Araweelo News Network

saylici1
Hargeysa (ANN)- Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ku dhawaaqay in xaaladda abaartu ka sii darayso, isla markaana dadku sii gelayaan duruufo aad u adag, isagoo ku baaqay in la xoojiyo gurmadka lagu taakulaynayo dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen.
Md. Saylici oo ka hadlay kulan uu la yeeshay Guddida Qaranka ee Taakulaynta Abaaraha iyo hay’adaha caalamiga ah, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha lagu falanqeeyey kulankaas oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada .
“Waxaannu kulan u qabannay dhammaan hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxalliga ah ee ka shaqeeya dalka Somaliland, kuna hawlan gargaarka bani’aadamnimo iyo horumarinta, iyadoo xaaladdii abaaruhu ka sii darayaan, runtii duruufo adagna dalku sii galayo waxaannu isugu yeeedhnay dhammaan hay’adaha dalka joogay. Laba dhinac ayaannu ahayn, Guddiga Qaranka ee Taakulaynta Abaaraha iyo UNOCHA oo iyaduna midaysa hay’adaha gargaarka caalamiga ah.
Ujeeddada aannu isugu yeedhnay laba arrimood ayaa u muhiimsanaa;
1. in aynu marka hore ogaanno ilaa hadda wixii inoo qabsoomay iyo cid walba waxa ay qabatay, in aynu warbixin kala hello;
2. iyo mid labaad oo ahayd maadaama ay xaaladdi sii adkaatay in loo baahan yahay in iskaashi iyo wada-socod la sameeyo oo aan is barbar-yaac badan dhicin si dadka baahnaa ee biyo, cuno iyo caafimaad u baahan, si isku mid ah loo wada gaadho oo baahida si looga wada jawaabo,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.
Waxa uu intaa sii raaciyey; “Waxaannu ka wada-tashanay sidii loo loo midayn lahaa gurmadka; maanta wixii ka dambeeya in gurmadkii heer qaran ee dawladdu masuulka ka ahayd iyo gurmadkii ay hay’aduhu bixinayeen in la mideeyo. Qaranku ilaha dhaqaalaha ee uu hayaa waa kan uu hantida dawladda la bixinayo iyo kan dadka laga soo ururiyey gudo iyo dibadba. Labadaas ilood iyo wixii kale ee ka yimaad dawladaha aynu saaxiibka nahay, intaaba waxaannu rabaa in meel keliya lagu mideeyo. Taas waannu isla qaadannay hay’adaha in la sameeyo koox wadajir ah oo hawshaasi gurmadka degdegga iyo xaaladahaasi sii xumaanaya si wadajir ah uga shaqeeya, oo la gaadho gobollada dalka bari ilaa galbeed, haba la kala darnaadee.”
“Guddida taakulada abaaruhu way sannad jirsadatay, waxa la abuuray sannadkii hore ee 2016kii bishii labaad oo hadda laga sannad laga joogo. Muddadaas la abuuray ilaa hadda hawl adag ayey gacanta ku haysay. Waxa jirtay waqti yar oo roob da’ay oo la kala nastay, sannadkii hore hawshu galbeed ayey ahayd, sannadkan markii roobkii gu’gu yaraaday waxa culayskii la saaray afarta gobol ee bariga.”
Waxa kaloo Md. Saylici ka hadlay waxyaabaha Guddida Taakulayntu u qabteen dadka dadka abaaruhu saamaynta xun ku yeesheen, isagoo dhanka kalena ka difaacay dhaliilo guddigaas loo jeediyey.

“Guddidu waxay ahayd inay laba arrimood qabato, inay qaadhaan ururso oo dadka muxsiniinta ah ee ganacsatada iyo qurba-joogta in abaabul dhaqaale-ururineed la sameeyo, iyo inay lacagtii qaranka lagu daro oo lagu gurmado. Waxaad mooddaa uun in dacaayad la iska sameeyo. Maalinta la maqlo ee warbaahinta laga arko hay’ad ama hebel ayaa bixiyey lacag konton kun oo doolar ah, waxay warbaahintu ku ladhaan waxa guddigii taakulaynta abaaraha loo dhiibay lacag kontan kun oo doolar ah iyadoo intii hore meel la mariyey aan la garanayn. Waxa nasiib-darro ah in dadka hadh iyo habeen u heellan hawshaas ee culimo leh, ee ganacsato leh ee masuuliyiin dawladeed leh ee dhibaatadaasi damqayso ee u heellan in dhaleecayn ay dadkeenna ka noqoto, arrintaasina waa nasiib-darro.
Waxaannu halkan ka sheegaynaa in muddadii u dambaysay laga soo qaado bishii November ee sannadkii 2016 ilaa hadda hawl badan la qabtay, raashin badanna la qaybiyey; mid la innagu caawiyey oo aynu gaadiidkii bixinnay, mid la innagu caawiyey oo gaadiidkiina la socday iyo mid aynu innagu iibinnay. Marka intaas la isku daro ilaa hadda waxa la qaybiyey raashin gaadhnaya boqol iyo laba iyo kontan kun (152,000) oo qoys, marka aan lagu darin kunka iyo labada kun ee qoys raashinka gaadhaya ee hay’adaha islaamigu bixiyaan.
Waxaas oo dhan waa xil dadkii loo igmaday saaran, habeen iyo dharaarna loo foogan yahay, waxaan ummadda reer Somaliland u sheegayaa in waxaas oo jira in hadda waddanku ballaadhan yahay meel aanay waxba gaadhinna la waayi maayo, laakiin intii guddidu ay dedaalaysay waa la dedaalay, hawlaha fari kama qodna, hay’adihiina dhaqaale-darro ayaa haysa oo way soo qaateen, oo waataa maqasheen oo lacag la’aani ay hayso. Innaga dhexdheenna gudo iyo dibadda waxa la innaga rabaa inaynu qaadhaankii wadno, waayo xaaladdii way sii adkaatay; Ilaahay kama dhigee hadda haddaan Alle roob inoo keenin waxa dhici karta in ummaddu ay tuulooyinka isa soo tubaan.”
“Aniga oo ah madaxii guddida taakulaynta abaaraha waxaan ummadda reer Somaliland ugu baaqayaa in aan gurmadku innaga joogsan gudo iyo dibadna oo qaadhaan ururintii la wado, annaguna waxaannu idinka ballanqaadaynaa in waxaasi ummaddii loogu talogalay iyo shacbigii baahnaa uu gaadhayo ayaannu hortiinna ka ballanqaadaynaa. Dadka muxsiniinta ah in aanay ku jaaha wareerin guddidii intii horeba meel ay marisay lama hayo,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan-saylici.
Dhinaca kale, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa sheegay in salaad roob-doon ah laga tukan doono dalka oo dhan maalinta Axadda, haddii Ilaahay yidhaa.
“Madaxweyne-ku-xigeenku isaga oo ah ku-simaha Madaxweynaha qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ka damqanaya dhibaatada ina haysata, waxa uu ina faray in aynu iclaaminno salaad roob-doon ah maalinta Axadda soo socota oo bishu ay tahay 26 February 2017 in aynu u soo baxno masaajidada iyo goobaha lagu tukan jiray salaadaha, oo aynu Ilaahay barino, oo aynu Ilaahay u toobadkeeno,” ayuu yidhi Wasiir Khaliil.