Araweelo News Network

Madaxweyne Axmed Siilaanyo

Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa amar ku bixiyey in la sameeyo gurmad ballaadhan oo lagu badbaadiyo dadka ay saamaysay abaarta daran ee ka jirta dalka Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo oo xafiiskiisa kulan kula yeeshay Guddiga heer qaran ee Gurmadka iyo Taakulaynta Abaaraha Somaliland oo isugu jira wasiirro ka tirsan xukuumadda, culimaa’udiin iyo ganacsato, kaas oo lagu lafo-guray xaaladda abaarta ka jirta gobollada dalka iyo sida uu u socdo gurmadka la waday muddada lixda bilood ah ee ay taagnayd abaartani, waxaannu soo jeediyey go’aamo hor leh oo la xidhiidha gurmad lagu badbaadiyo dadka labada bilood ee soo socda.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo ka mid ah xubnaha guddiga oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta uga warbixiyey amarka Madaxweynaha waxa uu yidhi, “Madaxweynuhu wuxuu go’aamiyey oo uu wasiirrada iyo guddiga Taakulaynta Abaarta ku amray mar labaad in labadaa bilood dedaalka la sii libin-laabo, xukuumad ahaana aad iyo aad loo dadaalo oo baahida ballaadhan ee jirta hadday tahay cunto, biyo iyo baad ee dadkeenu u baahan yihiin lagu dadaalo. Go’aamadaasi la qaatay waa qaar wax-ku-ool ah oo runtii wax wayn ka beddeli doona xaaladda Insha Allaahu, inoona fududayn doonta inta hadhay marka la isku duubnaado ee gacmaha la is qabsado.”
Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Gurmadka iyo Taakulaynta Abaaraha Somaliland Sheekh Xasan Cabdisalaan, ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobada lagaga wahadlay kulanka uu la yeeshay Madaxweynuhu, “Qodobada muhiimka ah ee la soo qaaday waxa weeye in abaarta baaxadeedii sii ballaadhatay, dadkii iyo dhulkii ay saamaysayna inay kordheen, in ay halkii ugu dambaysay iyo maalmihii ugu adkaa marayso ayaa la tilmaamay, in ugu yaraan dad laba malyuun ah ay saamaysay, waxa la isla dareen-qaatay in xoolaha intoodii badnayd ay baxeen, in dad badan oo xoolihii ka baxeen ay baro-kaceen oo ku urureen, deegaanno iyo tuulooyin gaar ah, in cudurro iyo xagga caafimaadka ay dhibaato ka jirto,” ayuu yidhi Sheekh Xasan Cabdisalaan, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Waxa go’aanku noqday in qorshe cusub oo ku dhisan ka hortaga abaaraha la abaabulo oo dadaal cusub la galo, dawladduna horseed iyo hormood ka noqoto oo Ilaahay kama dhigee haddii labada bilood ee soo socda aannu di’in roobku in laga hawlgalo sidii loo badbaadin lahaa dadka.”
Dhinaca kale, xubnaha Guddiga Gurmadka iyo Taakulada Abaartu waxay baaq u direen guud ahaan shacabka reer Somaliland inay xoojiyaan tabarucaadka iyo taakulada loogu gurmanayo dadka iyo xoolaha abaartu dhibaataysay, maadaama la galay waqti adag oo ah Kaliil uu jiro kulayl xoog ah oo keenaysa baahi ka badan intii hore.