Araweelo  News Network

Boorama (ANN)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa xaflad ugu sameeyey magaalada Boorama taageerayaal ay ka mid yihiin xildhibaanno, siyaasiyiin, dhallinyaro iyo haween badan oo go’aansaday inay ku biiraan xisbigaas, kuwaasoo ka soo digo-rogtay labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID.

Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI iyo weftiga uu hoggaaminayey oo iskugu jiray xubno ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta, garabka dhallinyarada iyo haweenka, siyaasiyiin, xildhibaanno iyo weliba madax kale, ayaa ka hor intii aanay ka qeybgalin xafladdaas , waxa soo dhaweyn ballaadhan loogu sameeyey deegaanada ku teedsan Dila ilaa Boorama, iyada oo halkaas dadweynihii ku sugnaa ku qaabileen caleemo qoyan iyo calanka liimiga ah ee Xisbiga WADDANI oo ay lu laayeen, waxayna ku dhawaaqayeen erayo ay ku soo dhaweynayaan, kuna muujinayaan taageerada ay u hayaan xisbiga iyo Guddoomiye Cirro oo ah murrashaxa Madaxweynaha ee WADDANI.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo weftiga uu hoggaaminayo oo ay deegaanaddaasi kaga hor yimaadeen isla mar ahaantaana ku soo dhaweeyeen murrrashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka iyo mas’uuliyiin aad u tira badan, ayaa waxa uu guddoomiye Cirro uu xadhigga ka jaray xafiisyo cusub oo Xisbiga WADDANI ka furtay deegaanada degmada Dilla iyo Garoya-cowl ee Gobolka Awdal, waxayna tilmaameen in xafiisyaddaasi yihiin kuwii isbeddelka u horseedi lahaa guud ahaan dalka Somaliland.

Weftiga uu hoggaaminayo murrashaxa Madaxweynaha WADDANI, waxa ay ka qeybgaleen xaflad ballaadhan oo lagu soo dhaweeyey xildhibaano, siyaasiyiin iyo taageerayaal badan oo ku soo biiray xisbiga WADDANI.

Qaar ka mid ah xildhibaanada iyo taageerayaasha ku biiray WADDANI oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI, iyagoo xusay inuu yahay xisbiga qudha ee isku wadi kara dalka iy dadka Somaliland, isla markaana ictiraaf-dhab ah u horseedi kara qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

“Aad ayaan ugu faraxsan nahay in aanu ku biirno xisbiga WADDANI, waxaannu ka mahadcelinaynaa sida diiran ee na loo soo dhaweeyey anaga oo runtii ka markhaati kacayna in Xisbiga WADDANI yahay xisbiga keliya ee maanta dalka ka hirgelin kara isbeddel dhab ah, waxaana muuqata in xisbigii KULMIYE ku fashilmay taladii dalka, isla markaana ay noo muuqatay in aan lagu sii aaminin karin dalka. Waxa kaloo aanu idiin sheegaynaa in mudadii yarayd ee aanu Xisbiga KULMIYE ku jirnay aanu keliya uun kula shaqeyn jiray nidaamka dawladnimo oo qudha.” Sidaa waxa lagu yidhi nuxurka fariinta ay jeediyeen xildhibaannada ku biiray xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Xisbiga WADDANI, siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan, siyaasi Geedoole, siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa iyo siyaasiyiin aad u tira badan oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey xildhibbaanada iyo taageerayaasha kala duwan ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI, waxayna tilmaameen in la gaadhay wakhtigii uu Xisbiga WADDANI qaban lahaa talada dalka, ayna hadda socoto dabaysha isbeddel siyasadeed oo ka dhaca Somaliland.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Murrashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Dr. Maxamed Xaaji Cali Cabdi, waxaannu yidhi; “Farxad bay ii tahay in afar sanno ka dib kulankii ugu horreeyey ee WADDANI isaga oo urur ah ayaa waxa lagu qabtay hool yar oo ku yaal Boorama oo inyar oo dad ah uun qaada, maanta na waa hoolkii magaalada ugu weynaa ayaa qaadi kari la’ oo aanu in yar oo dadka ka mid ah uun ay weliba yimaadeen, waxaanan rajeynayaa in goballada Awdal iyo Selel ay midnimaddooda ku dedaalaan oo aanay noqon dad xisbiyada iyo siyaasaddu saameyn ku yeeshaan, waxaana aan rajeynayaa in hoolkan laftiisa aynu ku qabsan doono xaflad WADDANI ah oo aan loo kala maqneyn.”

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxa aan aad u soo dhaweynayaa xildhibbaanadii iyo siyaasiyiintii ku soo biiray Xisbiga WADDANI, mid keliya ayaan leeyahay oo ah gobalka Awdal lama kala laha, laakiin xisbiyadu waxa ay ku kala badin doonaan codka ay ka helaan gobalka iyo weliba magaalooyinka Somaliland, waxaana aan rajeynayaa in Boorama, Selel iyo Dila aan WADDANI cidi kula tartami doonin, dhalasha na la sheegan maayee mabda’ bay dadku ku dooranayaan WADDANI oo ay kaga na badinayaan xisbiyada kale, waxaana aan Ilaahay ka baryeynaa in uu inaga dhigo umad isku tashata oo isku tiirsata oo wax wada qabsata gun iyo baarba.”

Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ugu dambayntii hadal ka jeediyey xafladda loo sameeyey taageerayaasha ku biiray WADDANI, ayaa u mahadnaqay dadweynaha soo dhaweynta xoogan ugu sameeyey degaannada Gobolka Awdal, isagoo xusay in xisbigoodu yahay mid aan la kala lahayn oo reer Somaliland ku midaysan yihiin.

“Waxa aan idiin sheegayaa in aad tihiin WADDANI-yiin dhab ah. Waxa aan idiin sheegayaa idinka iyo shacbiga reer Somalilandba uu yahay Xisbi loo sameeyey shacbiga reer Somaliland. Xisbiga WADDANI beel gaara uma xidhna, beesha aan ka soo jeedana uma xidhna, beesha Murrashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka WADDANI-na uma xidhna, se waxa uu ka dhexeeyaa shacbiga reer Somaliland, laakiin waxa aanu idiin ka mahad-naqeynaa in si weyn oo baaxadle aad noo taageertaan, oo aad noo taageerteen aad baan idiin ka mahad-naqeynaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

 

https://youtu.be/SRJC3CIaqZg