Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)- Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa daah-furtay qalab tignooloji ah oo caqabad weyn ku noqon doona dhaqdhaqaaqa gaadiidka bilaa cashuurta ah, kaasoo lagu xidhayo kaantaroollada ku yaal galbeedka iyo bariga caasimadda Hargeysa.
Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo hadal ka jeedisay kaantaroolka galbeedka Hargeysa oo mashruucan laga hirgeliyey, ayaa sheegtay in qalabkani ka kooban yahay kamarado casri ah iyo kombuyuutarro isku xidhan oo lagu aqoonsanayo gaadiidka aan cashuurnayn, kaas oo la shaqaynaya birta kaantaroolka oo aan ka furmayn gaadiidka aan cashuurnayn.
“Kantaroolka galbeedka Hargeysa waxaannu ka hirgelinay adeeggan oo ah kii ugu horreeyey noociisa ee laga hirgeliyo Somaliland. Waxaannu u samaynay kaantaroollada bariga iyo galbeedka caasimadda, waxana sida aad arkaysaan yaal kamarad iyo kombiyuutar. Gaadhiga aan cashuurnayn ee aan sidan cashuurtii waddo-marista iyo kala wareejinta waxa soo saaraya kombuyuutarka, markaa birta kaantaroolkuna kama furmayso.
Waxaannu dadweynaha reer Somaliland ee sharafta leh u sheegaynaa abaarana way ina hayaan, dhibaatana way ina haysaa, markaa waxa aannu doonaynaa in aynu dakhligeennii si fiican u kordhinno,” ayey tidhi Wasiir Samsam oo ka hadlaysay qalabka casriga ah ee wasaaraddeedu daah-furtay.
“Gaadhiga bilaa cashuurta ah, waxba birtaa ha jiidhin, waayo waa la samayn doonaa haddii aad jiidhana, waxaanuna jecelnahay in aad cashuurta iska bixisaan oo ceebtaas la joojinayo oo gaadhigii birtaasi ku xidhmayso intaasaa ceeb ugu filan in cashuurta ay iska bixiyaan oo sidaa sharafta leh u maraan, iyadoo askari aannu la hadlin oo aan taraafigu la hadlin ayuu kamaradaa iyo komutarkaasi garanayaa gofkii gaadhiga lahaa, lambarkiisii iyo cashuurtii inuu bixiyey iyo in kale ay soo baxaysaa oo birtaasina ka qaadmaysaa si sharaf leh ayay iskaga marayaan.”
Mr. Siciid Nuur Cige oo ah farsamayaqaannada mashruucan hirgaliyey oo ka tirsan shirkadda SAHAL GLOBAL, ayaa ka hadlay sida qalabkan casriga ah u shaqaynayo iyo qaabka uu u kala aqoonsanayo baabuurka cashuurta bixiyey iyo kuwa aan bixin.
“Waxa aannu nahay shirkadda hirgalisay kaantaroolkan casriga ah ee Wasaaradda Maaliyaddu maalgalisay ee galbeedka Hargeysa, barigana laga dhisi doono. Waad aragteen waxa halkaasi ku taala kamarad, halkaana waxa ku yaal sensor (mishiin yar), waxaannu akhriyayaa cashuurta waddo-marista ee gaadhiga waddada ku jira, kadibna waxa uu toos ugu gudbinayaa macluumaadka kombuyuutarka, dabeetana waxa is furaya kantaroolka ama birta kaantaroolka, markaa gaadhiga cashuurta leh ee kala wareejintana si fiican u sameeyey uun baa mari karaya. Wixii kale waxa la macaamilaya Wasaaradda Maaliyadda,” ayuu yidhi sarkaalka ka tirsan shirkadda Sahal Global.
Qalabkan tignoolojiga casriga ah, ayaa la filayaa inuu wax weyn ka beddelo nidaamka dakhli-ururinta ee Wasaaradda Maaliyadda, waxaannu sidoo kale caqabad ku noqon doonaa gaadiidka kala duwan ee lagu leeyahay cashuuraha ku waajibay.