Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)-Saraakiil ka socotay labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland WADDANI Iyo UCID, ayaa ku gacan saydhay in ay qayb Ka noqdaan oo ay saxeexaan xeerka anshaxa saxaafada xiliga doorashada Madaxtooyadda ee 2017.
Saraakiisha Axsaabta Mucaaradka, ayaa sabab uga dhigay in ay diidaan kadib markii laga diiday in ay xubnaha gudida wax ku yeeshaan, iyagoo ku dooday in laga diiday in laba xubnood loogu daro.
sidoo kale waxay Saraakiisha labada Xisbi sheegeen in xeerka anshaxa saxaafada Iyo gudida la sameeyay iska maamushay Wasiirka Warfaafinta Somaliland. Sidaa awgeed aanay aqbalayn xeerka anshaxa saxaafada ee doorashada Madaxtooyadda Somaliland iyo xeerka anshaxa Axsaabta oo ay sheegeen in ay lifaaq raaciyeeen ay ku dalbanayaan in Madaxweynuhu soo saaro Digreetooyinka loo baahan yahay ee khuseeya arrimaha doorashada, balse waxay ku doodeen in lifaaqooda la tuuray.
Masuulyiinta xisbiyada mucaaridka Somaliland ee UCID Iyo WADDANI, ayaa sidoo kale ku dooday in Cadaadis Iyo culays aan loo baahnayn la saaray Komishanka doorashooyinka qaranka.
Xeerkaa waxa ka horreeya in Madaxweynuhu soo saaro wareegtooyin xiliga kala guurka ee doorashooyinka oo la xidhiidha Ciidamada Qaranka, Shaqaalaha Dawladda iyo Hantida Qaranka in aan loo adeegsan doorashada lama soo saarin mana aqbalayno ilaa laga soo saarayo wareegtooyinkaa, isla markaana Komishanku dhegaysanayo cabashada axsaabta mucaardka.
Sidaa awgeed waxay ugu baaqeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo inuu dhegeysto baaqooda oo soo saaro Digreetooyinkaa si doorashadu u noqoto mid aanay xukuumaddu fara gelin ugu samayn oo saaxad nadiif ah loogu tartamo.