahi oo dhaxalsugaha ay ilmaadeer yihiin, horena u soo noqday madaxa ciidammada ilaalada dalka, ayaa ka mid ah amiirrada tirada badan ee xabsigan ku xidhan.
Xadhigga raggan heerka sare ah ayaa keenay in loo fasirto inuu yahay mashruuc ku saabsan dagaal siyaasadeed iyo loollan ka dhexeeya boqortooyada.
La-dagaallanka musuqmaasuqa:
Labadii sannadood ee la soo dhaafay, koox uu magacaabay dhaxalsugaha ayaa ururinayey caddeymo ku saabsan fal-dambiyeedyo musuqmaasuq ah, waxaanay kooxdani ku hawlgalaysay si hoose oo aan cidna dareemayn. Caddaymaha ay hayaan qaarkood waxay la xidhiidhaan baadhitaanno tobanaan ka sanno ka hor la sameeyey.
Markii digreeto boqor lagu magacaabay Guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa, waxa ay markiiba qaadeen tallaabooyinkooda, waxayna xabsiga ku gureen xubno tiro badan oo ka tirsan qoyska boqortooyada.
Su’aalaha ku saabsan sharciyadda loo maray tallaabada dadka lagu xidh-xidhay waxa jawaab lagaaga dhigayaa in xafiiska dacwad-oogaha guud yahay mid madaxbannaan.
Masuuliyiinta hay’adaha garsoorka ee Sucuudigu waxay kuu sheegayaan in waxa socdaa yihiin baadhitaanno horudhac ah oo keliya, isla markaana dadka la weydiinayo in ay soo celiyaan lacagihii ay xadeen.
“Waa nidaam sahlan. Qofka waxaan tusaynaa caddaymaha aan ka heynno, waxaanan weydiinaynaa in uu soo celiyo lacagtii uu dhacay.” Sidaa waxa yidhi sarkaal ka tirsan xafiiska dacwad-oogaha guud ee Sucuudiga oo weriyaha BBC-du la kulmay.
Hudheelkan xabsiga ah waxa ku xidhan ilaa 201 qof, intooda badana waxa ay doonayaan in arrintan xal loo helo, meeshana ka baxaan.
Waxa hawsha socota ka qeybqaadaya khubaro ka tirsan wasaaradaha dawladda, sida maaliyadda, bangiyada iyo caddaaladda, kuwaas oo shaqada ku jira 24 saac si ay u fududeeyaan baadhitaanka iyo xal-u-helista mashaakilka taagan.
Ugu yaraan 500 qof ayaa ka diiwaangashan in ay hudheelka ka shaqeeyaan, waxana xataa ka mid ah shaqaale caafimaad oo daryeel u fidinaya maxaabiista xidhan.
Ilaa hadda 7 qof oo maxaabiista ka mid ah ayaa la fasaxay kadib markii sida la sheegay wax dambi ah lagu waayey.
Qiyaastii 4% dadka meesha ku xidhan ayaa ku adkaysanaya in dacwadooda ay la tegayaan ilaa heer maxkamadeed, balse 95% inta soo hadhay waxay diyaar u yihiin in ay heshiis galaan, lacagta loo heystana ku shubaan Bangiga Dhexe ee Sucuudiga.
Nin ganacsade ah oo reer Riyadh ayaa sheegay in uu arkay dukumantiyo ay ku qoran yihiin 1,900 sanduuq oo bangi, kuwaas oo la xayiray lacagihii ku jiray. Waxa jira warar ka hadlaya in lacagaha la xaday ay gaadhayaan 800 bilyan oo doolar, hase yeeshee markii aan arrintaas wax ka weydiinay saraakiishii aan kula kulannay Hotel Ritza Carlton waxa ay ku jawaabeen, “xataa haddii aan ka helo $200 bilyan, waa wax fiican.”
Sarkaalkan oo ka tirsan guddiga baadhitaanka ee gaarka ah, ayaa tusaale u soo qaatay koob qaxwe ah oo uu cabbayey “hadda koobkan qiimihiisa dhabta ah waa $10 doolar, balse waxa laga dhigay $100 doolar.” Wuxuu sidoo kale tusaale u soo qaatay dhismeyaal qabyo ah oo dugsiyo waxbarasho iyo cusbitaallo, ah kuwaas oo kharashka ku kacaya laga dhigay boqol milyan oo doolar, laakiin kharashka rasmiga ah uu kaas aad uga yaryahay.
Dadka meesha ku jira qaarkood waa gabow, waxayna qabaan xannuuno kala duwan, sidaa darteed waxa hudheelka laga furay xarun caafimaad oo ay joogaan shaqaale caafimaad. Ma aha wax adag in aad dareento cadhada iyo niyad-jabka meeshan ka jira.
Dadkii mar saameynta badan ku lahaa boqortooyada ayaa hadda xabsiga ku jira iyaga oo aan raalli ka ahayn.
Hase ahaatee, saraakiisha aan la kulannay waxa ay sheegayaan in 99% dadka Sucuudigu ku faraxsan yihiin tallaabada dawladdu qaadday.
Dadka meeshan ku jira dhibaatada ugu badan ee ay ka cabanayaan waxa ka mid ah in aanay hudheelka ka helin cuntooyin dalab gaar ah oo laga keeno dalal kale sida Ruushka oo kale, laakiin wax kasta oo ay rabaan oo kale waa ay ka helaan meeshan.
Talefoonnadooda waa laga qaaday, waxayna keliya isticmaali karaa telefoonno hudheelka ku rakiban oo sababo kooban loo adeegsan karo.
Waxa kaloo loo oggolyahay inay soo booqdaan dadka ay isku shaqada yihiin si ganacsiyadooda ay u kala socdaan.
Dadka booqanaya waxa ay hudheelka ka galayaan albaabka dambe, sidoo kalena marka ay doonayaan inay emaillo dirsadaan waxay sidaas samayn karaan marka ay fasax u helaan.
Jidh-dhiska iyo madadaallada sida heesaha iyo muusiga ayaa loo oggolyahay dadka jeelkan ku xidhan.
Si kastaba ha ahaatee, goobtani waa jeel, balse ma aha xabsiyadii caadiga ahaa ee dadka lagu ciqaabayey, dadka ku xidhana waxa ay heystaan wax kasta oo lagu raaxaysto, laguna faakideysto.