Araweelo News Network


Muqdisho(ANN)- Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa booqasho aan hore loo shaacin ku yimi Magaalada Dhoobley ee gudaha Soomaaliya, isagoo ku lebisan Tuutaha Ciidanka Millateriga dalkiisa.

Mr. Uhuru oo la socday Diyaarad Hellicopter ah, wuxuu booqday degmada Dhooblay oo ka mid ah deegaamada u dhow xuduudka ay Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan, halkaas oo ah taliska ugu weyn ee Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, wuxuu la kulmay Saraakiil iyo Ciidamo katirsan kuwa Kenya ee jooga guadaha Soomaaliya, isagoo khudabad u jeediyay Ciidamada ku amaanay sida ay dalkooda ammaankiisa u difaacayaan, wuxuuna xusay in xaalada amaanka Kenya ay caadi kusoo noqotay, isla markaana dhaqaalaha dalku uu soo kabtay kadib markii ay dib usoo laabteen dadkii dalxiiska ahaa ee dalkiisa iman jiray.
Wuxuu Ciidamadiisa ku qannciyay in joogitaankooda Soomaaliya ay ku badbaadinayaan muwaadiniin badan oo Kenyaati ah oo uu sheegay inay halis kala kulmayaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wuxuuna xusay in ciidamadooda ay kala baxayaan dalka Soomaaliya marka la dhiso ciidamo Soomaali ah oo awood leh inay amaanka soo celiyaan.


socdaalka Kenyatta ee dhoobleey wuxuu muujiyay in aanu aqoonsanayn dowladda Federaalka ee Fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, iyadoo Madaxda dawladda Soomaaliya aanay waxba kala socon Madaxweynaha Dalka Kenya ee dalkooda soo galay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdirisaaq Hadliye oo la weydiiyay in ay la socdaan booqashada Madaxweynaha Kenya ee Dhoobley, ayaa sheegay in aanay waxba kala socon booqashada xukuumad ahaan.
Xildhibaan Zakeriya Maxamuud Xaaji oo hore u ahaa Wasiir ka tirsan Xukuumadda oo arrintaa ka hadlay, ayaa sheegay in ay tahay gef iyo denbi booqashada Madaxweynaha Kenya ee gudaha Soomaaliya, isagoo yidhi, “ Waa Denbi weyn oo gef ku ah Qawaaniinta Dawliga ah iyo Qaranimada Soomaaliya in Madaxweyne Dal kale isagoo aan fasax u haysan iska soo galay dal kale, waana arrin naaqus ku ah Madaxbanaanida Soomaaliya oo loo baahanyahay in lagula xisaabtamo Uhuro Kenyatta ”