Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Dawladda Somaliland, ayaa shaacisay in la hakinayo mashaariicda horumarka ee ku jira miisaaniyadda dawladda, isla markaana xoogga la saarayo taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in dawladdu go’aan ku gaadhay in la joojiyo mashaariicda waawayn ee laga fulinayo miisaaniyadda dawladda inta lagu jiro gurmadka abaarta oo uu sheegay in laga cabsi qabo inay xaalad degdeg ah oo macaluuli dillaacdo.
“Dawlad yar oo dhaqaalaheedu yaryahay baanu nahay, markaa iminka saacaddan annago ku talogashan culayska jira ee in abaartu sii xumaato waxaannu hakinay miisaaniyaddii oo mar haddii laga baqayo in dhimasho dhacdo in aannu wax dhisno iyo wixii mashaariic horumar ahaa oo dhan waanu joojinay, sababta oo ah miisaaniyadayadii laba arrimood baa ku dhacay oo midi abaartu saamayn bay nagu leedahay oo ku-talogalkii miisaaniyadda waxaannu ka baqaynaa inuu dhinmo, ta kale sidaad ogtahay xoolihii Geeska Afrika waa la yar joojiyey oo dakhligii xooluhu wuu maqanyahay, iyadoo labadaasi arrimoodba jiraan haddana waxaannu joojinay oo dib-u-dhignay wax allaale wixii mashaariic horumarineed ahaa si haddii xaaladda gurmadka macaluushu timaado aannu lacagtii ku-togalka in aannu horumar ku samayno u wareejino badbaadada dadka,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda VOA, waxaannu isagoo ka hadlaya in xaalad degdeg ah oo macaluul ah uu dalka qarka u saaran yahay uu intaa raaciyey, “Qiimaynta aannu annagu samaynay iyo ta ay sameeyeen hay’adaha intuba gobollada bariga waxa uu waddanku ku dhawyahay in macaluul lagu dhawaaqo sababta oo ah hadda waxaynu ku jirnaa Gu’ welina maanta xaaladdu waa sidii oo ummaddii culayskii wuu sii saaranyahay uun, biyo iyo cunto la’aantii way sii haysataa, xoolihiina way ka sii dhimanayaan, markaa annaga iyo hay’adaha caalamiguba waanu sheegnay in xaaladdu ku dhawtahay heerkii macaluusha. Annaguna dhawaaq iyo dhawaaq la’aanba ma fadhino oo guddi abaareed ahaan, dawlad iyo shacab ahaanba waxaannu ku jirnaa hawl adag oo habeen iyo maalinba waxaannu ka shaqaynaynaa sidii aannu dadka u gaadhsiin lahayn biyo iyo cunto iyo weliba wixii caafimaad loo helo, waxa kaloo na barbar-socda hay’adihii caalamiga ahaa oo markii hore dib u dhac ku yimi, laakiin iminka aad moodo in dhaqaalihii ay sugayeen soo gaadhay.”
Dhinaca kale, Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu ka hadlay tirada dadka u dhintay gaajada abaartu keentay, waxaannu yidhi, “Inkastoo aan la hayn tiro sugan, laakiin qiyaasta marka la isku celceliyo xoolihii Somaliland ee dhinaca bariga boqolkiiba 60% xoolihii way baxeen, dadkiinna markii abaartu aad u adkaatay waxay u kala jabeen laba qaybood oo ah qayb u soo hayaantay gobollada galbeed iyo kuwo u hayaamay dhinaca Puntland. Khasaaraha nafeed ee dadku runtii aad buu u yaryahay oo waa wax ka yar ilaa toban qof oo meelo kala duwan ku dhintay, sababta oo ah gurmadkii cuntada ee dadka waanu gaadhsiinay markii u horreysay ee qayladu soo yeedhayba laga bilaabo bishii November ee sannadkii hore ilaa maanta oo bishii March ee saddexaad ee 2017 dhammaatay bil walba wixii loo helo ayaa la gaadhsiinayey.”
Mar la waydiiyey in masuuliyiinta gobollada bariga ee dalka iyo saraakiisha caafimaadkuba ay tirada dadka u dhintay abaarta ka badinayaan inta uu isagu sheegay, sidaasi darteedna la odhan karo in dawladdu qarinayso tirada rasmiga ah ee dhimashada dadka, waxa uu ku jawaabay, “Ma qarinayno, sababta oo ah waanu qaylinay oo beesha caalamka iyo dawladaha aannu saaxiibka nahay iyo dadkayagaba waanu u qaylinay, laakiin tirada waxa intaa ka badin karaya waa marka carruurta lagu daro oo inta badan shubanku ku dhaco, shubankuna marna waxa ku yimaadaa nafaqo-darrad abaartu keentay, marna si caadi ah buu iyadoo abaariba jirinba way dhici kartaa inuu dhimasho keeno, markaa haddii lagu daro carruurta u dhimatay shubankaasi tiradu way badan kartaa, balse gaajo caadi ah waxa u dhintay baan leeyahay waa ilaa tobaneeyo qof oo muddakar ah.”