Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Saraakiisha Taliska ciidanka Booliska Somaliland, ayaa sheegay in ay qabten Sheekh Aadan Sune oo ka tirsan Culimada Somaliland Iyo Koox dhalinyaro ah oo hubaysan.
Afhayeenka Booliska Somaliland Gaashanle Sare Faysal Xiis oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in kooxdaas ay maleegayeen falal amniga dalka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in toobabar dab rid ah ay ku samaynayeen deeganka Uubaale oo dhinaca koonfurta kaga beegan magaalada Hargeysa .
Afhayeenka Booliska Somaliland Faysal Xiis, ayaa sidoo sheegay in ciidamada Boolisku xalay hawl gal ay sameeyeen ku soo qabteen Sheekh Aadan Sune oo ka mid ah culimada ugu caansan magaalada Hargeysa, wuxuuna ku tilmaamay qabashada Sheekh Aadan Sune in ay ka danbaysay markii sida uu sheegay Boolisku ka war heleen inuu ku hawlanyay falal khatar ku ah amniga Somaliland, Isla markaana taageero u muujiyey kooxda dablayda ah ee ciidamada Boolisku qabteen.
Sidoo kale Afhayeenka, ayaa sheegay in markii la qabanayay Sheekh Aadan Sune uu kala hor yimi Booliska iska caabin xooggan, isagoo sida uu sheegay diyaarsaday dhalinyaro doonayay in ay difaacaan.
Dadweynaha Magaalada Hargeysa, ayaa xalay qaarkood maqlayay sanqadha rasaasta oo dhawaaqeeda laga maqlayay xaaafada qaarkood, waxayna arrinta qabashada wadaadka iyo kooxda boolisku sheegeen in hawlgabkaa lagu qabteen noqotay ta ugu hadalhaynta badan goobaha ay bulshadu ku kulanto ee magaalada hargeysa.