W/Q. Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)
Maqaalkani Wuxuu ku socdaa Madaxweynaha JSL iyo Haldoorka JSL….
Mar haddiiba Somaliland lagu asaasay qaab beeleed, isla markaana lagu heshiiyay in looga gudbo Qaranimo, maadaama aynu ka wada war-qabno in beelnimadu aanay ina gaadhsiinayn horumar, oo halka ugu fiican ee ay ina gaadhsiin kartaa ay tahay nabad mar kastaaba taxadar looga qabo inay isu-badasho colaad (Negative Peace).
Saddexdii shir ee ugu waawaynaa ee Somaliland soo martay ee kala ahaa Burco 1991, Boorama 1993 iyo Hargeysa 1997, waxa hor yaallay ajandayaashan hoos ku xusan, iyadoo qaar ka mid ah guul laga gaadhay, qaarna lagu guul darraystay:
1. Dib ula soo noqoshada Madax bannaanida Somaliland = Waa lagu guulaystay.
2. Nabadaynta Somaliland = waa lagu guulaystay.
3. Dhisida Haykalka dawladnimo (Qaramaynta ciidamada/ Wasaaradaha..iwm) = waa lagu guulaystay.
4. In nidaamka beelnimo ee intaasi hore oo dhan suuragaliyay looga guuro nidaam qaranimo oo diimuqraadiyad ku salaysan = Waa lagu guul-darraystay.
Guul-darrada Somaliland ku dhacday waa mid la xidhiidha u guurida hanaanka diimuqraadiga iyadoo laga soo guuraayo nidaamkii beelnimo.
Haddaba si hanaankaasi u guulaysto wuxuu u baahan yahay arrimahan:
1. In la dhiso hayado dawladeed oo adag, oo ka madax bannaan qabyaalada.
2. In sarraynta sharciga la adkeeyo.
3. In gabi ahaan laga saaro saaxada siyaasada urur kasta oo ku salaysan qabiil sida madax-dhaqameedka …iwm.
4. In shacabka la baro muwaadinimada oo ay u dhaqmaan si muwaadiniin ah oo ay xidhiidh toos ah la yeeshaan dawladooda iyagoo aan u baahnayn inay u dhex maraan beelohooda.
5. In nidaamka doorasho noqdo mid sahlaya in muwaadiniintu is abaabulaan qaab fikir iyo aragti ku salaysan, oo ka fog reernimada.
Waxaan aaminsanahay in dhamaan 5-ta arrimood ee kor ku xusan in aynu ku guul darraysanay, oo hanaankii aynu bilawnay sannadkii 2001-dii markii aynu dastuurka u codaynay uu noqday mid khaldamay.
Xaqiiqadu in Nidaamkeena siyaasadeed noqday mid ku salaysan arrimahan:
1.Maamul dawladeed oo reernimo ku salaysan, kaasoo sii xoogaystay muddada xukuumada Kulmiye.
2. Sarraynta Sharcigu iyo kala dambayntu aad ayuu faraha uga sii baxay, waxaana tusaale fiican inoo ah murankii dhawaan ka dhashay shirgudoonka golaha wakiilada, oo waxa ay Somaliland maanta ku socotaa isu-tanaasul iyo isa-sa-sabasho.
3. Axsaabteenu waxay noqdeen qabiil sooc ah iyo hanti gaar ah oo ay dad iska leeyihiin.
4. Shacabka Somaliland lama barin umana bilawna inay yihiin muwaadiniin balse waxay isu arkaan kuwo reero ka soo jeeda, taasna waxa tusaale fiican inoo noqonaysa maceeshada oo cirka isku shareeraysa iyo shacabka oo u midoobi kari la’ maadaama aanay isu arkayn kuwo dani ka dhaxayso, oo qof walba u arko in cida danta ka dhaxaysaa uu yahay ka isku qabiilka yihiin, xita haddii ay kala duruufo yihiin.
5. Nidaamkeena doorasho waa mid xoojinaya qabyaalada iyo reernimada, oo waxa marag ma doon ah in suuqa qabyaaladu ay cirka isku-shareerto mar kasta oo ay doorasho soo dhawaato.
Maadaama arrimahaasi oo dhan ay jiraan, waxaan u arkaa in doorashadan madaxtooyada ee soo socotaa ay hagardaame ballaadhan gaadhsiinayso Jumhuuriyada Somaliland oo gaadhsiisnaan karta dagaal sokeeye, maadaama tartanku u dhexeeyo reero oo aanu marnaba ku salaysnayn afkaar iyo aragtiyo.
Sidaa awgeed waxaan soo jeedinayaa in Somaliland ay gasho marxalad kala guur oo 3-sanno ah, muddadaasina uu dalka u taliyo 3-da murashax madaxweyne iyo Seddexdooda ku xigeen oo ay lixdaasi isku noqdaan gole madaxweyne, oo ay muddada kala guurka ah ka shaqeeyaan sidii ay dalka uga dhisi lahaayeen shanta arrimood ee aynu kor ku xusnay, ka dibna ay doorashooyin qabtaan aanay iyagu u tartamaynin.
Golahan madaxweyne ayaan soo jeedinayaa in dhamaan awoodaha oo dhan gacantooda lagu ururiyo, oo la kala diro dhamaan golayaasha kale ee Somaliland.
Waa aragtidayda.. Haddii ay saxan tahayna waa waafajinta Ilaahay… Haddii ay khaldan tahayna waa mid shaydaanka ka ahaaday anigana igu kooban.
Somaliland Alle ha guuleeyo… Aamiin.