Gudida Gurmadka abaaraha ee heer qaran waxay maalin dhawayd soo bandhigtay xisaab xidh, video-ga dhamaystiran marka aan daawaday waxa ii soo baxday in gudidani ay fudaydisay musuq-maasuq baahsan inuu dalka ka dhaco.
Waa in aan ka sii afeeftaa in aan ixtiraam iyo kalsooni buuxda u hayo xubnaha gudida abaaraha oo culimaa’u diin u badan iyo walibana madaxda qaranka oo uu ka mid yahay madaxwaynaha iyo wasiirka madaxtooyadu, balse falka dhacay malaha magac bixin kale oo aan ahayn (musuq-maasuq).
Musuq-maasuqa aan ka hadlaayo maaha mid aan cid gaar ah ku cadayn karo, maadaama aanan haynin cadaymo ku filan, balse waxaan caddaymo ku filan u hayaa inuu dhacay fal musuq-maasuq cida doontaaba ha sameesee.
Marka hore aynu qeexno musuq-maasuq sida ay ku sheegtay Transparency International “the abuse of entrusted power for private gain” (waa si xun u adeegsiga awoodda lagu aaminay qofka si looga helo manfac gaar ahaaneed).
Nuxurku maqaalkaygu waa natiijada qaldan ee dhacday, maaha cida samaysay ficilkaasi khaldan.
Masuuliyiin badan oo aan gaar ula sheekaystay waxay moodayaan in musuq-maasuqu yahay in kaliya uu qofka masuulka ahi uu cuno lacag dan guud ah, balse ma rumaysna in musuq-maasuqa ka sii xun inuu yahay in masuul aan waxba lunsanayn ay ku hoos noolaadaan dad kale oo hantidaasi boobaaya, isagoo aan waxba ka qabanayn.
Si kooban aynu su’aalahan u waydiino guddidan:
1. Miisaaniyada Qaranka waxa ku jiray muddo dhawr sannadood ah lacago badan oo ku saabsan wax ka qabashada abaarta. Markaa maadaama aydaan marnaba soo hadal qaadin arrintaasi miyaanay ahayn inaad xalaalayseen lacagtaasi la musuq-maasuqay, maadaama ay caddahay in aan meeshii loogu talo galay la galin, oo haddii ay taasi dhici lahayd aanay marnaba abaartan oo kale inagu dhacdeen. Iyadoo arrintaasi ay caddayn idiinku filan tahay inay xukuumaddu sheegtay inay toban milyan oo doolar ay ku filan yihiin ka hor tagga abaaraha, talaw miyaanay guddidani arag in sannadka qudha ay miisaaniyada qaranka ugu jiraan lacago ka badan toban milyan oo ku filiqsan hayadaha ku magacaaban wax ka qabashada abaaraha? Markaa miyay xalaaleeyeen lacagahaasi la musuq-maasuqay? Ficilkoodani ka aamuska arrintaasi miyaanuu fudaydin in aan waxba la iska waydiin musuqii hore u dhacay?
2. Gudidani su’aasha ugu horraysa ee is waydiin lahayd waxay ahayd: talaw waa maxay sababta dhabta ah ee la noo magacaabay? Ma wax aanay dawlada oo dhami awoodin ayay awood u leeyihiin? Mise waa ka dhab wasiirka madaxtooyada marka uu leeyahay in hadafku yahay midaynta hawlaha gurmadka? Miyaanuu isla wasiirku ahayn kii ku baaqaayay in qaab qabiileed ay reeruhu isku kaalmeeyaan? Meeday midaynta hawlaha gurmadka markaasi? Sidoo kale waligeed way kala madax-bannaanaan jireen dadaalada xukuumada iyo waxyaabaha ay shacabku gaar u qabsadaan? Mise waxa loogu xil-saaray guddidan inay lacagta soo ururiso maadaama aanay jirin kalsooni lagu qabo xukuumada? Haddii aanay kalsoonidaasi jirin miyay baadheen sababteeda?
3. Waxa dhici karta inay guddidani is tidhi “Dadkiina si daacad ah u caawiya” maadaama gacanta loo galiyay awoodii maaliyadeed iyo maamulba, dawladuna ay kaliya ilaalinta amniga ay qaabilsanayd sida ay ku dhawaaqday guddidu.. su’aasha is waydiinta mudan waxay noqonaysaa talaw aqoon miyay u leedahay guddidani qaabka gurmadka abaaraha? Mise arrintani waa mid aan aqoon u baahnayn? Talaw miyuu jiraa wax aan aqoon u baahnayn? Haddii aanay aqoon u lahayn miyaanay indhaha ka ridayn hawsha gurmadka dadka tabaalaysan?
4. Sh. C.Raxmaan oo ka mid ah guddida markii uu tirinaayay caqabadaha waawayn ee ka hor yimid wuxuu ku daray, inay marar badan raashin iyo taageero siiyeen dad aan u baahnayn, taasi miyaanay caddaynayn in dadka gurmadka la siinaayay in aanay diiwaan-gashanayn? Taasi miyaanay musuq-maasuq ahayn? Maadamaa ay guddidu sahashay in qof aan u baahnayn raashinkan inuu qaato oo uu walibana uu ku qayilo (sida uu sheekhu sheegay) miyaanay taasi caddaynayn in qofkani raashinkan uu ka qaaday qof kale oo dhab ahaan u baahan? Markaa marka ay guddidu siisay qofkii aan u baahnayn taasoo saamaysay qofkii u baahnaa, miyaanay taasi musuq-maasuq ahayn? Haddii taasi aanay musuq-maasuq ahayn talaw waa maxay musuq-maasuqu?
Halkan farqi ayaa u dhaxeeya dadkii sadaqada soo bixiyay, iyo dadka maamulka iyo gaadhsiinta leh, qofkii sadaqada bixiyay sida ay diintu inoo sheegtay wuxuu ajarka helay mar haddiiba uu bixiyay lacagta, balse qofka maamulku wuxuu ku amran yahay inuu gaadhsiiyo ciddii loogu talo galay, haddii kale maba ahaba inuu xilkaasi qabto.
Qof ayaa odhan kara miyaan loogu cudur daarayn inay dadaaleen oo aanay ajar ku helayn, taasna diinteena ayaa inooga jawaabtay oo Nabigu wuxuu yidhi (Garsoorayaashu waa saddex, laba naarta ayay ku jiraan, midna jannada…. Kuwa naarta waxa ka mid ahaa … Garsoore gar qaaday isagoo aan aqoon u lahayn).
Talaw culimadani masuuliyadii iyo eedii aduun iyo aakhiro kala wareegay xukuumada (sida ay sheegeen) miyay diyaar u yihiin inay Ilaahay agtiisa maalinta qiyaame ay ku qabsadaan dad badan oo masaakiin ah oo xaq u lahaa in gurmadka la gaadhsiiyo? Talaw dooda masaakiintaasi ee ay xoolihii ay xaqa u lahaayeen ay guddidu siisay dad kale (sida ay guddidu qiratay) miyay u culimadu u sii diyaarsadeen jawaabo ku filan???
Aragtidayda gaarka ah ee aan hubo in dad badani aanay maanta arkayn, balse wakhti aad u dhaw ay dadka oo dhami isku raaci doonaan ayaa ah in guddidani ay soo afmeertay kalsoonidii guud iyo wax wada lahaanshaha, isla markaana ay u furtay dariiqa guul darrada guddidan kale ee ka dambaysa ee lagu magacaabo (gudida ka soo kabashada abaarta).
Culimada waxaan kaliya xasuusin lahaa qisada nin caalim ah oo noolaa xilligii ay maqooliyiintu dunida Islaamka badankiisa qabsadeen, ayaa waxa dalka Masar soo food saaray dagaal aad u culus oo lala dagaalamaayay maqooliyiinta, markaa madaxda Masar ayaa doonay inay cashuur ka qaadaan shacabka Masar si loo maalgaliyo Jihaadka oo ah arrin muhiim ah diinta Islaamka agteeda.
Caalimkan oo lagu magacaabo Al Ciz Ibnu C/Salaam, wuxuu ku fatwooday isla markaana uu hirgashay in aan qof shacab ah shilin laga qaadin ilaa ay madaxdu khasnada dawlada ku wareejiyaan dhamaan hantida ay leeyihiin…. Sidaasaanay muslimiintu ku guulaysteen.
Talaw markaa culimada gudida abaaraha ee arkaysa masuuliyiinta qaranka ee wadata gawaadhida dunida oo dhan ugu qaalisan, taasoo aanuu caqli sawiran karin inay mushaharkooda ka kasbadaan hantidaasi ballaadhan, miyay odhan kari waayeen xoolahan marka hore iska soo wareejiya? Haddii kale shacabka waxba kama soo ururin karno?
Waxaasoo dhan haddaan ka yimaado, culimadu ma waxay daba gal ku samayn kari waayeen lacag ku dhaw Laba iyo konton Milyan oo doolar ($52,000,000) oo laga jaray miisaaniyada qaranka oo loo duway abaaraha sida ku cad digreetada madaxwaynaha ee ku taariikhaysnayd 31/03/2017 oo cadaysay in 25% qarashka xukuumada loo duwo abaaraha, culimaduna waxay ahaayeen gudida abaaraha, Markaa miyay macquul tahay inaad soo bandhigtaan in xukuumadu bixisay kaliya saddex milyan oo doolar?
Haddaanay arrimahani musuq-maasuq ahayn, talaw waa maxay musuq-maasuqu?
Ugu dambayn waxaan leeyahay guddida gurmadka abaaraha: Maanta Maxkamada aduunyo la idiima haysto, balse maxkamada Qiyaame ee Ilaahay hortiisa ayuu xaqa oo dhan ka muuqan.
Anigu Ilaahay ayaan la hor tagayaa odhaahdaydan ah inaad fudaydiseen in musuq-maasuq baahsani dhaco… idinkuna ku adkaysta odhaahdiinii ahayd in aanuu wax musuq-maasuq ahi dhicin.
وإنا أو إياكم لعلى هدى أو في ضلال مبين
والله على ما أقول شهيد