Maalmihii ugu dambeeyey waddankeena waxa ka socday mowduuc xasaasi ah oo ku saabsan Saldhigga Imaaraadka ee Berbera, kaas oo dad badan ku abuuray walaac. Khaasatan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa kala hor yimid abaabul iyo diidmo qayaxan.

Marka ay xukuumadi gaadho go’aan culus oo ummadda saamayn ku yeelanaya, waa wax iska caadi ah in ay dadku fikrado kala duwan is iskala hor yimaadaan. Dimuqraaddiyadda aynu qaadanay ayaa xorriyad buuxda siinaysa muwaadiniinta cashuur-bixiyeyaasha ah. Sidoo kale muwaadin kastaa wuxu xaq u leeyahay cod uu ku doorto cidda metelaysa. Laakiin muwaadin kastaa xaq uma laha in uu noqdo go’aan-gaadhe. Dawladnimadu sidaas maaha. Mucaaridnimaduna maaha in aad ka soo hor jeedsato tallaabo kasta oo xukuumaddu qaaddo xataa haddii ay khayr u leedahay dalka.

Waxaynu maamulka dalka u wakiillanay xukuumadda iyo goleyaasha sharci-dejinta. Dhammaantood waxay isku waafaqeen in heshiiskaasi danta Somaliland ku jirto. Waa in aynu ku kalsoonaa go’aankooda ilaa aynu arkayno xujo cad oo lagu diidi karo. Buuqa iyo muranku waxay ku qurux badnaayeen intii aan la ansixin mashruuca sidaa daraadeed iska-hor-keen bulsho iyo mudaharaad lagu baaqaa waxba ma soo kordhinayaan aan ka ahayn in aynu ka farxino cadowga. Waxay ila tahay hawsha inoo taallaa waa heshiiska oo aynu ficil u rogno isla markaana ka shaqayno sida ugu wanaagsan ee aynu uga faa’iidaysan karno.

Mashaariicda Imaaraadka ee Berberi waa fursad muddo dheer innaga maqnayd. Rag iyo dumarba waxan idin xasuusinayaa in dawladdeenu ay 26 sannadood raadinaysay sidii ay dunida dareenkeeda u soo jiidan lahayd isla markaana aynu maal-gelin iyo aqoonsi u heli lahayn. Imaaraadku waa ciddii koowaad ee dareenkeenaa ka soo jawaabtay. Xidhiidhka aynu la yeelanaynaa waa xadhig dublomaasiyadeed oo aynu cuskanayno wuxuuna innagu durkinaya hadafkeenii aqoonsiga.

Saldhiggu wuxu mataan la yahay maalgelinta Imaaraadku ku samaynayo Berbera. DP World waxay dekedeena galinaysaa maaliyad dhan $424 milyan. Waxaanay doonayaan in ay Berberi noqoto mid la tartanta Dekadaha jaarka. Mashruucani wuxu kordhinayaa fursadda ay dhallinyaradeenu shaqo ku heli karto, ganacsatadeenu dhaqdhaqaaq ku heli karto, dalkeenuna saaxiibo caalami ah ku heli karo. Maxaynu ku diidaynaa haddii ay yidhaahdeen saldhigna waanu u baahan nahay? Miyaanay Jabuuti ku faa’iidin toddobada saldhig ee ay siisay toddobada dawladood ee kala danaha ah?

Xubno mucaaradka ka mid ah ayaan ka maqlay Xuutiyiintu waxay gantaallo ku soo gani doonaan Hargeysa iyo Berbera. Warkaasi waa cabsi-gelin iyo buunbuunin. Haddii ay Xuutiyiintu awooddaa leeyihiin waxay duqayn lahaayeen Maka iyo magaalooyinka Sucuudiga ee u dhaw Yementa.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya intii uu ololaha ku jiray wuxu ku faanayey Soomaali baan dhex u ahay tallaabadii koowaad ee uu qaadayna waxay noqotay in uu Sucuudiga ka codsaday maalgelinta ha laga joojiyo Bebrera. Miyaanay taasi wax badan inoo sheegayn?

Ugu dambayn, haddii aynu doonayno halka aynu maanta joogno in hore looga dhaqaaqo, waa in aynu dawladdeena u oggolaanaa in ay hal-abuur la timaado oo khataro badan u badheedho. Haddii kale godkeena ayay biyo innoogu soo geli doonaan.

Wa billaahi towfiiq

Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan

drrashid108@gmail.com