Siciid Maxamed Gees – Qeybtii 11aad
Nin dhintay iyo nin dhoobay, tegay wax isma dhaamaan eh
Nin dhalmaayo dhiiga u gashay, ayaan dhimana noolayn eh
Maxamed Cabdulle Xasan
Sannadkii 1856-kii, ayaa waxa Richard Burton soo saaray buugga uu ku magacaabay “First Footsteps in East Africa.” “Socdaalkii ugu Horreeyey ee Bariga Afrika.” Kaas oo uu kaga sheekaynayo socdaal u ku kala bixiyey magaalooyin xeebaha Galbeed ee Somaliland ka mid ah (Saylac, Berbera) iyo magaalada taariikhiga ah ee Harar amma Adari.
Gacan-yarahiisii oo la odhan jiray Speke, waxa uu isna tagey xeebaha Bariga Somaliland ee Geel-weyta iyo Laas-qoray iyo dooxda Jiidali. Waxa Burton uu ku soo qaaday sheekada socdaalkiisa in Soomaalidu ay degaan ka dhigato oo aqalada ka dhisato meelo tag ah oo biyo-mareenada ka durugsan.
Markii uu weydiiyey sababta ay meelahaasi u degaan oo biyo-fadhiisiga uga dheeraadaan, waxay u sheegeen Kanneecadu meelahaas biyo-leyda ku badan tahay oo ay dadka qaadsiiso cudurka dhuumada markay qanniinto.
Ninkii Ricchard Burton warkaas Soomaalida dheel-dheel ayuu u qaatay oo waa ku jeesteeyey. Reer Yurub waxay rumaysnaayeen in cudurka Malaria laga qaado hawo ama laydh xun. Sida magacu tilmaamayo oo ah erayo Talyaani ah: Mala (Xun) iyo Aria (Hawo).
Haddaba, sannadkii 1897 oo afartan sanno laga joogo sheekadii Richard Burton uu Soomaalida ka soo weriyey, ayaa Dhakhtar la odhan jiray Donald Ross oo Ingiriisa ahaa, haseyeeshee Dalka Hindiya joogay uu xaqiijiyey in cudurka Malaria ama Duumada ay fidiso qolo Kanneecada ka mid ihi. Ma qirin inuu xogtaasi ka soo dheegtay waayo-aragnimadii dadka Soomaaliyeed oo laga yaabaa uu ka akhriyey buuggaas uu qoray Richard Burton.
Qoladii Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Mashruuca Dabar-goynta Cudurka Furuqa aan isku baranay, ayaa ii soo bandhigay inaan shaqaalahoogu ku soo wareego oo ka mid noqdo. Waxa loo baahday in aan oggolaansho ka helo dawladda Soomaaliyeed.
Haddaba, markan Wasiirkii Caafimaadka oo ahaa Dr. Maxamed Aadan Sheekh oo aan ka wada hawlgeli jirnay cusbitaalkii Digfeer ee Muqdisho oo markii Askartu xukunka boobtay lagu magacaabay Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, ayaa horjoogsaday oggolaashihii oo yidhi; “Dalka kama tegaysid Siciid Geesaw.” Deeto, waxa uu iigu magacaabay Isu-duwaha Adeegga Hakinta Duumada oo ay taageeri jirtay Hay’adda WHO, oo ku- xigeen la igu soo magacaabay mar dambe Cali Mahdi Maxamed oo Jabhaddii USC ku magacaabatay Madaxweyne markii xukuumaddii iyo Madaxweyne Siyaad Barre maleeshiyadii Hawiyuhu Xamar ka baacsadeen sannadkii 1991-kii.
Maxamed Aadan Sheekh waxa uu ahaa nin waddani ah inkasta oo ay Maxamed Siyaad Barre isku beel ahaayeen, haddana tiroba laba jeer ayaa xabsiga loo taxaabay. Kulliyadda Caafimaadka ee Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ka soo qallin-jebiyeen intaan Kulliyadaha caafimaadka ee Cammuud iyo Hargeysa la furin; waxa dedaal keli ahaaneed ku dhisay Dr. Maxamed Aadan Sheekh, markuu dalka Talyaaniga ku geeriyooday sannadkii 2010 waxa uu dhaxalkiisii ku dardaarmay in cusbitaal carruurta ah lagaga dhiso meeshii nabad ah ee ka mid ah arlada Soomaali degto. Cusbitaalkaas oo Hargeysa laga dhisay. Mar aan Hargeysa tegay sannadkii 2014, ayaan soo booqday cusbitaalka oo shaqaynayaa oo laga dhisay meel uu ka dhisnaan jiray guri aan degenaa 1957-kii.
Waxan kale isla sannadkaasi aan soo booqday Xarunta Hakinta Duumada (Anti- malaria). Xarun kooban oo shaqaalo yari ka hawlgalaan. Dakhtarkii joogay ayaannu si fiican uga sheekaysanay hawsha Cudurka Duumada.
Waxa kaloo aan waqti u helay inaan soo booqdo Xarunta Bisha Cas iyo Shaybaadhkii Cusbitaalka Hargeysa oo aan labadaba ka soo shaqayeeyey waqti hore. Waa aan ku farxay hawlaha halkaas ka socda iyo dhallinyarada dedaalaysa ee ka hawlgasha xarumahaas.
Waxa aan xasuustay waayadii aan ka soo shaqeeyey adeegyadaas bulshada, taas oo kaalin ka qaadatay cimrigayga iyo caafimaadkayga oo maanta aan sagaashan (90 jir) caafimaad ku soo gaadhay. Waxa la xaqiijiyey haddii daryeelka iyo wanaagga bulshada aad ka hawlgasho oo aanad xoolo-raadin, mansab-raadin iyo naftaada ku mashquulin in caafimaad iyo cimri dheer aad helaysid.
Waxa habboonayd in Shaybaadhku iyo Laanta Hakinta Duumadu ay xarumahoodu ka weynaadaan xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee fooqyada loo dhisay ee saacadaha yar lagu dhex sheekaysto oo shaqaalaha badan ee waxay qabanayaan la garanayn ay dhex joogaan. Weli adeegga dadweynaha hanti looma huro ee weli maamulka ayaa isku kooba.
Markii aan hawlgalka ka bilaabay laanta adeega hakinta duumada, waxa dedaalkii aan samaynay ka mid ahaa, raadinta kalluun cuna yaruurac kanneecada inta aanay duulin ee biyaha ku jirto. Berkad ayaan ka samaynay magaala-madaxyada goballada dalka. Halkaas ayaan ku beernay kalluunkii. Waxa hawsha gacan nagu siisay Hay’adda WHO oo nin khabiir ah noo keentay. Kalluunka ayaa lagu riday meel kasta oo biyo lagu kaydiyo sida baraagaha balliyada iyo ceelasha afka ka furanba iyo meelaha durdurada ah ee biyuhu fadhiyaan.
Gobalka Togdheer oo baraagguhu ku badan yihiin, markii hore dadweynuhu waa ka shakiyey, haseyeeshee markii dambe iyaga ayaaba soo doonan jiray. Waxay arkeen Kanneecadii oo ka yaraatay iyo biyihii oo nadiif noqday markii kalluunku ka cunay saaruuqdii cagaarka ahayd (dhasha kanneecada).
Waxa kale ay ka heleen cunto markii kalluunkii koray. Waxa aannu raadinay annaga oo la kaashanayna Hay’adda WHO kalluun marka biyuhu ka idlaadaan jilaalkii ee meeshu qalasho aan ukuntiisu dhimanayn ee qolof isku wareejinayso oo hadhaw marka biyo meeshii galaan ay ukuntii dib-u-dillaacayso oo kalluun u korayso.
Dedaalkaas ayaan ku ladhnay buufintii guryaha iyo wacyigelintii dadweynaha iyo baadhitaankii dhiigga dadka si tiro-koob sugan looga helo dadka duumada u soo dhaca sannadkii carruur, waayeel iyo dawo siintooda.
Intii aan xilka hayey waxan tababar u tegay dalka Filibiin sannadkii 1971 dhammaadkiisii, aniga oo ku sii hakannay magaaladda Hongkong oo markaas Dawladda Boqortooyada Midawday (UK) gacanta ku hayso, hadda waa qayb dalka Shiine-weyne ka mid ah. Waxay ahayd in aan saacado joogno. Magaaladii ayaan u dhaadhacay oo kas ugu hadhay diyaaraddii si aan u dalxiiso oo u daawado magaalada.
Waxa iigu yaab badnayd waxan tagey Baan (Bank) si aan lacag u sariftu. Lacagta aan sariifka ku doonayaa waa boqol shilling oo Soomaali ah oo hal warqad qudha ah. Yaabka yaabkii qasnajigii buug ayuu eegay, waannu ii sariifay lacagtii! Shirkaddii diyaaraadaha ayaan u tegay oo huteel i geysay habeenkii, aroortii dambe waxa la i saaray diyaarad tegaysa ilaa magaalada Manila oo ah caasimadda dalka Filibiin. Lacag Soomaaliyeed oo Hongkong lagu sarrifayo.