Areweelo News Network

Turkish President Recep Tayyip Erdogan (photo by AFP)

Ankara(ANN)- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in go’doominta ay dowladaha Khaliijku ku soo rogeen waddanka Qatar ay tahay mid ka baxsan Islaamnimada iyo bini’aadanimada.
Madaxweyne Erdogan waxa uu wax aan la aqbali karin ku tilmaamay habka loo adeegsaday go’doominta lagu sameeyey dalkaas Islaamka ah, waxaannu ku tilmaamay khalad aad u wayn oo ka soo horjeeda diinta Islaamka iyo xuquuqda aadamaha.
“Khalad aad u wayn ayaa laga galay Qadar, in qaran laga go’doomiyo dhinac walba waa wax ka soo horjeeda bani’aadanimada iyo mabaadi’da Islaamka. Arrintani waxay ka dhigan tahay in ciqaabta dilka lagu xukumay dalka Qadar,” ayuu yidhi Erdogan.
Erdogan oo la hadlayey xildhibaanno xisbigiisa ugu jira Baarlamanka Turkiga, waxa uu meesha ka saaray eedaymaha loo jeediyey dalka Qatar ee la xidhiidha taageerada argagixisada, isagoo ku dooday in dalalka Qadar iyo Turkigu ay la dagaalameen ururrada argagixisada iyo kooxda Daacish, isla markaana ay Qadar tahay dawladda dhibaatada ugu badan gaadhsiisay ISIS dagaalka lagula jiro ee ay qaybta ka tahay, waxaannu yidhi, “Qadar waxay muujisay go’aankii ugu adkaa ee ay kaga soo horjeedsatay ururka argagixisada ee Daacish, iyadoo wehelinaysa Turkiga, markaa in dambi looga dhigo Qadar iyadoo olole laga dhiganayo arrintaasi waa bilaa macne.”
Madaxweynaha Turkigu waxa uu farriin baaq ah u diray Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan oo ah dawladda hoggaaminaysa xulafada go’doomisay Qadar, waxaannu ka codsaday inuu xalliyo khilaafkan, isagoo tilmaamay in dawladdiisu ku dadaali doonto sidii hab dublamaasiyadeed loogu xallin lahaa dhibaatadaas.
Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Boqorka Sacuudigu isagoo ah hoggaamiyaha Khaliijka waa inuu xalliyaa arrinta, anigu waxaan si gaar ah uga filayaa inuu isagu (Boqorka) qaadan doono hoggaaminta sidii xal loogu heli lahaa dhibaatadan.”
Waddamada Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Masar iyo dhawr kale oo dal, ayaa toddobaadkii xidhiidhka u jaray dalka Qadar oo lagu eedeeyey inay taageero siiso kooxaha xagjirka ah, isla markaana ay nabadgalyo-darro ka wado gobolka Khaliijka, iyadoo saddexda dal ee ugu horreeya isbahaysigani ay ka xidheen xuduudahooda ay la wadaagaan Qadar, balse eedaymahaasi way iska fogaysa dawladda Qadar, iyadoo dhinaceeda Tallaabooyin Dhanka dublamaasiyada ah oo ay ku kasbanayso xulufo iyo saaxiibo qaaday.