Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed .Cabdillaahi (Cirro) iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta socdaal ugu baxay dalka Ethiopia, ka dib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisal wasaaraha dalkaa. Mr.Hailemariam Desalegn.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xisbiga WADDANI, waxa Socdaalkaa ku weheliyay Murashax Cirro, hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, Pro.Maxamed Alla-bari oo ka tirsan hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI, xoghayaha arrimaha dibadda Xisbiga WADDANI Dr.Maxamed Cismaan Fadal iyo sida oo kale madaxa hawl-wadeenada shaqaalaha Baashe Yuusuf.
Guddoomiyaha WADDANI! Isla markaana ah murrashaxa xisbigaa ee Doorashada Madaxtooyada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Ciro) iyo wefdigiisa , ayaa sida warka lagu sheegay Socdaalkoodu qaadanayaa muddo dhowr maalmood ah, waxaana la filayaa in halkaas ay kulamo khaasa kula yeeshaan ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Mr.Hailemariam Desalegn iyo madax ka tirsan dawladdiisa, kuwaas oo ay ka wada hadli doonaan arrimo khuseeya dhinacyada Somaliland iyo Ethiopia iyo weliba ammuuro khuseeya doorashooyinka Somaliland.
Dhinaca kale socdaalka dhanka Ethiopia ee Murrashaxa WADDANI Iyo xubnaha la socda ee galanta u anbabaxay Xarunta dalka Ethiopia ee Addis-ababa, ayaa kusoo beegmay, iyadoo ay dalka Ethiopia shalay safar ugu baxeen Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi iyo wefdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo maanta kulan la yeeshay ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia, Isla markaana galabta kusoo laabtay dalka.kadib markii ay soo dhamaysteen ujeedada safarkoodii Ethiopia.