Araweelo News Network
Prof. Maxamed Siciid Gees oo ah qoraa reer Somaliland, ayaa muddo hadda laga joogo saddex sanno ka hor qoraal uu soo saaray kaga hadlay Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan dawladda Ingiriiska Mr. Rory Steward oo safar shaqo ku yimmi Somaliland toddobaadkan.
Qaybtii 14aad ee qormooyinkiisii Dharaaro Xusuustood oo soo baxday 9 January 2014, ayuu Prof. Gees ku soo qaatay warraysi hore looga qaaday Mr. Rory Stewart oo xilligaas aan ahayn Wasiir, balse ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska, qormadaas oo faahfaahsana waxay u dhignayd sidan;
“Barafasoor Cali Masruuci oo ah aqoonyahan caan ah oo u dhashay dalka Kenya, kana soo jeeda dadka xeebaha degga ee Muslimka ah ee loo yaqaan Baajuunta, ayaa mar uu booqasho ku yimi Somaliland sannadkii 2005, kaas oo i weydiiyey aniga oo meel gole ah joognaa su’aal ah; ‘Maxaa ay Somaliland ugu guulaysatay nabadda iyo dawlad dhiska, Soomaaliyana ugu guulaysan weyday?’ aniguna waxan ugu jawaabay; ‘Soomaaliya waxa ku jira gacmo shisheeye, Somaliland-na iyada ayaa isku tashatay.’ Ma hubo inuu ku qancay iyo in kale, haseyeeshee maqaal aan dhowaan akhriyey ayaa ka-marag-kacaya arrintaas aan ku jawaabay.
Khabiir Reer Galbeed ah oo ka soo jeeda Boqortooyada Midowday (UK) ayaa wax la mid ah iftiimiyey, Ninkaas oo hadda ah Mudane Aqalka Golaha Wakiillada ee dalka Boqortooyada Midowday (UK) oo la yidhaah Rory Stewarts (oo hadda ah Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan Ingiriiska) oo warbixin siiyey wargeyska la yidhaah The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska.
Mr. Rory Stewarts waxa uu wax ku bartay dugsiyada iyo Jaamacadaha madaxda waddankaasi wax ku barato ee ay ka mid yihiin; Eton iyo Oxford, isaga oo mar macallin guri u ahaa Amiirrada Boqortooyada dalkaasi ee William iyo Henry. Waxa uu ku biiray Xafiiska Arrimaha Dibadda (Foreign Office) ee waddankaas (UK), isagoo ka qaybgalay faragelintii Ciidammada Gaashanbuurta NATO ee dalalka Afghanistan, Iraq, East Timor, Kosovo, iyo Bosnia.
Haddaba, sida uu ku qoral xusuuq-qorkiisa, socdaal uu ku maray 6000 oo mayl oo dalka Afghanistan ah iyo laba Gobol oo Ciraaq, isagoo ku hawlan maamul-dhisid iyo dastuur u samaynta dalalkaasi, iyadoo waayo-ragnimadiisa aad looga xiiseeyay dhinaca dalalka Reer Galbeedka, taas oo keentay inay shirkad kuwa filimada sameeya ah ka iibsato oggolaansho ay ku samaynayso filim waayo-aragnimadiisii khuseeya.
Jaamacadda caanka ah ee ku taal dalka Maraykan ee la yidhaahdo Harvard ayaa ku shariftay shahaadadda Barfasoornimada, waxaannu ka hadlay arrimo xiiso iyo saamayn ku leh dalkii la odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Dimoqraadiga.
Weedha madaxa qoraalkan waxa aan ka soo dheegtay warraysigii uu siiyey Jariirada The Guardian, ‘Markii aan arkay in islaanta guri-joogta ah ee Reer Afghanistan ay iiga aqoon badan tahay dalkeeda ayaan ku soo noqday gurigaygii oo ka baxay hawlihii aan waday,’ ayuu yidhi Rory Stewarts, waxaannu intaa raaciyey; ‘Faragelinta ciidan ee dal la farageliyaa si nabad iyo dawlad loogu dhiso, ma shaqayso, waayo waxa loo arkayaa ajnebi soo duulay.’
Marka ay ku sii bataan ajnebigu, guul-darrada iyo fashilka faragelinta ayaa sii korodha, isaga oo sii wata warkiisii waxa uu yidhi; ‘Markii aan ku cusbaa hawsha dalalkaasi, waxaan taxi jiray qodobada ay dalalkaasi u baahan yihiin si ay u dhistaan maamul dawladeed anigoo aad isugu kalsoon: Isku xukun sharci (Rule of Law), maamul maaliyadeed (Financial administration) maamul bulsho (Civil Administration), deeto si loo hirgeliyo arrimahaasi waxaan soo jeedin jiray in la sameeyo khariidadda daneyayaasha gudaha iyo dibadda (Mapping the internal and external stakeholders) iyo hal-ku-dhegyo la mid ah (and similar jargon).
Hasa yeeshee, waxan ogaaday markaan horfadhiistay Odayaal gadhcad oo aan weligood arag waxan aan ka hadlayo ee ah, sharci, boolis, maxkamad, sinnaan Dumar (Gender Equity) cashuur, waxa ii caddaatay in waxa aan wadaa aanay hirgelayn. Iyaga ayaa yaqaan sida ay u noolaadaan oo soo jiraan ah iyaga ayuun baa wax-ka-beddeli kara dhaqankooda iyo xeerkooda, wixii kaleba waa gacan daalis.”
Waxa aan xasuustay tababar aan kaga qaybgalay Jabuuti oo hay’ad noo qabatay, iyadoo ay siminaarka daadihinaysay gabadh yar oo Hindiyad British ah oo iyadu is-daawanaysa oo hadba soo beddelanays. Arrimahaas uu Rory Stewarts sheegay iyo kuwa la mid ah ayey ka hadashay, markaas ayaan u adkaysan waayey oo idhi; ‘Waxaasi ma ka soconayso dalkayaga.’
Saaxiibadii igu weheliyey siminaarka ayaa ii caqli celiyey oo yidhi; ‘Waar maxaa kugu wata hadalkaas iyo murankeeda, gaaladu woxoodu ha iska wateen eh.’ Sidaas ayaa Soomaali isku raacday Khawaajayaashu (shisheeyuhu) waxooda ha iska wateen dhegtaana ka dhegayso, ta kalena ka sii daa, dheeshuna waa teeni, heelladu waa hello Laasqoray.
Haddaba, 17 kun ee Ciidammada Ajnebiga ah ee Soomaaliya la geeyey iyo khubarada khawaajayaasha ihi waxba kuma soo kordhinyaan nabadda iyo maamul dhiska dalkaasi. Nabaddu waxay ku xidhan tahay sida xilalka iyo maamulka iyo biyaha iyo baadka beelaha ku uumani ay ku heshiiyaan wadaagooda.
Nicholas Kay (Wakiilkii hore ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya iyo Roy Stewarts (Wasiirka Arrimaha Afrika ee Ingiriiska) Xafiiska Arrimaha Dibedda (Foreign Office) ee dalka (UK) ayey ka wada tirsanaayiin, Afghanistan-na waa wada joogeen, waxaba kama ay tarin, haddaba Nicholas Kay miyuu u soo shaqo tegay Soomaaliya, ileyn arrinta Afghanistan waa ogaaye.”