Araweelo News Network

 President Uhuru Kenyatta and his Egyptian counterpart Abdel Fattah el-Sisi at State House Nairobi yesterday. The Egyptian leader is in the country for a State visit. [PHOTO: EDWARD KIPLIMO/STANDARD]


President Uhuru Kenyatta and his Egyptian counterpart Abdel Fattah el-Sisi at State House Nairobi yesterday. The Egyptian leader is in the country for a State visit. [PHOTO: EDWARD KIPLIMO/STANDARD]


Nairobi(ANN)-Xukuumadda Dalka Masar, ayaa u balanqaaday Dawladda Kenya inay ka taageerayso arrimaha la dagaalanka Argagixisada Mandaqada iyo dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabaab. Sida ay faafiyeen Warbaahinta Dalka Masar Madaxweyne Abdel-Fattah el-Sisi oo booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, ayaa kulamo xasaasi ah la yeeshay dhigiisa Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta.

Warbaahinta Dalka Masar waxay sheegtay in Madaxweyne Abdel-Fattah el-Sisi iyo Uhuro Kenyatta ka wada hadleen dhawr arrimood oo ay ugu muhiimsanaayeen la dagaallanka Kooxaha xagjirka ah, sidoo kale xukuumadda Masar ay ka qeyb qaadanay sugidda arrimaha ammaanka Kenya iyo kaalmada Millateri.
Labada Hoggaamiye oo kulankaa kadib wadajir u qabtay shir Jaraa’id, waxa Madaxweyne Abdel-Fattah el-Sisi oo Uhuru Kenyatta dhinac joogaa ballan qaaday in Masar dhanka horumarinta mashaariicda ay Kenya ka gacansiin doonaan, taasoo Uhuro Kenyatta dhankiisa sheegay inay soo dhowaynayaan iskaashiga labada Dal.

El-SISIandUhuro
Dawladda Masar, ayaa ka wada Kenya Cusbitaall weyn oo Melleteriga Kenya yeelan doono, kaas oo laga dhisayso magaalada caasimadda ah ee Nairobi, Madaxweyne El-Sisi, wuxuu kale oo balanqaaday in sare loo qaadi doono kaalmada Masar ay siiso Kenya sida saadka caafimaad, tababarrada iyo dhismaha Cudbitaalkal melleteri oo hadda dhismihiisu socdo, sida lagu faafiyay warfaafinta Xukuumadda ee Al-qaahira iyo Boggaga hore ee Wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweyne El-Sisi waxay si wadajir ah u sheegay in xoogeysiga dagaalka Jihaadka Geeska Afrika ay walaac ku beerayso dowladaha mandiqadda, iyadoo Xukuumadda Masar diyaar u tahay inay Dawladda Kenya ku garab istaagto dagaalka lagu jiro kooxahaa oo Al-shabaab ka mid tahay.

Sidoo kale Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay arrimo la xidhiidha dhinaca ganacsiga iyo inay yeeshaan iskaashi dhinaca xoggaha iyo macluumaadka ah.