Hargeysa(ANN)-Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka aroornimadii hore u safar ugu baxay magaalada Boorama ee gobalka Awdal.
Safarkan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinayaan mas’uuliyiin ka tirsan Xisbigaasi, ayaa ujeedka socdaalkiisa lagu Sheegay dar-dar-gelinta hawlaha Xisbiga ee gobalkaasi iyo weli ba sida oo kale soo dhaweyn magaalada Boorama looggu sameynaayo taageerayaashii ugu badnaa ee kasoo Jeeda deegaanka oo la filayaa inay kusoo biiraan Xisbigaasi kuwaasi oo kasoo diga-roganaya xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE.
Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, ayaa sida oo kale la rajeynayaa in uu kulamo la qaato madax-dhaqameedyada, dhallinyarada, haweenka iyo qeybaha bulshada ee gobalkaasi, waxaana uu aad uga la soo hadli doonaa hawlaha Xisbiga WADDANI ee gobalkaasi isaga oo sida oo kale na gaadhsiin doona fariinta isbedel doonimo ee Xisbiga WADDANI uu doonaayo in uu wax badan kaga bedelo talada dalka Somaliland.