Araweelo News Network
Garoowe(ANNh-Ciiddamo hubeysan ayaa la wareegay waddooyinka muhiimka ah ee soo gala magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland eye Soomaaliya.
wararka ayaa soo sheegaya in ciidamaddaa Oo ah kuwa Daraawiishta oo ku hubaysan gaadiidka gaashaandhiga ay qabsadeen koontaroollada muhiimka ah ee magaalada iyagoo xanibay isku socodka gaadiidka dadweynaha.
Col. Dayr Xaaji Cabdi oo ah taliyaha ciidamada Daraawiishta ayaa sheegay in ciidamada gadoodka sameeyay ay ka cabanayaan mushaar la’aan iyo maamulka Puntland oo diiday in uu bixiyo daryeelka ciidanka.
Gaadiidka dagaalka Tikinikada oo isdhaaf dhaafaya ayaa lagu arkayaa waddooyinka Garowe, Kuwwaas Oo Ilaa xalay haystay wadooyinka muhiimka ah, isla markaana u diiday inay galaan magaalada, ama Ka baxa an.
Boqolaal gaadhi oo shixnado Badeecado ah side, ayaa ku xaniban Ilaa xalay,iyadoo wadahadalo la doonayay in xal loogu helo mushkilada ayaa lagu guuldaraystay.
Maalmihii lasoo dhaafay, waxay ciidamo gadoodsan qabsadeen xarunta baarlamaanka Puntland iyo dhismayaal wasaaradeed.
Maamulka Cabdi Wali Gaas ayaa lagu eedeeyay in sedaxdii sanadood ee lasoo dhaafay uusan wax mushaaraad ah siin ciidamada Daraawiishta wuxuuna maamulkaasi dhax muquuranayaan musuq maasuq iyo wax isdabamarin