Hargeysa(ANN)Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay boqoolal dhalinyarada Somaliland ee qaybo ka mid ah xaafaddaha Hargeysa, kuwaas oo lala xidhiidhiyay rabshado soo noq-noqday oo mudooyinkii u danbeeyay si weyn looga dareemay Caasimada Hargeysa, isla markaana cabsi ku abuuray bulshada ku dhaqan xaafaddaha Magaalada.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, Saraakiisha Booliska, Odayaasha iyo waxgaradka oo maanta kulan balaadhan ku yeeshay Hargeysa, ayaa ku dhawaaqay in gacan bir ah lagu qabto dhalinyaradaa oo ay sheegeen inay amaanka caasimada iyo ka dalkaba khatar ku yihiin, waxaana dhinacyada ka qaybgalay shirkaasi isla qaateen in haddii ay Boolisku toogtaan mid ka mid ah dhalinyaradaa aan wax mag iyo Diyo ah loo raacin.
Halkan ka Daawo Kulanka oo dhamaystiran Riix.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com