Araweelo News Network
GuddoomiyahaWADDANI

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kormeer ku maray afar ka mid ah garoomada kubbadda cagta oo ku yaal degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ee caasimadda Hargeysa .
Guddoomiye Cirro oo ay kormeerkiisa ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI, waxa uu tegay garoomada Maxamuud Axmed Cali, Guryo-samo, Sayladda iyo weliba garoonka Maxamed Mooge, iyadoo dhallinyarada ay halkaas kula kulmeen uga xog-warrameen dhibaatooyinka haysta ciyaaraha.
Guddoomiyaha WADDANI oo la hadlay dhallinyarada uu kula kulmay garoomada, ayaa sheegay in ujeedadoodu tahay sidii ay xog-ogaal ugu noqon lahaayeen duruufaha kala duwan ee dhallinyarada haysta iyo sidii loo muujin lahaa siyaasadda horumarinta ee xisbigoodu ka leeyahay ciyaaraha.
“Waxa aannu soo marnay afar garoon oo kuwa lagu ciyaaro kubbadda cagta oo ka mid ah Maxamed Mooge iyo Maxamuud Heybe oo birihii laga goostay. Odaygii halkan ka hadlay baa warka dhammeeyey oo yidhi dhallinyaradii markii laga goostay birihii waxa ay nagu haystaan shaxdii, markaa meel ay ku ciyaaraan bay waayeen. Birihii ay ku ciyaari lahaayeen waa ay waayeen, markaa waxaannu ugu baaqeynaa qolooyinkii biraha goostay in ay biraha soo celiyaan. Garoomadaas aannu soo marnay ee bilaa biraha ah waa wax cusub oo weligay maan maqal garoon kubaddeed oo biro laga goostay oo dawladdu ka goosatay oo haddii la odhan lahaa tuug baa goosatay waxba may ahaateen, balse waxa la leeyahay dawladdii baa goosatay oo saddex sannaba halkan biro lagu ciyaaro kubbadda may lahayn, waxana weliba la leeyahay waxa ay goosatay waa saq dhexe afartii habeennimo, markaa dawladda waxa aannu leenahay haddii aydaan garoomada wax ku soo kordhineyn oo rooggii cagaarnaa keenayn biraha uun ha loo daayo oo biraha ha loo soo celiyo, dhallinyaradana waxaannu leenahay iska samra insha Allaah haddii xukuumaddu biraha soo celin weydo anagaa biro idiin keeni doona haddii Alle idmo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.
Siyaasi Mingiste oo isna ka mid ah masuuliyiinta xisbiga WADDANI oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay, “Waxa aannu ka xunnahay in garoomadii xaafadahani lahaayeen laga goostay birahii ay ku ciyaari jireen dhallinyaradu. Runtii aad iyo aad baan u cambaareynaynaa, waxaanan ugu baaqeynaa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaarahu in ay si degdeg ah garoomadan ugu soo xidho birahii ay carruurtu ku ciyaari jireen.”
Xoghayaha dhallinyarada WADDANI Mr. Aftax Siciid Jaambiir, ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dhaqankan cusub ee ay ku kacday dawladdu, waxaannu dhaliilo xooggan u jeediyey Agaasimaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo uu sheegay in aannu waxba u tarin xaafadda uu ka soo jeeday.
“Waxa aannu joognaa garoomada Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe oo runtii birihii laga wada jaray, weliba garoonka Maxamed Mooge wuxuu ahaa garoonkii ugu horreeyey ee laga gooyey biraha oo muddo sannado gaadheysa ba garoonkaasi bilaa biro ayuu ahaa, dhallinyaradii ku ciyaari jirtayna laba qeybood bay u qeyb sameen oo qaarna balwad ayey bilaabeen, kuwii kalena way ka tahriibeen waddanka. Markaa yarka weliba Agaasimaha ka ah Wasaaradda Ciyaarahu waxa uu garoonka u jiraa wax aan ka badnayn boqol tallaabo, laakiin se inta uu meelaha kale isku sawirayo kama war hayo xaafaddiisii iyo xaaladdeeda,” ayuu yidhi Mr. Jaambiir.
Waxa kaloo halkaas ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo xisbiga WADDANI, kuwaas oo eedaymo u jeediyey xukuumadda KULMIYE, gaar ahaan Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.