Araweelo News Network


Baarlamaanka dalka New Zealand oo ku yaal cidhifka bari ee adduunka, ayaa ansixiyey sharci lagu aqoonsaday in webi la yidhaa Maoria uu leeyahay qaanuuniyad sharci (legal personality), isla markaana ka mid yahay noolayaasha waddankaas leeyahay.
Go’aankan ka soo baxay baarlamaanka New Zealand, ayaa noqonaya markii u horreysay caalamka uu sharci noocan ah u sameeyo webi, iyadoo sharcigan oo la ansixiyey toddobaadkan uu fasaxayo in tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo xadgudub amma gef u gaysata webigaas.
“Waxa uu yeelanaa sharciyad tilmaamaysa jiritaankiisa shaqsinimo (Webiga), waxaannu yeelanayaa xuquuqda iyo masuuliyadda qof sharciyan yeelan lahaa (Legal person). go’aanka lagu sheegay in webigu shaqsiyad qaannuuni ah yeelanayo waa arrin cajiib ah.” Sidaa waxa yidhi Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka New Zealand, Mr. Chris Finlayson.
Webiga Maoria waa webiga saddexaad ee ugu dheer dalka New Zealand, waxaannu Xeer-ilaaliye Finlayson sheegay in qoomiyadda Maori iwi u dagaalamaysay muddo badan in webigan xaq loo sameeyo ilaa wixii ka dambeeyey sannadkii 1870-kii Dacwadda ay dadkaas ku jireena ay noqotay muran sharci kii ugu muddada dheeraa ee dalka New Zealand laga oogo.
“Sharcigan waxa uu aqoonsaday in Webigan uu xidhiidh aad u fog la leeyahay ruuxda Whanganui iwi iyo awoowayaashoodii webiyada. Waxa uu webigu noqon doonaa ashyaa’da nool mid ka mid ah laga bilaabo buuraha ilaa badda inta uu kaga xidhmo,” ayuu yidhi Xeer-ilaaliyuhu.
Webigan waxa metelayey oo qoomiyaddu u qabatay laba qareen oo ku doodayey in la siiyo shakhsiyad qannuuni ah, kuwaasoo mid ka mid ah ka soo jeedo qoomiyadda Maori iwi, ka kalena dawladdu ku caawisay.
Qoomiyadda Iwi waxa ay sidoo kale helayaan lacag dhan NZ$80 milyan oo u dhiganta $56 milyan oo khasaarihii ka baxay ay intii murankan sharci socday iyo waliba $30 Milyan oo doollarka New Zealand ah oo ah horumarinta caafimaadka webiga.