Araweelo News Network

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Mr. Jacob Zuma, ayaa xaaskiisa Mandisa Maya u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Rafcaanka.
Magacaabistan oo ka soo baxday xafiiska Madaxtooyada maalintii Isniinta ee toddobaadkan, ayaa noqaysa markii ugu horraysay ee haweenay madax ka noqoto maxkamadda labaad ee ugu sarraysa dalka Koonfur Afrika.
Sida Dastuurka Koonfur Afrika dhigayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Rafcaanka waxa awood u leh magacaabistiisa Madaxweynaha, marka uu la tashado Golaha Adeegga Caddaaladda (Judicial Service Commission (JSC).
Madaxweyne Zuma waxa uu Guddoomiyaha Golaha Adeegga Caddaaladda Mr. Mogoeng Mogeng ogaysiiyey go’aanka uu xaaskiisa ugu magacaabay xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Rafcaanka.
Marwo Maya waxa ay jagadan buuxinaysaa, kadib markii odaygeedu xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Rafcaanka ee waddanka Koonfur Afrika Mr. Lex Mpati.
“Waxa aan Maya u rajaynaynaa wanaag, doorashadeeduna ma ahayn mid mugdi ah,” ayuu yidhi Madaxweyne Zuma.
Maya oo magaceeda laga horraysiin doono “Caddaali Maya” waxa ay aqoon iyo khibrad u leedahay garsoorka, iyadoo 1999kii mar loo magacaabay ku-sii-sime garsoore Maxkamadda Sare ah, halka waqtiyadii ku xigayna ay ahayd garsoore buuxa.
Sidoo kale, waxa ay noqotay ku-sime garsoore oo Maxkamadda Shaqaalaha ah iyo ku-sime garsoore Maxkamadda Sare ee Rafcaanka ah. Sannadkii 2006 waxay ahayd ku-sime garsoore Maxkamadda Dastuuriga ah, aakhirkiina waxa loo magacaabay garsoore buuxa oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Rafcaanka.
Sannadkii 2015 waxa loo magacaabay Ku-xigeenka Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Rafcaanka, iyadoo ay noqotay markii ugu horraysay ee jagadaas qof dumar ah qabto.