Araweelo News Network
Nairobi (ANN)- Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Mr. Raila Odinga oo lagaga guulaystay doorashadii ka dhacday dalkaa, ayaa markale taageerayaashiisa ugu baaqay inay isugu soo baxaan mudaharaadyo waaweyn oo ay kaga soo horjeedaan natiijada doorashadii madaxtinimada ee uu kaga guulaystay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Odinga oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi gelinkii dambe ee maanta, waxa uu sheegay inay dadku xaq u leeyihiin inay sameeyaan dibadbaxyo iyo shaqo-joojin.
Sidoo kale Odinga, ayaa caddeeyey inuu Maxkamadda Sare ee Kenya geyn doono dacwad ka dhan natiijadii doorashada madaxtinimada ee lagu dhawaaqay toddobaadkii la soo dhaafay, isagoo ku dooday sheegay in doorashadaas loogu shubay Uhuru Kenyatta, inkastoo Guddiga Doorashadu hore u beeniyeen eedeynta hoggaamiyaha mucaaradka Kenya.
Raila Odinga waxa uu sheegay in mucaaradka uu hoggaamiyo ay hayaan cadddeymo muujinaya in lagu shubtay doorashada.
Xisbiga mucaaradka ee NASA ayaa hore u sheegay aanay tagi doonin maxkamadda, balse Odinga ayaa tilmaamay in gao’aankaas qaateen, “Kadib markii aannu aragnay sida dawladdu ugu cagajugleyneysa hay’adaha aan dowliga ahayn ee doonayey inay maxkamadda geeyaan dacwad ka dhan natiijada doorashada,” ayuu yidhi.
Goob-joogayaasha caalamiga ah ayaa ku sheegay doorashada ahayd mid u dhacay si xor ah, waxyna ku baaqeen xasillooni iyo in aan qalalaase dhiig ku daato la abuurin.