Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku hanjabtay inay abuuri doonto wakaalad ganacsi oo dawladdu leedahay, taasoo keeni doonta raashinka iyo badeecadaha kala duwan, qiimo jabanna lagaga iibin doono bulshada si meesha looga saaro sicir-bararka naafeeyey bulshada, haddii ganacsatadu u naxariisan weydo ummadda reer Somaliland.
Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo saxaafadda kula hadashay magaalada Hargeysa , waxa ay ugu baaqday tujaarta iyo dadka ganacsatada ah in aanay waqtigan ka fikirin sidii ay macaash badan u heli lahaayeen, balse loo baahan yahay inay ka naxaar dhibaatooyinka iyo duruufaha kala duwan ee haysta bulshada, sidaa darteedna qiimo macquul ah wax ku iibiyaan, halka sidoo kale ay ka digtay in la urursado, dalkana laga saaro lacago doollar badan oo ay dawladdu suuqa gelin doonto laga bilaabo Salaasada maanta si sare loogu qaado qiimaha shillinka Somaliland, hoosna loogu dhigo sarifka doollarka ee aadka u sareeya.
“Waxa aan la hadlayaa Ganacsatada oo waxaan leeyahay waynu ognahay in idinka oo doollar aan sidan in aydaan waxba soo iibsan karin oo raashinkaa aad ummadda u keenaysaan aydaan soo iibsan karin haddii aydaan doollar sidan, laakiin haddana marmar ayaa tudhaale la sameeyaa oo waxay ahayd in raashinka la jabiyo iyadoo abaaro, xoolihii oo la joojiyey iyo xannuunaba ay jiraan oo dhibaatadaasi inagu dhacday in raashinka haddana la jabiyo ayay ahayd runtii. Maanta (Isniintii shalay) ilaa beri (Salaasada maanta) lacag xoog leh ayaa suuqa la gelinayaa, lacag aad dibada u diraysaan ma shaqaynayso, waxa la doonayaa xisaabtan oo in lacagtaa suuqa la galiyey ay ummadda ka jabiso sicir-bararka oo ay wax tarto, haddii laga fursan waayo oo inta lacagtii dollarka ee Baanku suuqa soo galinayey la urursado oo la yidhaahdo waa caadadoodiiye aynu ka urursano oo aynu xarayno oo aynu halkii uun ka miisno ma shaqaynayso. Waxa qorshahayagu yahay oo shaqayn doonta in dawladdu keento raashinka ummadda, dawladda ayaa keenaysa, maraakiib raashin ah ayay keenaysaa, sicir jaban ayaana dadka laga siinayaa oo wakaaladdii ganacsiga ummadda ayaa la soo celinayaa ee raashinka wax yar lagaga iibin jiray, haddii tudhaale la waayo, taasina way iman doontaa,” ayey tidhi marwo Samsam Cabdi Aadan.
Waxayna intaas ku dartay; “Marka aynu dalkeena eegno, abaarahaasi dhacay ee aynu toddoba bilood la tacaalayno, dawladahaa waaweyn qaar bay ku adkaan lahayd sida ay uga bixi lahaayeen hawlahaas, laakiinse imminka waxa aanu dareenay in shacbigii Somaliland, gaar ahaana dadka ganacsatada ah la la hadlo, Ganacsatada waxa aan leeyahay waddankan Somaliland maaha dal ictiraaf haysta, waxa ay halkaa ku soo gaadheen in dadku isku tashadaan oo dadku ku tashadeen in Soamliland jiritaankeeda la xoojiyo, taasaa ganacsato iyo cid walba ay ka hawlgashay.”
“Annigu ilaa 1991-kii intii aan halkan ka shaqaynayey waxaan ogaa dad badan oo ganacsato ah oo Somaliland inay halkaa soo gaadho maanta ka shaqeeyey, maanta laakiin marka ay dawladnimadii sii yara korodhaba waxa aad moodaa in ganacsatadu leeyihiin anagu markaa hore ayaanu samaynay oo aanu wax badan waddanka galinay oo imminka in aanu macaash helno ayaanu u baahanahay,” ayey tidhi Wasiirka Maaliyaddu.
Waxayna intaas ku dartay; “Haddaba, imminkana waxa aanu idinka doonaynaa in ummadda loo tudho, oo ummadda loo naxariisto oo imminka marka waddankeena qof waliba xisaabtamo oo uu arko doollarka waddankeena soo gala halkuu inaga soo galo, waxa kuu soo baxaysa in dalkeenu aanu wax-soo-saar lahayn oo waxeenii uu noqday dhagax iyo dhisme oo adduunkii aynaan kula tartami karayn inaynu wax soo saarno oo aynu wax dhoofino oo tusaale ahaan toontii ayaa Shiinaha la inooga keenaa, runtii inaynu dib u xisaabtano weeyaan.”
Wasiir Samsam Cabdi Aadan, ayaa sheegtay inay shirar badan la yeesheen shirkadaha waaweyn iyo bangiyada ganacsiga gaarka loo leeyahay, waxayna tidhi; “Imminka shirar badan oo aanu la galnay baannanka (gaarka loo leeyahay) ee ku yaal waddanka, haddii ay Dahabshiil yihiin iyo haddii ay Telesom yihiin iyo haddii ay Salaam Bank yihiinba, iyadoo laga faa’iidaysanayo wixii na soo maray oo haddii aanu toban milyan oo dollar galino (si qiimaha shillinka Somaliland kor loogu qaado) waa laguu jaakidhayaa oo tobankii milyan ayaa lagaala wareegayaa, muddo toddobaad ah ayay lacagtii hoosaynaysaa, tobankii milyan dibada ayaa loo saarayaa, dabadeedna halkii ayaa lagu soo celinayaa, markaa waxa weeyaan lacagtii waddanka soo gashayna markaynu dibadda u saarno, haddana waxa aad ku soo noqonaysaa in maalinta dambe aad lacag kale raadiso, tiina ma shaqaynayso oo waydinkaa arkaya oo adhigii aynu dhoofin jirnay waa la joojiyey oo dollarkii ina soo galayey sidii hore wuu ka yar yahay.”