Araweelo News Network
New York(ANN)-Xoghayaha Qaramada Midoobay Mr. Antonio Guterres ayaa sheegay in xaalado laga argagaxo laga soo sheegayo dadka ka qaxay colaadda Myanmar.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in colaadda ka taagan dalka Myanmar ay dhalisay xaalad qaaxooti oo degdeg ah iyo tacaddiyo ballaadhsn oo xuquuqda Aadamaha ah.
Antonio Guterres, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu la hadlayay Golaha Ammaanka, isagoo uu ugu baaqay xukuumadda Myanmar inay joojiso howlgalka milateri ee dhaliyay in nus milyan qof oo ah Muslimiinta Rohingya ay bishii lasoo dhaafay dalkaasi ka barakacaan.
Waxa uu sheegay in xaalado laga argagaxo ay ka warrameen dadka ka qaxay colaadda Myanmar, isagoo Mr. Antonio Guterres ugu baaqay xukuumadda dalkaasi inay hay’adaha gargaarka u ogolaato gobolka Rakhine oo ah halka ay mushkiladda ka taagan tahay.
Dhanka kale, baadhitaan ay samaysay BBC, ayaa su’aal geliyay qaabka ay Qaramada Midoobay ula tacaashay dhibaatada haysata Muslimiinta Rohingya.
Dukumiintiyo si hoose loo dusiyay, ayaa muujinaya in sanadihii ka horreeyay inta aanay xiisaddan soo shaac bixin, ay mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay u jooga Myanmar horjoogsan jireen cid kasta oo ka hadasha dhibaatada qowmiyadda Rohingya ay kala kulanto dowladda Myanmar, taas oo fadeexad ku noqonay Qaramada Midoobay.
Saraakiisha Qaramada Midoobay, ayaa kula taliyay ururada xuquuqda Aadamaha in aanay booqan deegaannada ay dhibaatadu ka jirto.
Balse War qoraal ah oo uu soo saaray madaxa Qaramada Midoobay u fadhiya Myanmar, ayaa lagu sheegay in arrintaasi aanay jirin, isla markaana ay mudnaanta koobaad siiyaan ilaalinta xuquuqda Aadamaha .