Hargeysa(ANN)Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa caddeeyey mawqifkiisa la xidhiidha wasiirrada ay xukuumadda ka wada tirsan yihiin ee muujiyey inay u sharraxan yihiin jagada madaxweynenimo ee KULMIYE dhexdiisa, kadib marka madaxweyne Siilaanyo dhammaysto muddo-xilleedkiisa labaad.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa hore u shaaciyey inay isku sharraxi doonaa jagada madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa marka madaxweyne Siilaanyo dhammaysto muddo-xilleedkiisa labaad, isla markaana diyaar u yihiin in lagu tartamo shirka golaha dhexe ee KULMIYE.
Hasayeeshee, Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo waraysi siiyey suxufiga weyn ee Faysal Fadhfadhle oo soo saare ka ah barnaamijka milicsiga ee telefishanka Universal, ayaa tilmaamay in wasiirradu xaq u leeyihiin murrashaxnimada, kuna hambalyeynayo hankooda ay muujiyeen, balse aanay haboonayn in olole la bilaabo madaxweynaha oo haya taladdii dalka.
“Qof kastoo muwaaddin ah xaq ayuu u leeyahay inuu wax doorto, lana doorto iyo inuu han yeesho, gaar ahaan ninka siyaasiga ah oo u damac yeesho waxba kama xuma oo raggii Madaxweynaha la soo halgamay ee garbihiisa ahaa, ee saaxiibadii ahaa inay han yeeshaan anigu xumaan uma arko, Madaxweynuhuna mar labaad ayuu xaq u leeyahay, waana murrashax, waannu caddeeyey oo ilaa Guddoomiyaha Xisbigu (Muuse Biixi) waakii caddeeyey in Madaxweyuhu yahay murrashaxa keliya ee KULMIYE. Cidda tidhi Madaxweynaha dabadii ayaan murrashaxiin nahay, waxaan qabaa waa han iyo himiladu waa sax, raggaas (Wasiirrada murrashaxiinta ah) waan ku ammaanayaa in ay han yeeshaan, laakiin malaha waddada loo marayo ayuubaa la dhaliilayaa, in madaxwyenaha oo taladii haya ololoe la bilaabo ma haboona,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.
Waxa kaloo Wasiirka Duulista la weydiiyey su’aal ahayd inuu ka mid yahay xubno wasiirro ah oo aanay karin seefta isku shaandhaynta madaxweynuhu, waxa uu yidhi; “Anigu ma qabo sidaas, aniga iyo wasiirrada kale midna lama dooran, Madaxweynaha ayaa na magacaabay, isaga ayaa la doortay, anagana (wasiirrada) isagaa na doortay oo madaxweynuhu isagaa doorashadeeda leh inuu ninka uu doono daayo, ka uu doonana eryo, waana awoodaha madaxweynaha, sabab ayaanu ku sameeyaa taas, mana qabo inay reernimo tahay, kaligayna maaha Wasiirka aan la beddelin oo wasiirro badan ayaa golaha ku jira oo aan weli la beddelin, oo qaarna wasaaradihii lagu bilaabay ay joogaan kuwa aanay golaha ka bixin oo wasaarado kuwii hore ka culus loo dhiibay, markaas anigu kali kuma ihi, kuwaasina wasiirro isku reer ah maaha, reernima meesha ma taal, waa tiim (koox) shaqo, tiimkaas sida uu madaxweynuhu u kala ciyaarsiinayo waa hawsha ugu muhiimsan ee hogaamiye qaran u taal, kaftanka iyo dacaayadu way iska furan tahay, laakiin maalintii la doono ayaa xilka la iga qaadi karaa.”
Wasiirka Duulista oo la su’aalay in muddo afar bilood ah ka hadhsan yihiin waqtigii ay ahayd in la qabto doorashooyinka, isla markaana aanay muuqan wax arrintaas la isugu diyaarinayo, taasina ay muujinayso tuhunno ah in xukuumadu doonayso muddo-kordhin, waxa uu sheegay in xukuumadda KULMIYE qabatay waxyaabihii ku xidhnaa ee la xidhiidhay hawlaha doorashooyinka oo ay ka mid yihiin magacaabistii Komishanka, kharashkii labada doorasho ee madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo lagu daray miisaaniyadda 2015, sidoo kalena la diyaariyey dhaqaalaha labada diiwaangelinood ee madaniga iyo codbixiyeyaasha.
“Halka nagala dhaliilayo ee nalagu haystaa waa maxay? Ileen anagu doorasho khasab ah ma qaban karnee. Doorashana tuurta kuma sidano, ee waxa samaynaya Komishanka oo dejinaya qorshaha iyo jadwalka wakhtiga ay doorashadu ku qabsoomayso, diyaarna waxaanu u nahay, maxaannu la baqi? Xukuumad wax qabatay oo faanaysa oo foodhyeysa oo tunka la baxday ayaanu nahay, oo maanta meel wal oo madaxweynuhu uu tago lagu soo dhawaynayey, cod i siinaya kaliya kumuu lahayn ee mashruuc ayuu furayey, mashruuc kale uu dhagax-dhigayey, kuwii horena waanu rumaynay oo waanu furnay, dadkuna sidaas ayuu noo aaminayaan, ummaddana waadigaa arkayey kalsoonida ay nagu qabto, shacbiyada madaxweynuhu inay cirkaa marayso, taasi waxay calaamad u tahay inaanu doorasho doonayno, hadduu fahmi kari waayey ragga nala tartamayaa, oo ay iyagu kari kari waayeen waa nasiibkood, anagu kordhis ma rabo ee doorasho ayaanu rabnaa, hadday doorashadu farsamo ahaan qabsoomi waydo oo ay dib u dhacdo anagu masuul kama nihin, taasna anaga la naguma caayi karo, rag xalaal mutaystay ayaanu nahay, markaas maxaa buur na saaraya, waxa kale oo taal haddii duruufteedu timaad ee cid ayey u taal. Cida ay taasi u taalna anaga maaha. Goleyaal ayeynu leenahay, dastuurka ayaanay ku taal, hab sharci ah ayaana loo maraa, Guddida doorashooyinka ayaa sheega inay doorasho qabsoomi karin, kadibna hay’adda ku shaqada leh ayaa loo gubiyaa oo ka go’aan gaadhaya. Doorasho qabsoomi wayda tan ugumay horayn oo doorashooyin badan ayaa wakhtigoodii ku qabsoomi waayey, Madaxweyneyaashii dalka soo maray oo dhan way ku dhacday tani, Madaxweyne Cigaal, Madaxweyne Daahir Rayaale mid aan muddo-dhaafin oo aan loo kordhin ma jirin, dimuquraadiyadeeduna kacaa kufkaas ayey ahayd,” ayuu yidhi wasiirka duulistu.
Xisbiyada mucaaridka ah, ayaa hore u sheegay in tallo qaran la isugu iman doono haddii doorashooyinku ku qabsoomi waayaan xilligooda oo ah 26 June 2015, lana samayn doono dawlad-wadaag ah, iyadoo arrintaasna la weydiiyey Wasiirka Duulista, wuxuuna ku jawaabay; “Dastuurka Somaliland kuma jirto tallo qaran. Hab-dhaqankeenna siyaasiga ah ee aynu soo baranay ee aynu wax ku soo maamuli jirnayna maaha, markaas Madaxweyne la dortay waxa beddeli kara madaxweyne la doortay. Golaha Wakiillada ee la doortay oo uu guddoomiyo mudane Cabdiraxmaan Cirro, sidoo kalena ah guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ahna murrashax madaxweyne, waxa uu muddo-dhaaf yahay shan sanno, maxaa muddadaas loo kordhiyey ee intaas ay doorashadoodu qabsoomi wayday? Maxaa xaaraan ka dhigi waayey? Waxa weeye way qabsoomi wayday oo daruuf qaran ayaa loo arkay in la kordhiyo, cidda kordhinaysaana anaga (Xukuumada) ama ahayn ee Golaha Guurtida ayuu ahaa, anagu (xukuumadda) cida wax kordhisa ma nihin, qolada doonaysana ma nihin, rag tunka la baxay oo doorasho doonaya ayaanu nahay, hadday farsadu qaloocato oo ay qabsoomi waydana ummadda ayaanu kala mid nahay, wax gaar ah oo nalagu nashuushadeeyo ama nalagu caayana noqon mayso ee Somaliland sune iyo dariiq ayey u leedanahay, raggaasna (mucaaridka) waxaan leenahay waxa mudan inuu caqligu shaqeeyo, oo aynu caadifada ka gudubno.”
Wasiirka Duulista Somaliland, ayaa dhinaca kale sheegay in waxyaabo badan u qabsoomeen muddadii uu wasiirka ahaa, isagoo xusay in isbeddel weyn oo ummaddu markhaati ka tahay lagu sameeyey madaarrada Hargeysa iyo Berbera, waxaannu si gaar ah u xusay in madaarka caalamiga ah ee Cigaal lagu sameeyey ballaadhin iyo casriyeyn aan nooceeda hore loogu samayn ilaa sannadkii 1958-kii oo ahaa xilligii Ingiriisku dhisay.
Waxa kaloo Wasiirku sheegay in la kordhiyey dhererka dhabbaha diyaaradaha ee madaarka Hargeysa, lagana dhigayo mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ugu waaweyn dalalka Geeska Afrika, isagoo xusay in wax badan laga qabtay dhinaca ammaanka, laguna kordhiyey qalab casri ah oo lagu baadho rakaabka iyo allaabooyinka ay wataan, isla markaana dalalka caalamku ku kalsoonyihiin amniga iyo bad-qabka garoonka diyaardaha ee Hargeysa oo hadda ku jira darajada 7aad ee lagu qiimeeyo madaarrada caalamiga ah.
“Waxaanna qiimaysay Hay’adda Duulimaadyada Qarammada Midoobay u qaabilsan, daraasado ayey sameeyeen, diyaaradaha waaweyn ee caalamiga ah; sida Turkish Airline, Fly Dubai, Kenyan Airways, dhammantood waxa ay ka markhaati kaceen qiimayantii ICAO inay sax ahayd, waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha garoonkan ku soo kordhay saddex iyo toban kiilloomiter (13km) oo dad dhistay, lana han tiyey oo la degan yahay ayaanu xayndaab shabbag ah ku xidhnay oo xadaynay. Inta aannu qabanay afarta sanno ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo jirtay lama qaban 19-kii sanno ee Somaliland jirtay, Wasaaradda Duulistuna shaqaynaysay, beena mahaa, iyadoo sidoo kale aan ilaa xilligii Siyaad Barre la qaban waxa aannu afarta sanno ku qabanay, taariikhda ayaana ka markhaati kici doonta,” ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.
Wasiirka Duulista oo la weydiiyey waxa hortaagan in madaarka Hargeysa shaqeeyo habeenkii, waxa uu sheegay in dhawr bilood ka dib madaarku shaqayn doono habeenkii, isagoo xusay in dawladdu ka iibsatay dalka Shiinaha laydhkaas, xilligana lagu hawlan yahay sidii loo soo rari lahaa, kadibna madaarka Hargeysa noqon doono mid shaqeeya habeen iyo maalinba.
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo la weydiiyey su’aal ahayd; ‘Wasiirka Duulista Hawada ee Soomaaliya waxa uu dhawaan sheegay inay la wareegeen hawada idinka dhexaysay, maxaa tallaabo ah ee aad xukuumad ahaan ka qaadeen arrintan? Waxaannu ku jawaabay; “Runtii anagoo xaqiijinayana ilaalinta qarannimada Somaliland waxaa naga go’an in aan Hawada Somaliland laga xukumin Xamar iyo meel kale toona, qarankii la isku odhan jiray Soomaaliya ee burburay ee kala baaday waa naloo wada maamulaa dhammaantayo hawada, waxaanna laga maamulaa Nairobi, iyadoo ay gacanta ku hayso Hay’adda Qarammada Midoobay ee ICAO, waxayna ku maamushaa go’aan ka soo baxay Golaha Ammaanka oo tirsigiisu ahaa 924, sidii ayeyna u hayaan maamulka hawada, ilaa haddana laguma soo celin gacanta Somaliland, anagu mawqifkayaga waannu u caddaynay hay’adda ICAO, Qarammada Midoobay-na waanu u caddaynay. Ma suuroobi karto in hawadayada laga maamulo Xamar, ummadda reer Somaliland waanu ku kalsooni galinaynaa waana hadal la iska yidhi, way sahlan tahay in hadalo layska yidhaahdaa maalin walba walaaladayo waxbay sheegaan, waanu is ognahay isma itaal dhaano, awooda ay kula wareegaana ma laha, hdaday Qarammada Midoobay ku kacado tallaabadaana, anaguna waxaanu leenahay istaraatajiyado aannu xaqiijin doono oo aanu u sheegnay tallaabooyinka aanu waliba qaadi doono Qarammada Midoobay.”
Waxa kaloo uu xusay in ujeeddada ugu weyn ee laga leeyahay wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya yahay sidii loogu kala bixi lahaa maamulka hawada, loona qaybsan lahaa waxyaabihii ka dhexeeyey labada dal ka hor intii aanay burburay Jamhuuriyaddii Soomaaliya sannadkii 1991-kii oo khayraadka iyo safaaradihii dibadu ka mid yihiin.
“Shirka aannu u ballansanahay dabayaaqada bisha February ee sannadkan arrimaha aanu Istaanbul (dalka Turkiga) ku ballansanahay arrinta muftaaxa u ah waa arrintaas, heshiikii Jabuutina qodobkaas wuu xaqiijinayey, anaga waxaa naga go’an heshiiskii Istanbuul ee Dawladda Soomaliya walaaladayo aanu wada galnay in aanu xaqiijino iyaga waxaannu ku heshiinay xaruntaa Hawada laga maamulayo ee la dhigayo FIR-ka (goobta laga maamulo macluumaadka hawadda) ee ku yaal Nairobi yaal in ay noqoto Hargaysa, guddi madaxbannaan oo aanu wada leenahayna maamusho, waxaannu dareensanahay walaaladayo in aanay raali ka ahayn in xaruntaa halkan loo soo raro, walaaladayo (Soomaaliya) waxa ay ku doodaan aan wax wada yeelano, aan isku soo noqono, waxa is wediin leh ninka aan ogolayn xafiiskaa aanu ku heshiinay ee nagu aamini waayey FIR (flight information region) aanu gudi madaxbanaan aanu u dhiibanay ee yaal caasimadda Hargaysa ee Somaliland, maxaanu isku aamini karnaa?, dee Xamar iigu kaalay anagu ragga u laleemayasan ma nihin, laakiin ragga naga midka ah ee weli midnimada aaminsan ayey u quusgoynaysaa.”
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com