Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Taliyaha Booliska Somaliland jeneral Cabdullaahi Fadal Iyo Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee WADANI Cabdulqaadir Ismaaciil Jirde, ayaa ka hadlayweerrar xalay lagu qaaday guriga uu magaalada Hargeysa ka deganyahay Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ee waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi Ciro oo ku yaal koonfur Galbeed Magaalada Hargeysa.
Gudoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADANI, Cabdulqaadir Ismaaciil Jire, ayaa Idaacada BBC-da u sheegay in koox dhallinyaro ah ay xalay soo weerrareen guriga Cabdiraxman Ciro.
Cabdulqaadir Jirde, ayaa sidoo kale sheegay in dhallinyaradaasi ay ku tuhmayaan inay soo abaabuleen cidda tartanka doorashada uu ka dhexeeyo, wuxuuna intaa ku daray in dhalinyaradaasi ay dhagax ku dhaawaceen askari ka mid ah ilaalada guriga.
Dhinaca kale Taliyaha guud ee ciidammada Booliska Somaliland Gen. Cabdulaahi Fadal Iimaan, ayaa dhinaciisa u sheegay BBC-da in falkaasi loo soo qabtay Afar qof dhallinyaro ah iyo baabuur, isla markaana ay wadaan baadhitaan la xidhiidha arrintaa, wuxuuna ugu baaqay xisbiyada inay xakameeyaan taageerayaashooda gaar ahaan dhallinyarada, isagoona ku hanjabay in booliska ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo ku kacda falalka noocaa oo kale ah.
Sidoo kale Gen. Cabdullaahi Fadal iimaan, ayaa sheegay in isla xalay ay qabteen dhallinyaro weerartay xafiis xisbiga kulmiye uu ku leeyahay xaafadda sheekh Madar ee magaalada Hargeysa .
Maalmihii u danbeeyay intii ay ka bilaabmeen maagaalooyinka Somaliland isu soo baxyada ay axsaabta qaranku ku muujinayaan taageeradooda, Waxa soo baxay falal foolxumo ku ah nidaamka tartanka, kuwaas oo abuuri kara dhibaatooyin dhanka ammaanka ah.