Araweelo News Network

Hargeysa(ANN) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ka mid ah labadii xildhibaan ee bishan lixdeedii u tartamay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa soo bandhigay liixda magacyada iyo saxeexa 39-ka xildhibaan ee u codeeyey isaga inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ayaa sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu sidoo kale ka hadlay qaabkii loo khalday natiijadii doorashadii maalintaasi uu Golaha Wakiiladu ku dooranayey Gudoomiyaha Golahooda.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo arinkaasi ka hadlaya ayaa yidhi,


“Maanta waxaan halkan ku soo bandhigayaa aniga oo taa daba socda xildhibaanadii ii codeeyey ee sagaal iyo sodonka ahaa qoraalkii ay qoreen iyo saxeexoodii. 39-kii Xildhibaan oo saxeexay waa kuwa halkaa ku qoran iyo saxeexiisii oo horyaala.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa Muslinow run sheeg, Muslinowna uga qaado, fadhigii aanu fadhinay ee golaha wakiilada ee aanu ku baratamaynay Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax iyo aniga oo ah Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle bisha 8/6/2017-kii, markii natiijadii ay xildhibaanadu ay gacanta taageen, gudoonkuna ku dhawaaqay ee la yidhi 38-na Talyanle ayaa helay, 39 Baashe, aniga oo ku niyad samaa oo markii horeba ku soo talogalay inaan helo ama la iga helo doorashadaa automatically waan tahniyadeeyey ninkii aanu baratamaynay, aniga oo qadarinaya markaa dhawaaqii gudoomiyaha golaha.


Hase yeeshee shirkii markii uu xidhmay tahniyadaydaa xaqiiqdii baa ka daba timid xildhibaanadii codeeyey ee 39-ka ahaa, waxa ay yidhaahdeen 39-ku adigaa lahaa oo aanu gacanta kuu taagnay, waxaana taa cadaynteedii bixiyey, isla shaqaalihii tirinayey ee saf (row) walba hor taagnaa afarta saf ee golaha loo fadhiisto, tiradii markay isku geeyeen ilayn iyagaaba xogogaal u ahaa oo loo diray oo dhaartay oo loo xil saaraye waxay yidhaahdeen 39-ka xildhibaan adigay kuu codeeyeen ee umay codayn Baashe.

Anigu arintii kuma degdegin, tahniyadna waanigii ku dhawaaqay, kursi jacaylna igama ahayn oo hadii aan kursi doonayo maba tahniyadeeyeen, laakiinse waxa aan aad iyo aad u ixtiraamayey dhawaaqii meesha lagaga dhawaaqay.

Arintaasi markii ay ka daba timid waxaan idhi waan hubsanayaa, Gudoomiyihii Cabdiraxmaan Ciro oo aan wali xilwareejin samayn ayaan xafiiskii ugu galay arinkii ayaan u sheegay, waxaan ku idhi Gudoomiye arinkaasaa jira wuu ila hubsaday shaqaalihii ayuu u yeedhay hortiisa ayay ka markhaati fureen isagoo gudoomiye ahaan dhagaysanaya, wixii igu yidhi hagaag shir jaraa’id qabo, waxaan idhi waliba waan hubsanayaa gudoomiye ku degdegi maayo.

Galabnimadii ayaan isku keenay oo aan isku soo ulay iyagoo mutaxamisiin ah xildhibaanadii 39-ka ahaa oo ay leeyihiin waar anagaa go’aankan gaadhnay waar anagaa ku dooranay sabab aad uga hadhaa mataalo, dimuqraadiyada dhabta ah waa inaad sugtaa, taasi waxay keentay in xildhibaanadii maqal iyo muuqaalba ka duubno, waraaqdaa maanta aan idin horkeenayna ay dhamaantood 39-kii wada saxeexeen, hadaan taa saxeexa maanta sii daayo waxa barito ku xigi doonta in hadii loo baahdo ay idin hor-yimaadaan oo la hor keeno warbaahinta iyagoo hadlaya oo nin waliba uu leeyahay shakhsiyan waxaan gacanta u taagay xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo aan u doortay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada. Taa marka laga gudbo shalay oo bishu ay ahayd August 8, 2017, anaga oo ixtiraamayna in qadiyadani aanay ahayn qadiyad siyaasi ah ee ay tahay qadiyad sharci, waxaanu geynay Maxkamada galdacwadeedkii ay dhamaan waraaqihii (support documents-kii) ay ku jiraan Maxkamada Distooriga ah, markaanu gudoonay way naga qabteen, waxaanu taana ka hordhici maynee aanu sugaynaa sharciga majarihiisa in Maxkamadu go’aankeeda distooriga ah soo saarto, taasina waa hawl Maxkamada u taala.

Intaa Waxa laga sheekaynayaa oo baraha bulshada ku jira nin xildhibaan ah oo 39-ka ka mid ah oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi Xaaji Hirad oo la leeyahay gacan buu u taagay Baashe xaqiiqdana ay ka fogtahay, waxa uu ka mid yahay 39-ka isaga oo hadlaya oo maqal iyo muuqaal ah wuxuu ku jiraa baraha bulshada isaga oo ka hadlaya oo leh waxaan codkayga siiyey Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, ayuu halkaasi ka hadlayaa.

Waxaan leeyahay in la isku caga-jugleeyaa ma wanaagsana, lambarkiisu waxa uu liiska magacyada kaga jiraa lambarka 19aad oo uu ka saxeexay.

Waxaan arkayey Wasiirka Daakhiliga oo hanjabaya oo caga juglaynaya, xildhibaanada gacanta u taagay ee xisaanada siiyey, shaqada iyo waajibaadka uu qaranka u hayo siiyey sabab uu ugu caga-jugleeyo ama uu u yidhaahdo gacan bira ayaan ku qabanaynaa waxaan u malaynayaa in arintaasi ay sharciyada ka baxsan tahay.

Anigu anigoon xayndaabka sharci ka baxayn waxa i doortay Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland, iyaga oon xisbiba ahayn, waxa aniga I doortay xildhibaano Kulmiye, Waddani iyo qaar aan midnaba ku jirin asxaabta oo madaxbanaan, waxay u arkayeen ninka kaliya ee midayn kara Golaha ee hogaamin kara iyagoon u eegayn asxaab inuu yahay Cabdiraxmaan Talyanle.

Shalay waxa la igu yidhi maan joogine gacan ka hadal ayaa waxa uu ka dhacay xarunta golaha Baarlamaanka, aad iyo aad ayaan uga xumahay, xildhibaanada la leeyahay way is-fara saareen waa Kulmiye, aniga oo waliba aad u qiimaynaya odayga waayeelka ah ee xildhibaan Nacnac oo muxtarim ah hadayba gacani gaadhay, waxa weeyi saddexda xildhibaanba Baashe, Koore iyo Nacnac waxa weeyi saddex xildhibaan oo Kulmiye ah” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle.