Araweelo News Network

Maayirka Caasimadda Dakar ee dalka Sengel (Sinigaal) oo ku yaal galbeedka qaaradda Afrika, ayaa la xidhay, kadib markii lacag dan guud ah uu si leexsan u qaatay, khaladna u isticmaalay.

Ninka maayirka ah oo magaciisu yahay Mr. Khalifa Sall, waxa lagu eedeeyey khiyaamo, dambi iyo maydhista lacagta (Money Laundering), lunsashada dakhli caasimaddu lahayd, lacagtaas oo qiyaas ahaan dhan $2.9 milyan doollar, iyadoo maayirku iska difaacay eedaymaha loo jeediyey, isla markaana diiday inuu dambiyadan ku kacay, waxaannu xadhigiisa ku sheegay in ay ka dambayso ujeeddo siyaasadeed.

Mr. Khalifa Sall oo xilka maayirnimo ee caasimadda waddanka Senegal hayey ilaa sannadkii 2009-kii, waxa la rajaynayey inuu isu soo taagi doono doorashada madaxtooyada ee la filayo inay dalkaas ka qabsoonto sannadka 2019-ka, haddii Ilaahay yidhaah.

Maayirkan waxa uu ka mid yahay Xisbiga Hantiwadaaga (Socialist Party), kaasoo ka mid ah xisbiyada wadaaga ah ee xukuma dawladda, balse waxa lagu eedeeyaa inuu ahaa nin xag-jir ah oo ka soo horjeeda dawladda ka talisa waddanka ku yaal galbeedka Afrika.

Idaacadda BBC oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, ayaa soo tebisay in maayir Khalifa xabsiga loo taxaabay Salasaadii toddobaadkan, hal habeenna uu jeelka ku jiray, isaga iyo shan kale oo ka mid ah shaqaalahiisa.

Waa masuulkii labaad ee ugu sarreeyey ee kiis musuqmaasuq loo qabto dalka Senegal wixii ka dambeeyey intii uu Madaxweyne Macky Sall loo doortay xafiiska Madaxtooyada sannadkii 2012kii, iyadoo wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Senegal Mr. Abdoulaye Wade la xabsiga la dhigay sannadkii 2015, laguna xukumay lix sanno oo xabsi ah, kadib

markii lagu eedeeyey inuu ka xoolaystay dalka oo uu hanti badan ka samaystay dakhliga dawladda uu aabihii Madaxweynaha ka ahaa.