Qallinkii Muuse Jaambiir
Somaliland haatan waa 26 jir, aqoonsi la’aanta ka sokow, miisaankeedu dheelli ku qaan gaadhay. Wax wada lahaansho dhab ah iyo cadaalad loo siman yahay oo qofba quruskiisa ka siisa waxa la wada leeyahay, waxay weli ka dhigan tahay su’aal aan jawaabteedii la helin, balse baadidoonkeeda lagu jiro oo aan laga quusan .
Dhacdooyinkii todobaddii sano ee u dambeeyay maamul ahaan dhacayay waxay tusaale fudud u noqon karraan heerka hooseeya ee ku dhaqanka sharcigu gaadhsiisan yahay. Waxay tilmaan u yihiin heerka badheedhka ah ee uu marayo musuqa, dhaca iyo boobka hantida umaddu.
Haddii ficilka qaloocani is qarin waayo oo uu badheedh banaanka ugu soo baxo fool xumo ka wayni ma jirto. Markuu xad dhaaf iyo isugu faan noqdo ee aad diidi waydona gobanimo iyo qurux inaad u qaadataa waa suuragal sida eeggaba muuqata ee xaragadda iyo dhaadashada loogu arko.
Qof kasta oo la socda wacyiga siyaasadeed ee xilligan taagan iyo muuqaalka Somaliland dal ahaan leedahay guddo iyo dibadba, wuu ku taagan yahay ladhka doorashada soo socotaa. Mid kastaaba wuxuu ku odhanayaa, ‘waa doorasho adag oo welwelka laga qabaa haatanba saameeyo dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo nolloleed ee dadka iyo dalka. Dad badan baa shaqooyinkii ay nolol maalmeedka kala soo bixi jireen istaageen sida dhismaha, dad badan baa lacagtii ay hawlaha ugu talogaleen jeebka ku hakiyay oo ka war dhawraya siday wax u dhacaan maalintaa.
Waxyaabo badan ayaa sal u ah shakiga laga qabo waxay soo waddo maalintaa 13.Nov.2017. Qodobadda ugu muhiimsan ee faalleeyayaashu tilmaamayaan waxa kow ka ah; ku dhaqankii sharciga iyo kala dambayntii nidaamka dawliga ah oo hoos u dhacay, taasina ay sababtay la xisaabtan la’aan loo arko inay horseeday in masuul kastaaba siduu doono u socdo. Kala qubashada iyo kala xidhiidh furashadaa waxa loo sibir saaraa, awooddii fulinta ee masuuliyadda Madaxweynaha oo u muuqata mid aan urursanayn ee ku baahday gacmo kale oo aan loo doorran. Hawlgudashada Madaxweynaha iyo in gacmo kale awooddiisii ku shaqeeyaan in badan baa jiritaankeeda laga hadlay, Madaxtooyaduna jawaabo ka bixinaysay, balse Somalilandna dad ahaan waxay ixtiraameen hogaamiyahooda waayeelka ah, dhalliil kasta oo jirtana samir bay kaga jawaabeen.
Qodobka labaad,waxa qaylo ka taagan tahay,Hantidii dawladda sida, gaadiidkii, lacagtii iyo warbaahintii umadda oo loo tirinayo inuu si gaar ah u isticmaalayo xisbiga magac ahaan xukuumaddu ka soo jeedo. Sidoo kale shaqaale dawladdeed, Agaasimayaal, Askar, Garsoorayaal iyo inta sharcigu ka maanacay ka qayb qaadashada kaambaynka doorashada ayaa iyana qarsoodi la’aan muuqda ama la tilmaamayaa ficilkooda. Cabudhin, cadaadis, xadhig sharci darro ah iyo arrimo badan oo kale oo xajiintooda leh ayaa iyana cabashadoodu soo yeedhaysaa. Qodobka sadexaad oo wax ka soo qaad aad u wayn lihi waa adeegsiga qaawan ee qabyaaladda. “Reer hebelow haddii maanta hebel dhaco, dib dambe reer hebel loo arki maayo…..Waxay ahayd in aynu inagu faanno, oo nidhaahno anagaa dhulkii hayna, dadkii hayna, dhaqaalihii hayna…Xisbiyadda kale halkan marti bay ku yihiin….Oodhfanadii Hargeysa laga qaaday ayaa Gabilay la geeyay oo reer Gabilay….”Dhawaaqyada dhadhankaas oo kale leh iyo wixii la mid ahi waa qaar meel ka dhac ku ah wadajirka iyo karaamadda umadda iyo ta qaranimo intaba, isla markaana abtirsiimo iyo kala sooc u dhuranaya. Way dhacdaa in qabyaalad kastaa waxyaabaha qaarkood hoos isu tidhaahdo, curadna maaha inay xodxodasho siyaasadeed si hoose u dhex marto horjoogayaasha qabaa’ilka marxaladan oo kale, balse maanta waxay u eg tahay in kor loo leeyahay oo waliba qaar ka mid ah intii la biddayay ee la is lahaa waa labeenta umadda ee xisbiyadda ku jiray ay fagaaraha la taagan yihiin oo ay kor ugu dhawaaqayaan hadal dhafoor taabasho ah oo carrinaya ficilka xun ee qabyaalada ama meel kaga dhacaya xuquuqda dadka.
Mid kale waa doorashadii Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee dhawaan dhacday oo lagu tilmaamo fadeexad tuhunkii ka qaaday hay’adda garsoorka oo aan awalba madax bannaani buuxda haysan, isla markaanna sharaf dhac ku ahayd Golaha Odayaasha oo marka horeba maydhaan badan loo tirinayay. 77 Xildhibaan ayaa kala doortay laba murashax, mid 39 buu helay, midna 38 buu helay. Hase yeeshee wax is waydaarin dhacday darteed baa sababtay in ninkii guulaystay la yidhaahdo maad guulaysan, markuu caddeeyay ee soo bandhigayna Maxkamaddu waxay ku gaabsatay geli mayno kiiskaa ee gudihiinna isku noqda, Guurtiduna sidoo kale gacmahay ka laabatay. Iskamay dhacayn waxani ee awoodda fulinta ayaa wax laga saarayaa maydhaanka iyo duudsigaa, taasina waxay ku keliftay Xildhibaankii Gudoomiyenimadda ku guulaystay iyo xisbigiisii inay khasab ku tanaasulaan. Haddii qofka muwaadinka ahi xuquuq uu leeyahay oo uu helay awood lagu waasiiyo noocay u tahayba, isla markaana uu waayo xaqsoor sharci oo u dhiciya xaqiisa, hadduu iska aamuso ama ka hadho xaqiisii taa macnaheedu maaha tanaasul ee inuu gacanta ka hadlo ayuu ka hakooday. kaasi maaha tanaasul, balse Somaliland waxay u taqaannaa tanaasul ay ku caano maashay, horrena waa u soo dhacay, haddana waa dhacay, berina wuu dhici karaa, laakiin weligii ma jirri karo, haddaan qarankan sharcigu hogaamin ee uu xeer u sii ahaado fikirka ama aragtida qofka awoodda haya oo keli ahina ma sii noollaan karro. Sidaa darteed labadaa hay’adoodba sidii ay ka yeelleen wixii golahaa dhexdiisa ka dhacay, waxay abuurreen sida muuqata in lays waydiiyo cidda dadka kala qaban doonta haddiiba muran yimaado. Sidoo kale xusuusta doorashadii golayaasha deegaanka hadda jooga oo ahayd tii ugu horaysay ee maamulka Siilaanyo qabto, isla markaana ahayd tii ugu shar badnayd ee dalka ka dhacda ayaanay hibashadeedii weli maanka ka suullin. Arrimahaa iyo qaar kale oo la mac ahiba waxay qayb ka yihiin waxyaabaha abuuray werwerka iyo walaaca uu dadku ka qabo doorashada soo socota, taasoo masuuliyadda qabashadeeda lihi tahay ta ay talladeeda waxaasi ka hoos dhacayaan.
Waxtar iyo waxyeelo mar kastaba waa isbarbar yaalaan, maamul kasta oo dalkan soo marayna wax qabad iyo wax dhimaalba wuu lahaa. Sidaa aawadeed maamulka taladda haya todobaddaa sano ee haatan gabaabsiga ah wixii laga soo mutay dhib iyo dheefba waxa sagootis u noqonaya doorashada la qorsheeyay inay dhacdo 13.Nov.2017. Doorashadaa waxa loo arkaa dhegta ugu wayn ee u nool taladda Madaxweynaha waayeelka ah, waxaanay ku xidhan tahay hadba siday u dhacdo. Laba mid uun baa loo arkaa inay midkood noqon doonto oo laga filan karro maalintaa. Waxa dhici doonta doorasho cadaalad ah oo si aan mugdi ku jirin loogu kala badiyo, kii guulaystana kii laga guulaystay ugu hambalyeeyo ama waxa dhici doorriso, duudsi iyo musuq ka dhalatay oo umadda madaxa isu gelisa, dalkana jaahwareer gelisa. Haddii doorasho cadaalad ahi dhacdo Madaxweyne Siilaanyo wuxuu dadkiisa iyo dalkiisa ku yeelanayaa magac iyo milge aan duugoobin inta uu nool yahay, haddii uu xijaabtona dhegtiisu waxay noqon doonta mid nool oo qabriga ducadda ku hesha. Sidoo kale haddii doorasho xalaal ahi dhacdo, wuu hayaa wuxuu ku wareejiyo ka ku guulaysta si halkaa looga sii socdo, isla markaana wuxuu noqonayaa nin dabaqay dastuurka dalka. Laakiin, haddii doorasho la waayo oo doorriso dhacdo, duudsi dhaco, musuq dhaco, in ismaan dhaaf iyo muran yimaaddaa waa marinkeeda, saadaashuna markaa mugdi ka fursan mayso, taasina waa ta haatanba dadka siyaasadda ka faalloodaa ka webinayaan, haddaan wax laga bedelin sida hadda wax u socdaan. Sababtoo ah waxa maanta dhacayaa waxay odoros u yihiin waxa beri laga filan karro.
Gunaanadkii, Somaliland waxay u baahan tahay doorasho ee uma baahna doorriso. Cirro cadaalad buu u baahan yahay, Muuse cadaalad buu u baahan yahay, Faysal cadaalad buu u baahan yahay, dadku cadaalad bay u baahan yihiin, qarankuna cadaalad buu ku jirri karraa, masuuliyadduna waxay maanta saaran tahay Madaxweyne Siilaanyo iyo madaxtooyadiisa, Doorasho iyo doorriso ta ay taladiisu noqotana waa la dhawrayaa.