By, Ibraahim Khadar Siciid

Geesta kale, dadka beerta dhirtan wax dhiirigelin ah, aqoon iyo tobabaro toona ma helaan, inkastoo Madaxweyna Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu soo saaray 08/06/2017 xeerka aasaaska Wakaaladda Horumarinta Xabka iyo Faleenka, haddana bulshada ka ganacsatada, beertana dhirtan faa’iidada dhaqaale leh waxay u baahan yihiin daryeel gaar ah.
Dhulka ay ku nool yihiin ma gaadho waxbarashada iyo caafimaadka, sababtoo la xidhiidha adayga jidka iyo waddada loo mari lahaa, sidaa darteed waxa ay dadku waayeen xuquuqo aasaasi ah oo aad u tiro badan, sida waxbarashada iyo caafimaadka.
Ceerigaabo-Maydh: Hoyga Tafiirta


Qabriga Dhimbir-riyaale
Taariikhda faca weyn ee degaannadan marka laga yimaado waxa jira maqaamo amma qabriyo si qurux badan loo xardhay oo lagu aasay aabbayaasha qabiilka Isaaq (Isaxaaq) sida taariikhyahanno badan ku doodaan. Tusaale ahaan, marka Ceerigaabo aad uga dhaqaaqdo xagga buurta Daalo ee aad magaalada duleedkeeda tagto waxa kaa hor iman doona laba qabri oo meel ku wada yaal, kuwaasoo la yidhaa Qabriyada Mataanaha Ciidagale (Wiilal Garxajis awoow u yahay), waxa u dhaw oo in yar uun ka horreeya qabriyada Sheekh Muuse Ismaciil iyo Celi Arab oo laf ahaantoodu Sheekh Isaxaaq awoow u yahay.
Marka aad buuralayda Caalmadaw iyo Caalcas dhaafto waxa kaa soo hor bixi doona maqaam si qurux badan loo dhisay, balse intii dambe la dayacay oo taariikhyahannada iyo dadka degaankuba aaminsan yihiin inuu ku aasan yahay Sheekh Ciise (Aabbaha qabiilka Ciise ee Saylac iyo Jabuuti dega).
Waxa intaa dheer buuralayda ku teedsan inta ka sokaysa xeebta Maydh waxa aad ugu badan dhagaxaan muujinaya raadadka quruumo hore; waxa aad ku arki doontaa guryo laga dhex samaystay dhagaxaan waaweyn ee buuruhu ka samaysan yihiin- sida loo sameeyey waxa aad moodaa in injineero waqtigan casriga ah ay nashqadeeyeen-dadka degaannada Ceel-dibir waxa ii sheegeen in buuraha dadka degaanku ka galaan roobabka, balse waxay ahayd in hay’adaha ku shaqada leh ilaaliyaan oo ay dalxiis ahaan iyo taariikh ahaan u qaabeeyaan goobahaas.


Qabriga Sheekh Isaxaaq (Isaaq)
Magaalada Maydh oo ah magaalo xeebeed fac-weyn, bog fiicana kaga jirta halgankii guumaysi-diidka iyo dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland, waa magaalo taariikhi ah.
Taariikhyahanno badan waxa ay ku doodaan in magaalada Maydh ay tahay goobtii uu ku negaaday Sheekh Isaxaaq oo ah aabbaha qabiilka Isaaq la yidhaa. Tusaale ahaan, Augustus Henry Keane oo ah qoraa, suxufi iyo afyahan (Linguist) caan ah waxa uu sheegay in magaaladan tahay goobta ay ku kala dhaqaaqeen qoomiyadda Soomaaliga oo midba jiho u dhaqaaqay.
Waqtiga aan gaadhnay magaalada Maydh waxa ay ahayd waqti laga hayaamay oo xaggaa ah, dadka badankooduna u hayaameen Ceerigaabo iyo magaalooyinka ku teedsan, sida Rugey, Qorof-beenyo amma Madar-mooge.
Waqti badan ma aannu ku sii negaan, waxaanannu si toos ah u tegnay maqaamka amma qabriga Sheekh Isaxaaq ku aasan yahay. Inkastoo aannu Muruudkii (Masuulkii) waqtigaas joogin waxa na soo dhaweeyey odayaal goobta ku sugan oo mid ka mid ah furaha masaajidka iyo qabriga hayo…La soco qaybo dambe…