Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Dawladda Ingiriiska, ayaa sheegtay inay taageero buuxda u fidinayso dadka abaaruhu ku saameeyeen dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo hadda xaaladooda nololeed iyo caafimaadba halis ku jirto.
Hay’adda mucaawanooyinka dibadda u qaabilsan dawladda Ingiriiska ee magaceeda la yidhaa DFID, ayaa caddaysay inay xagga hore kaga jirto gurmadka lagaga jawaabayo dhibaatada ka dhalatay abaarta baahsan ee ka jirta guud ahaan Somaliland iyo Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay hay’adda DFID, ayaa suxufiga caanka ah ee Raage Oomaar oo ka tirsan telefishanka caalamiga ah ee ITV u sheegay in ay wadaan dadaal muhiim ah oo ay kor ugu qaadayaan gurmadka baahida sii kordhaysa ee loo qabo cunto, nafaqo iyo adeegyo caafimaad guud ahaan gobolka. Waxaannu tilmaamay inay hore gurmad cunto u gaadhsiiyeen dad tiroodu tahay 270,000 qof bishii March, isla markaana ugu yaraan 72,000 carruur ah loo fidiyey adeegyo lagaga daweeyey nafaqo-darro, halka dad 84,000 qof ahna la siiyey ka hortag nafaqo-darro.
Sidana waxa lagu sheegay warbixin uu suxufiga u dhashay Somaliland ee Raage Oomaar mar labaad ka diyaariyey xaaladda adag ee abaarta ku habsatay dalka Somaliland, taas oo laga baahiyey telefishanka wayn ee ITV oo laga leeyahay dalka Ingiriiska shalay Salaasaddii oo uu Af-soomaali u soo turjumay Wargeyska Jamhuuriya.
Warbixintan oo suxufiga Raage Oomaar uu isku barbar-dhig ku sameeyey sida ay tahay xaaladda hadda ee deegaamada abaartu culusi haleeshay iyo sidii heerkeedu ahaa muddo laba bilood ka hor ah oo uu ka sameeyey warbixin waqtigaasi indhaha caalamka ku soo jeedisay dhibaatada taagnayd.
Suxufigu waxa uu ka dayriyey xaaladda nolosha dadka ku dhibaataysan abaarta oo uu sheegay inay si wayn uga sii dartay tan iyo markii uu warbixinta hore sameeyey, isla markaana ay hadda samaysmeen xero ama kaamam ay ku urureen dadka ku barokacay abaarta oo ay maalin walba yimaadaan qoysas xaaladdooda liidato.
Waxa kaloo uu sawir ka bixiyey dareenka uu arkay Guddoomiyaha Gobolka abaartu sida u saamaysay ee Togdheer Mr. Maxamuud Ramaax oo uu tilmaamay inuu ahaa nin degan mar uu kula kulmay tuulooyin ka tirsan Caynaba laba bilood ka hor, balse hadda oo uu mar labaad la kulmay uu ka arkay warwar badan.
“Markii adiga iyo saaxiibadaada telefishanka ITV aad joogteen halkan ee u dambaysay dadku waxay ahaayeen kuwo awoodaya inay la tacaalaan dhibta oo waxay ka fikirayeen sidii ay uga badbaadi lahaayeen abaarta, laakiin iminka waxay qarka u saaranyihiin geeri,” ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax.
Xaaladda walaaca leh ee uu muujiyey Badhasaabka Togdheer ayaa suxufigu ku tilmaamay in aanay ahayn mid uu buunbuuniyey, balse isaga iyo kooxda ITV ee wehelinaysaa ay indhahooda ku soo arkeen.
Waxa kaloo warbixintu sheegtay in aanay arag wax markhaati ah oo tilmaamaya in wax mucaawano dibadeed ah ay beesha caalamka ka soo gaadhay dadka abaartu heleeshay ee tuulooyinka fog fog ee gobollada bari, iyadoo sidoo kalena, madaxda dawladdu ay caddeeyeen in aanay wax gurmad ah oo la tilmaami karo ka soo gaadhin beesha caalamka, marka laga reebo ururro kooban oo Islaami ka jira dalal bariga Dhexe ka mid ah.
Dawladda Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa ka digay inay abaartu galaafatay 10 milyan oo ka mid ah 18 milyan oo xoole nool oo dalku lahaa, isla markaana hadda nolosha dadku halis ku jirto.
Haseyeeshee, waxa la bogaadiyey kaalinta shacabka Somaliland iyo ganacsatadu kaga jiraan gurmadka abaarta iyo la tacaalidda saamaynta ka dhalatay oo uu ka mid yahay xannuunka shuban-biyoodka.
Warbixintu waxay xustay in haddii la waayo roob bisha April ay bilaabmayso masiibo bani’aadamnimo wada saamaysa dhammaan dadweynaha, taas oo ka dhigmaysa in roobkii la waayey sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah.