Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa heshiis la saxeexatay shirkad ka shaqaysa arrimaha xisaabaadka maaliyadda, hanti-dhawrka iyo kobcinta dakhliga oo laga leeyahay dalka Britain, taasoo magaceedu yahay PCW (Price water house coopers), isla markaana xarunteedu tahay magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Sidanaa waxa shaaca ka qaaday Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay weheliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Md. Axmed Daa’uud Geeddi, kuwaas oo heshiiska la saxeexday Mr. Simon Mutinda oo ah sarkaal sare oo ka socday shirkadda PCW, iyadoo masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu sheegeen in heshiiskani faa’iido u yeelan doono nidaanka dakhli-ururinta dalka.
“Waxaannu halkan u fadhinaa heshiis ay kala saxeexdeen Wasaaradda Maaliyadda iyo shirkad la yidhaahdo Price Water house Coopers oo Wasaaradda maaliyada kala shaqaynaysa qaybta xisaabaadka guud, habka maaraynta, dhaqan-gelinta Miisaaniyadda iyo xisbaab-celinta sidii loo tayan lahaa, INSHA ALLAAH waxaannu ka rajaynaynaa maadaama oo ay Shirkaddii heshiiska la saxeexanaynay, dabadeedna dhaqan-galkiisa sidaa ugu wada shaqayno iyo wada shaqayn wanaagsan oo ciddii inala shaqaynaysa in aynu wax ka barano ayeynu bidaynaa, inagana wax la inaga barto oo adduunkuna sidaas ayuu wax ku gaadhay oo kolba khibrada lagu dheer yahayba wax laga bartaa, dabadeedna khibardaasa adna sii kordhisaa oo markaas ayey maskaxadaadu furmaysaa oo adna wax kale ku sii daraysaa berri, si adigana lagaa sii barto hadhaw.” Sidaa waxa marwo Samsam Cabdi Aadan oo ah Wasiirka Maaliyadda Somaliland.
Waxayna intaas ku dartay; “Markaa waxa aannu filaynaa in aynu shirkadan wada-shaqayn wanaagsan yeelano oo heshiiskaa aynu saxeexanayno noqdo mid tayo yeesha, kana shaqeeya dalkeena oo wax inagu soo kordhiya oo aan waxba inaga dhimin, haddii Ilaahay yidhaah.”
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Maxamed Xasan Ibraahin oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in heshiiskani muhiim u leeyahay hawlaha shaqo ee Wasaaradda, waxaannu yidhi; “Waxay ka mid tahay hawlihii had iyo jeer aad maqli jirteen ee dib-u-habaynta Wasaaradda Maaliyadda, markaa qayb ka mid ah waxa weeyaan in la xoojiyo xisaabaadka iyo samaynta miisaaniyadda, Shirkadan cusub ee aanu heshiiska la saxeexanayno wuxuu naga taageeri doonaa arrimahaas oo khubaro ka socda shirkadan ayaa la shaqayn doona oo dhex fadhiisanaya xafiisyada Xisaabiyaha Guud iyo xafiiska miisaaniyadda iyo qorshayntaba. Khuburadaasi waxay nagala shaqayn doonaan hab socodka xisaabaadka, dakhli-ururinta iyo diyaarinta miisaaniyadda. Markaa waxa aannu diyaar u nahay wasaarad ahaan iyo xisaabiyaha guud in hawshaasi sida ay tahay u fulino oo aanu la shaqayno shirkadan, kana faa’iidaysanno.”
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Mr. Maxamed Samatar oo ka socday xafiiska Maaraynta Nidaamka Maaliyadda Ganacsiga (BFM-ka) ee Wasaaradda Maaliyadda, waxaannu yidhi; “Waxa farxad weyn noo ah in muddo badan anaga oo ku soo jirnay qaban-qaabada nidaamka xisaabaynta ee maaliyadda ee la yidhaahdo BFM-ka (maaraynta nidaamka maaliyadda ganacsiga), waxaynu imminka taaganahay wakhtigii laga guurayay diyaarinta ee loo guurayay dhaqan-gelintiisa, markaa qaybweyn ayuu heshiiskani ka yahay qorshayaas, waxaanna muhiim ah in la dhaqangeliyo, lagana faa’iidaysto.”
Mr. Simon Mutinda oo ah Sarkaal sare oo ka socday hay’adda PWC (Price water house coopers), ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska ay la saxeexdeen Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, kaasoo uu xusay inuu qayb ka yahay horumarinta shaqaalaha Wasaaradda iyo nidaamka maaliyadda ee dalka, isla markaana ay arrintaasi kor u qaadi doonto dakhliga dalka Somaliland.