Sida aynu taariikhda ka baranay dhacdo kasta waxay dunida ama gobol ka mid ah ku yeelan kartaa saamayn balaadhan ama isbedelo hor leh. Somaliland waxay ka dhalatay dagaallo sokeeye oo lagu hoobtay iyo burburkii Soomaaliya ee ka dambeeyay, mana aha wax lala yaabo in Somaliland xorriyedeedii dib ula soo noqoto markii lagu hungoobay israacii labada dal iyo markii la waayay ama ay dhimatay fikraddii Soomaali weyn, hase yeeshee waxa la hantiyay dhul la dumiyay oo u baahan in kow laga soo bilaabo.
Dalka waxa qabtay ciidamadii jabhadda SNM hase ahaatee waxa ka lumay kala dambeyntii markii ay waayeen hoggaan siyaasadeed oo jaheeya, sidaas daraadeed dad badan baa aamminay Somalilandna in ay ku dambeyn doonto sida Soomaaliya oo kale laakiin, sidaa Alle kama dhigin; waxa la sameeyay waxyaabo mucjiso ah marka loo eego duruufihii adkaa ee wakhtigaa jiray sida dib u heshiisiintii beelaha, hubka dhigistii iyo qaramayntii maleeshiyo beeleedyada, dhismihii hay’addaha dawladda, qoraalkii dastoorka iwm.
Geeddigu marna ma hakan waxa la bilaabay dhismihii seeska dimuqraadiyadda, waxa la dejiyay xeerarkii doorashooyinka iman doona. Hawlahaas oo dhan beesha caalamku waxba kumay darsan hase yeeshee markii dambe waxa indhahooda soo jiitay dadaalkii iyo isku duubnidii umadda reer Somaliland waxayna doorbideen in ay dawladda Somaliland si toos ah ula shaqeeyaan iyo in ay ka taageeraan adkaynta hay’addaha dawladda, amniga, kobcinta dimuqraadiyada iwm, islamarka beesha caalamku Somaliland waxay ka fidisay sumcad wanaagsan iyo in lagaga daydo hanaanka ay u mareen daminta colaadaha iyo nabadaynta.
Si kastaba ha ahaatee beesha caalamku waxay hoos u dhigtay xidhiidhkii iyo niyadsamidii ay u haysay Somaliland, waxay dareemayaan in ay ku khasaareen taageeradii ay muddada dheer siinayeen markii ay u caddaatay in ay Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo si ula kac ah uga cago-jiidayso qabashada doorashooyinka Madaxweynaha, Wakiillada iyo waliba markii ay wax ka qaban wayday musuqmaasuqa iyo cabudhinta saxaafadda.
Dimuqraadiyada:- Beesha caalamku Somaliland waxay u aragtay in ay Metaal fiican u noqon karto dawladdaha Bariga Afrika ee dhinaca dimuqraadiyada, markii shan doorasho laga qabtay iyo markii Madaxweyne Rayaale si qurux badan oo sharaf leh xilkii ugu wareejiyay Madaxweynihii laga doortay, waxayse candhuuftoodii dib u liqeen markii Madaxweyne Siilaanyo iyo labada gole ku heshiiyeen in aan doorashaba la qaban oo midba ka kale u kordhiyo sabab la’aan, sidaas awgeed dalalkii inaga caawin jiray waxay go’aansadeen in aanay sii wadi Karin taageerada dimuqraadiyad noocan oo kale ah.
Musuqmaasuqa:- Dalalka Musuqmaasuqu ka jiro dhaqaalahoodu ma kobco, horumarna ma samayn karaan, bulshaduna inta badani waxay ku nool yihiin saboolnimo. Wakiillada beesha caalamku marka ay Somaliland ka war bixinayaan lama gabadaan in ay sheegaan musuqmaasuqa baahsan ee dalka ka jira, sidaas daraadeed lagama yaabo in ay dhaqaale ku shubaan haan gun la iyo jeebado daloola ama ku dhacaya meelo aan loogu talo gelin.
Dawladduhu waxay caawiyaan dawladdaha dadkooda caawinaya, waxay wax ugu daraan kuwa hantidooda iyo dhaqaalahooda yare e soo gala si wanaagsan umadda ugu maamula. Tusaale ahaan waxay diideen in ay bixiyaan qaybo ka mid ah kharashaadkii doorashooyinka, waxay 50% dhimeen lacagihii ay ku shubi jireen Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waxana dhici kara in ay gabi ahaanba joojiyaan.
Xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadamaha:- Wadamada reer galbeedku waxay si gaar ah u qiimeeyaan xorriyada hadalka iyo xuquuqda aadamaha, deeqaha ay siiyaan dunida saddexaadna inta badan waxay shuruud uga dhigaan hadba sida loo dhawro arrimahaa iyaga ah. sidaa daraadeed xaggooda xukumadda Madaxweyne Siilaanyo uma qalanto in ay ka hesho dhaqaalihii Somaliland baahida u qabtay iyadoo la ogyahay xadhiga joogtada ah ee wariyeyaasha iyo sida loola dhaqmo saxaafadda madaxa bannaan oo qaarkood xarumahoodii la xidhay oo gaadh laga hayo.
Cabdiraxmaan Cadami
Abdirahmanadami22@gmail.com