Herari(ANN)-Wasiirka Waxbarashada dugsiyada hoose iyo kuwa sare ee dalka Zimbabwey (Simbabwi) Mr. Lazarus Dokara, ayaa sheegay inuu si dhab ah ugu soo rogay in lagu darro barashada diinta islaamka man-hajka waxbarashada dalkiisa, go’aankaas oo uu soo saaray toddobaadkan.
“Waxa waligeed ba inta badan ku jirtay diinta islaamku tusmada ilaa sannadkii 1980-kii,” ayuu yidhi wasiirka oo sababaynaya sababta uu barashada diinta islaamka ugu daray manhajka waxbarashada ee dalka Zimbabe oo ku yaal qaaradda Afrika.
Hasa yeeshee, waalidiinta kiristaan ah, wadaadada kiniisadaha iyo kooxo kala duwan oo daneeya waxbarashada, ayaa sameeyey mudaharaad ay kaga soo horjeedaan go’aanka Wasiirka Waxbarashada, waxayna ku eedeeyeen inuu wado qorshe lagu musliminayo ardayda dalkooda, iyadoo arrintaasina sababtay in shaqada laga eryo ninka wasiirka ah.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Robert Mugabe, ayaa toddobaadkii u dambeeyey laga ogaaday magac ay u bixiyeen wasiirka Waxbarashada oo ahaa “Ayatollah Dokora”, iyagoo sheegay inuu diinta islaamka qaatay.
“Isagu (Dokora) waxa uu diiday in loogu yeedho Ayatollah, waxaannu ku adkaystay in gadhkiisu aannu caddayn u ahayn inuu islaamka qaatay,” ayuu yidhi Madaxweyne Mugabe waqti uu warraysi siiyey telefiishanka ZTV oo Jamhuuriya soo xigtay, waxananu intaa ku daray; “Dhinaca kale waxa uu booqday Iran, waana halkii uu Islaamka ku noqday, balse wuxuu sheegay “Muslim ma ahi gebi ahaan, waxaanan baaqi ku ahay kaatoliga ah.”
Madaxweynaha Zimbabwe ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirkiisii Waxbarashadu uu faray ardayda dugsiyada iyo kulliyadaha Jaamacadaha in aanay gadhkooda xiiri karin.
“Sannadkii 1980-kii man-hajka lagu soo rogay Jamhuuriyadda waxa ku jiray Islaam, Judaism, Hinduism, Christianity, Buddhism, waxaanan ahaa macallin fasal, kadibna waxa lagu soo rogay fasalka 2aad, hadda waxa aan idiin sheegayaa in aan nidaamkan u keenay ardayda yaryar ee afar jirka ah, mana u malaynaysaa in aynu qaadan karno hannaankan, kuwa yar yarna aan bari karno arrimahan. Haddii dugsiga degdeg u tegi lahayd xilligii xornimada kadib, waxaad ogaan lahayd khibradda barashada arrimahan. Waxa khalad fahan lgu faafiyey warbaahinta oo la yidhi Wasiirku waxa uu man-hajka ku daray islaam sidii oo uu yahay shay cusub, waligii wuu ku jiray nidaamka,” ayuu Wasiir Dokora oo garnaqsanaya.
Sannadkii u dambeeyey waxa uu wasiirkan ku soo rogay dugsiyada waxbarashada inay u dhaartaan qarankooda, isagoo meesha ka saaray waxyaabo lagu muujinayey in daacad loo yahay Madaxweyne Robert Mugabe iyo xisbigiisa Zanu PF. Sidoo kale, waxa uu soo rogay Wasiirkan diray asturan oo macallimiintu in ay xidhaan lagu armay, balse midawga macallimiintu diideen.