Ibraahim Khadar Siciid

Buuraha Daalo iyo Surad

Jarka Daalo
Gobolka Sanaag, waxa ku teedsan oo ku yaal buuraha ugu caansan Somaliland, sida Buurta Daallo oo suugaanyahannadu inta badan suugaantooda ku sheegaan, quruxda degaanka marka ay muujinayaana tusaale ahaan u soo qataan. Waa kii Abwaan Hadraawi maansada “Daalo” ku lahaa;
Daaloo korkeedii
Figta iyo daruuruhu
Isku soo durkeenoo
Ceeryaamo daahii
Ku dallaalimaysoo
Dirir gaaxdey mirayoo
Todobaad ku da’ayoo
Danabkiyo hilllaacii
Isu daba mareenoo
Sidoo kale, waxa degaanka ku teedsan silsiladda buuraha Surad oo ah buuraha ugu dhaadheer degaanka Somaliland.
Buurta daallo waxa ka baxa dhir u gaar ah oo qaar badan oo ka mid ah dawooyin noqon lahaayeen marka dhiryaqaannadu kuu warramaan. Waxa inta badan caan ka ah buurta Daalo geed sida awfaasta ura oo haddii warshad la gelin lahaa noqon lahaa awfaasta oo inta badan dalka Shiinuhu soo saaristeeda caan ku yahay. Waxa kaloo aad ugu badan geedka Dayibka la yidhaa oo loo isticmaalo dhismayaasha amma loox fiican laga helo. Waxa kale oo ka baxa dhirta ay ka mid yihiin kushayga, wagarka, Xiiska, madheedh-cadka, salamacda, xayramadka, shin-nuurka, siraadka oo isagu habeenkii aad u iftiima.
Buuraha Daalo waa afar buurood oo is daba taxan, waxaana la kala yidhaa Daalo Arab, Daalo Dhexe, Daalo Godan iyo Daalo Gacmood, halka buuraha Surad ay yihiin Silsilad sida tusbaxa dabataxan ah oo aad u dheer, qofka fiktooda koraana uu arkayo badda. Waa kii Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc gabaygiisa uu Gobolka Sanaag ku sawirayey ku lahaa;
Kolkaad madaxa surudeed tagtiyo meesha ugu taagan
Badda waxa maraayoo dhanbaa kuu muraayadahe
Sayid Maxamed meeshuu dhisaan maabku doorasamine
Madfaca laga ridaa wuxuu socdaa kuman masaafoode
Melaterigu meeluu degoo muhima weeyaane
Muntasah Marso iyo Daalo waa lagu murqaamaaye
Mayay baa ka da’ a goortay tahay milayga jiilaale
Daruurtoo mijaha soo rogtiyo wadayda mayl gaadha
Sida mawjaddiyo doonyahay marar is jiidhaane
Dhirtaa qaarba midab leeyihiyo man iyo awraaqe
Mawareed in lagu daadiyaad midabka moodaaye
Min aroos sidaad soo gashiyo mawlidkii Nebiga (cs)
Miski baa ka ura kaymihiyo malafka geedaha’ e
Shimbiraha mukhtalifka u ciya ee midiba hees qaado
Oo midabka kala gooniyoo cadad malyuun gaadha

Dawga Tabca, Tuulooyinka iyo Xaaladda Dadka ku Nool

Dawlada Tabca Godka


Godka Dawga Tabca
Dawga tabca amma jidka Tabca, waxa uu inta badan sida giraanta ugu wareegaa buuraha Surad iyo Daalo. Waa daw qaaban qaws ah, waqtiyadii dawladdii Soomaaliya waxa loo diri jiray shaqaale dhagaxaanta waddada qora si loo mari karo, haddase dayac badan baa ka muuqda.
Qofka aan hore u marin ee jidka Dawga Tabca ku cusub yahay, inta uu ku jiro waxa uu ku marayaa cabsi, sababtoo ah waa daw mar kasta dhinac ka mid ah yahay jabiyo hadaano ah oo daruuraha ka hooseeyaan kaaga muuqanayso, dhinaca kalena buur iyo dhagaxaan waaweyn oo aad moodo in ay cirka ka shalwanayaan kaa xigaan. Waddada dhumucdeedu aad bay u dhuuban tahay oo mararka qaar waxa bu qofku xasuusanayaa jidkii siraad ee qur’aanku dhumucdiisa lagu sheegay. Waxa ka sii cabsi badan marka uu qofku godka tabca afkiisa taagan yahay, jidka uu soo marayna dib u xasuusta. Waxa uu is odhanaya malaa qabri baad gelaysaa.
Cabsida iyo jidka adag ka sakaw, Dawgan Tabca waxa ku yaal tuulooyin qurux iyo manafacaad ba leh. Hoostiisa waxa dhaca beeralayda Hareed oo ay ka soo baxaan khudaarta ugu wanaagsan Somaliland, xaataa tufaaxu wuu ka baxa sida xogta aan ku helnay. Beeralaydan waxa ay ka mid noqon karaan haddii ay helaan suuq ganacsi kuwo lagaga maarmo khudaarta Somaliland dibada uga timaad, waxaanay kafayn karaan baahida loo qabo khudrada.
Marka aad Daall hoos uga daadegto ee aanad fuulin dawga Tabca waxa la sii maraa Toga Daruud oo tog dur-dura ah, inkastoo waqtigaas durdur badan aanu jirin oo ay abaarihii sameeyen, haddana biyuhu waa foodhi geeraar.
Magaalooyinka ku yaal afka hore ee dawga Tabca, dhexdiisa iyo dhammaakdiisa, waxa ka mid ah Ina Weji-yare, Xero-mooli, Yeedaad, Madar-moogo, Qorof-beenyo iyo Rugey.
Madar-mooge iyo Qorof-beenyo waxa ay caan ku yihiin fooxa amma beenyada oo ah dhirta udugga ee waqtigan dunidaba laga la’yahay, gaar ahaan noocyada ay ka midka yihiin Yagcar (Boswellia frereana) oo xabagta maydiga la yidhaa laga helo iyo Moxor (Boswellia sacra) oo beenyada laga helo. Waxa inta badan bulshada degaankaas naftooda khatar ku geliyaan buuraha Caal-madaw si ay uga soo guurtaan beenyada oo qiimo badan ugu fadhida, waqtigana qaali ah. 1 kg waxa uu gaadhay $5 ilaa $10 doollar inta u dhaxaysa.
Dhirtan oo dunida laga sameeyo waxyaabo badan oo udug ah, sida cadarka ugu qaalisan oo boqortooyooyinku aad u isticmaalaan amma dadka lacagta leh. Uduggan waxa uu u baahan yahay in Somaliland suuq looga dhex sameeyo oo shirkad soo saarta arrimahaas ganacsatadu ku dhiirato, balse waqtigan isagoo qaydhin waxay ganacsatada u dhoofiyaan Eeshiya iyo Yurub, taasna manfaceedu dal ahaan iyo ummad ahaan ba wax buuran inagama soo galaan. Qashinka dhirtan udugga wax badan oo laga samayn kari lahaa- sida waxyaabaha la isku qurxiyo- sidaasay inagu dhaafaan. La soco qayb kale…