Araweelo News Network
Warbixin Carraale M Jama freelance Journalist and Human Rights activist
Abu Dhabi(ANN)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Imaaraadka Carabta, kala baxaday Safiirkii ka fadhiyay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya Ambassador Maxamed Cusmaan Al-Xamaadi, ayaa lagu wargeliyay inuu si deg deg ah uga soo baxo Soomaaliya oo ugu soo laabto dalkiisa.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Imaaraadka, ku wargelisay Safiirkeeda inuu ku soo laabto magaalada Abu Dhabi, iyadoo aan la shaacin ujeedada dhabta ah loogu yeedhay Safiirka Imaaraadka oo magaalada Muqdisho u joogay fulinta siyaasada dalkiisa ee ku waajahan magaalada Muqdisho iyo mashaariicda dawlada Imaaraadku ka waday halkaa.
Dawlada Soomaaliya, ayaan weli ka hadlin tallaabada dawladda Imaaraadku ugu yeedhatay safiirkeeda ka joogay Muqdisho, iyadoo dawlada Imaaraadku dhawrkii sanadood ee u danbeeyay mashaariic dhaqaalle oo waaweyn siin jirtay dawlada Soomaaliya, isla markaana tababaro siin jirtay ciidanka dawlada Soomaaliya ee taagata daran.
Hase yeeshee arrintan, ayaa kusoo beegantay kaddib markii Madaxweynaha dawlada Soomaaliya ee dhowaan la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo faraha la galay arrimo siyaasadeed iyo heshiisyo ay Dawladda Imaaraadka iyo Dawladda Somaliland wada galeen.
Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo booqashadii ugu horaysay ee dalka Sucuudiga uu tegey markii la doortay maalmihii lasoo dhaafay, wuxuu kulan la yeesheen dhaxal-sugaha Boqortooyadda Prince Mohamed bin Salman bin Abdelaziz, Wasiirka Arrimaha Dibedda Adel Ahmed Al Jubeir iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Qoyska Boqortooyadda, kuwaas oo ay kala hadleen dacwad ay ku sheegayaan in Dawladda Imaaraadku Heshiiska Millateri ee ay la gashay Xukuumadda Somaliland uu noqonayo aqoonsi. Sidaa awgeed ay ku doodeen in ay aarintaasi noqnay mid ka hor imanay midnimadii Soomaaliya loona baahanyahay in wax laga qabto.
Balse sida ay tibaaxeen ila wareedyada la xidhiidhay kulankaa oo shebekadda Araweelo News Network soo xigatay waqtigaa, waxay xukuumadda Sucuudigu ku wargelisay in Sucuudiga iyo Imaaraadku ay yihiin xulufo leh hal ujeedo oo ku waajahan mandaqada, Somaliland qayb ka tahay xulufadaa, isla markaana ay iska ilaabaan arrintaa saldhiga Imaaraadka iyo Somaliland ee Berbera, balse ay ka hadlaan wixii taageero ay xukuumad ahaan u baahan yihiin in wax lagala qabto.
Madaxweyne Farmaajo iyo wefdigiisa, ayaa markaa kadib dalbaday in wax lagala qabto dhibaatooyinka dhaqaalle ee Soomaaliya iyo sidii kaalmo loo siin lahaa, iyadoo sida ay wararka arrimahaa la xidhiidha sheegayaan in Farmaajo iyo wefdigiisa la siiyay 30mly oo dollar, isla markaana dawladda Sucuudigu u balan qaaday inay wax kala qabanayso dib u dhiska Wadooyinka, Hay’addaha dawladda, kaabayaasha dhaqaallaha iyo sidii ay caawimo uga geysan lahayd Abaarta baahsan ee ka jirta Soomaaliya.
Dhinaca kale warar Dublamaasiyadeed oo shebekadda Araweelo News Network heshay oo la xidhiidha arrimahaa, ayaa sheegaya in Dawlada Imaaraadka oo danaynaysay in Madaxweyne Xasan Sheekh kusoo laabto kursiga doorashadii Soomaaliya, balse markii ay suurta gal noqon weyday, isla markaana dawlada taagta daran ee Soomaaliya qaaday aflagaadooyin iyo dacaayado ku waajahan heshiiska ay Somaliland iyo Imaaraadku wada galeen ay UAE go’aansatay inay xidhiidhka u jarto dawlada aan cagaha ku taagnayn ee Soomaliya, iyadoo sida ay tibaaxayaan ila wareedyo dublamaasiyadeed oo shebekada Araweelo News Network ka heshay dhinaca magaalada Dubai ay sheegayaan in Imaaraadku qorshaynayo inuu Somaliland ka furto safaarad rasmi ah, iyadoo UAE u aragta in aanay ahmiyad weyn oo istiraatiijiyad dhaqaalle iyo mid Millateri u lahayn dalka collaaduhu hadheeyeen ee Soomaaliya, taas oo ah sababta ay heshiisyada dhaqaalle ee DP World iyo Heshiiska saldhiga Millateri (Berbera Base) ula gashay Somaliland.
Warbixin Carraale M Jama freelance Journalist and Human Rights activist