Araweelo News Network
London(ANN)-Dawladda Britain, ayaa ka walaacsan khatarta kooxaha argagixiso ee soo waajahaya dalkeeda oo sare u sii kacday xilli kooxda isku magacaawday dowladda Islamka ah ay gacantooda ka baxayso dhulkii ay ka talinayeen ee Ciraaq iyo Suuriya.
Wasiirka Amniga Britain Mr. Ben Wallance, ayaa sheegay in ay jirto khatar argagixiso oo UK uga imanayasa kooxda IS , isagoo sheegay in khatartu tahay mid xiligan sii korodhay.
Ben Wallace, wuxuu sheegay in kooxaha xagjirka ah ay isku dayayaan in ay weeraro ka gaystaan UK sababtoo ah ayuu yidhi in qaarkood ay u suuragali weyday in ay ku biiraan IS, halka kuwo kalana ay ka soo laabteen dhulka ay koooxahan haystaan, iyagoo dib ugu laabtay Britain.
Mr Wallace ayaa sidoo kale sheegay in Dalalka Yurub ay kooxaha Argagixisadu ka geysanayaan weerarro jooga ah, Isla markaana wuxuu xusay in dhanka kale loo baahan yahay in wax badan laga fahmo barnaamijka ka hortaga iyo la dagaalanka argagixisada.
Dhawaaqa Mr. Ben, ayaa ku soo beegmaya xilli ay kooxda IS sheegteen masuuliyada weerarkii Barcelona 17 August, kaas oo 13 qof ay ku dhinteen.
Kooxda argagixisada ee IS ayaa ciidamad Dalka Ciraaq waxa ay ka qabsadeen bsihii lasoo dhaafnay magaalada Mosul oo ay ku xooganaayeen, taas oo ahmiyad weyn u lahayd , waxaana socda howlgal la doonayo in kooxaha lagaga qabsado magaalada Raqqa.
Dagaalyahanka IS ee la baxay dawladda Islaamiga waxa ay sanadii 2014 qabsadeen magaalada Raqqa oo ay sheegeen in ay tahay caasimada dawladda Islaamiga ah.
Mr Wallace ayaa u sheegay BBC: “Waxa aan u malaynayaa in wali khatarta ay sii kordhayso ,waxaa taasi sabab u ah kooxda IS oo sii burburaysa iyo dhulkii ay haysteen oo gacantooda ka baxaya”.
Waxa aan u malaynayaa in labadaasi arrimood ay yihiin sababta ay khatartooda u sii kordhoyso.” ayuu yiri Mr Wallace.
Dhinac kale xusay in ay muhim tahay in dadka ay la shaqeeyaan barnaamija la dagaalanka iyo ka hortaga argagixisada ee dowlada,kaas oo sida uu sheegay looga gol leeyahay in lagu joojiyo xagjirnimada.
Mr Wallace ayaa sidoo kale sheegay in uu amray in Dadka shacaka ah macluumaad badan laga siiyo barnaamijka ka hortaga argagixisada iyo guulaha laga gaadhay si shacabka ay uga qayb qaataan hawlgalada dhinaca Ammaanka ee lagaga hor tegayo falalka Argagixisadu doonayaan in ay fuliyaan.