Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Taageeraasha Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa oo saaka waaberigii Isugu soo baxay fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn ee dalka Iyo degmooyinka, ayaa muujiyay taageerada cududooda iyo dareenkooda Shucuurta Olollaha Doorashada Madaxtooyadda oo shalay loo fasaxay xisbiyada ololaha kaanbeynka.
Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, waxa subaxnimadii hore hadheeyay sawaxanka Iyo dhawaaqyada taageerayaasha oo wata calamo Iyo istiikaro ay ku sawiran yihiin labada murrashax ee Muuse Biixi Cabdi Iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Salylici, kuwaas isaga soo baxay daafaha magaalada, Isla markaana Isugu tegey Beerta Xoriyada oo ay kula hadleen Murrashaxa Madaxweynaha ee KUMIYE, Muuse Biixi Cabdi Iyo Masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa Sidoo kale kumanaan Isugu soo baxay Magaalada Burco kula hadlay Fagaaraha, kuwaas oo si xamaasad ah Isugu soo baxay saaka waaberigii, Isla markaana hadheeyay shaaracyada Wadooyinka waaweyn ee Burco, iyagoo sita astaamaha calanka KULMIYE , istiikaro waaweyn, boo dhaca ay ku qoran yihiin halkudhegyo, Isla markaana ku lesbian diray ska uu ka samaysay yahay Calanka KULMIYE.
Sidoo kale Magaalada Xarunta ah ee Boorama, waxa tagaaerayaasha KU!MIYE oo muujiyay cududooda kala qaybgalay isu soo baxa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Isla markaana ah Murrashaxa Madaxweyne ku xigeenka ee KUMIYE.
Ololaha isu soo baxa Magaalada Berbera, waxa taageerayaasha KULMIYE kala qaybgalay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad Maxamed Kaahin Kaahin Iyo Masuuliyiin kale, waxaana taageerayaasha Berbera kaga duwanaayeen kuwa magaalooyinka kale, iyagoo Ololaha Iyo isu soo baxooda u talaabiyay dhinaca Badda, iyagoo isticmaalaya gaadiidka Badda.y
Magaalooyinka Laascaanood Iyo Ceergaabo, ayaa Sidoo kale laga sameeyay isu soo baxyo ay taageerayaasha KULMIYE ku muujinayaan cududooda, iyadoo deegaamada kale ee gobolada Sanaaag Iyo Sool laga muujiyay taageerada Xisbiga KULMIYE.