Araweelo News Network

Cilmi-baadhis cusub oo la soo saaray, ayaa lagu ogaaday in diinta Islaamku tahay diinta kaliya ee sida baaxadda leh ugu fidaysa bulshada caalamka, waxanay noqon doontaa ta ugu ballaadhan ee bulshada ugu badan aaminsan tahay marka la gaadho sannadka 2070-ka, haddii Ilaahay yidhaah.
Mac-hadka Cilmi-baadhista Maraykanka ee Pew Research Centre oo fallanqeeyey isbeddel ku yimmi tirada dadka ah iyo diimaha sida ay u kala haystaan, waxa uu ogaaday in bulshada Muslimka ah ay koboc ballaadhan ka muuqato, isla markaana ay kobocoodu yahay 73%, socdayna inta u dhexaysa 2010 ilaa 2050-ka, marka la barbardhigo kiristaanka oo 35% koboc ku yimmi oo noqotay caqiidada labaad ee kobcaysa, iyadoo diinta islaamku waqtigan tahay mid waqtigan si xoogan ugu faafaysa caalamka.
Bulshada Adduunku waxa ay sidoo kale kordheen 35% isla waqtigaas. Haddii korodhkan sii socdo 2050, dadka Muslimiinta ah waxa ay ka badan doonaan Kiristaanka marka la gaadho 2070-ka, haddii Alle yidhaah.
Sidoo kale, daraasadan waxay sheegtay in dadka muslimiinta ah 10% ka noqon doonaan Qaaradda Yurub bulshada u nool, taasoo muujinaysa sida ay u faafayso waqtigan.
Sannadkii 2010 waxa dunida ku noolaa 1.6 bilyan qof oo islaam ah iyo 2.17 bilyan oo Kiristaan ah. Sannadka 2050 waxa la saadaalinayaa in 2.76 bilyan dadka Muslimiinta ah noqdaan, Kiristaankuna 2.92 bilyan. Haddii labada diimood ay korodhkoodu sii socdo, diinta Islaamku waxay noqon doontaa ta dadka ugu badan haystaan 2070, sida cilmi-baadhistan xaqiijisay.
Dadka Alle-diidka ah (Atheists), kuwa aan Alle rumaysnayn iyo diin-lawayaashu waxa u iman doona hoos-u-dhac dhan 16.4%, iyagoo ku badan doona Yurub iyo Waqooyiga Ameerika.
Isbeddelkan yimmi ayaa daraasaddu u aanaynaysaa in ay sabab u tahay korodhka bulsho iyo xaga dhalmada oo islaamku aad ugu sii badanayo, waxaanay bulshada Muslimka ah tahay kuwa ugu dhalmada badan, iyadoo haweenayda kaliya ay dhasho saddex ubad ah celcelis ahaan, marka loo eego haweenayda Kiristaanka ah oo 2 laba ubad ah dhasha.
Sidoo kale, waxa aad u badanaya dhallinyarada aadka u tirada badan ee diinta Islaamka qaadanaysa, taasina waxay sabab u noqotay in maadaama 34% bulshada caalamka ay yihiin ubadka hoos uga yar 15 jir in Islaamku kobco. Diinta Kiristaanka ayaa sidoo kale ay soo wajahday in dad aad u tiro badan ay ka baxeen oo ay noqdeen Muslim iyo kuwo kale oo diin la’aan dan mooday.
Ku dhawaad 40 milyan oo qof baa la saadaalinayaa in ay ku biiraan Kiristaanka, halka 106 qof oo kalena ay ka bixi doonaan, iyadoo sidoo kale ay diinta islaamku tahay diinta qudha ee xaqa ah.
“Aqlabiyadda bulshada ku nool dalalka Hungary, Talyaaniga, Boland iyo Giriiga, waxa ay muslimka u arkaan mid aan sax ahayn, halka sidaa si ka duwan ay u arkaan Faransiiska, Jarmalka, Ingiriiska iyo meelo badan oo waqooyiga iyo galbeedka Yurub ah. Dadka inta badan ku dooda in ay dhinaca midig u janjeedhaan inta badan Muslimka ma necba, marka loo eego dhigooda qaba aragtida bidixda,” ayaa ka mid ah maxsuulka. daraasaddu heshay