Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Maxkamadda Degmada magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayaa go’aan ka soo saartay wiil 12 sanno jir ah oo ay isku haysteen hooyo lagu magacaabo Muuna Cabdikariin Maxamed oo ka mid ah dadka qaxootiga ah ee ka soo jeeda dalka Itoobiya iyo laba nin oo reer Somaliland.
Sida ay sheegeen maamulka Garsoorka Gobolka Sool, wiilka yar oo ay heleen booliska magaalada Laascaanood, waxa ilmaha yar markii la helay lagu wareejiyey Xoghayaha Dawladda Hoose ee Laascood oo hadda ah Guddoomiyaha Gobolka Sool si loo daryeelo, loona koriyo, iyadoo aanay waqtigaas jirin cid ku doodaysay inay dhaleen wiilkaas.
Hasa yeeshee, waxa muddo kadib soo baxay saddex qof oo mid walba dhankiisa u sheeganayo inuu dhalay ilmaha yar, iyadoo dacwaddaasina waaqatay waqti dheer, balse, go’aanka laga gaadhay cidda dhashay wiilka yar ee 12 sanno jirka ah oo Maxkamadda Degmada Laascaanood ay kaga dhawaaqday hoolka dacwadaha ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, caasimadda Hargeysa shalay, waxa la sheegay in lagu kala saaray shaybaadh lagu sameeyey hiddo-siyadayaasha (DNA-da) oo laga qaaday hooyada iyo labada nin ee sheeganayey iyo ilmaha yar, taasoo natiijadii noqotay in hidde-sidayaasha hooyada iyo ilmaha yar is noqday 99%.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa ka xog-waramay dacwadda wiilka la isku haystay, waxaannu yidhi; “Waxa jirtay ilmo yar oo ay isku haysteen saddex qof oo kala ah haweenay hooyo ah iyo laba nin oo mid walba lahaa anniga ayaa dhalay, dacwaduna waxay ka furan tay Maxkamadda Degmada ee magaalada Laascaanood, shayga keliya ee lagu kala saari karaana waa in hiddo-sidaha saddexda waalid iyo ilmaha yar la qaado (DNA-da), kadibna la baadho, laguna kala caddeeyo.”
Waxaannu intaas ku daray; “Dacwadan muddo ayey socotay, waxaanna iska kaashaday garsoorka Gobolka Sool iyo Maxkamadda Sare ee Somaliland, waxaanna na caawiyey Cusbitaal guud ee Hargeysa oo arrintan gacan weyn ka gaystay, kadibna waa la qaaday dhiiggii shaybaadhka (DNA-da), waa la diray (dalka dibaddiisa), natiijadiisiina waxa lagu dhawaaqay waxaanna xukunkii lagu saleeyey natiijada cusbitaalku kaga hor dhawaaqay Maxkamadda, waxaanna natiijada DNA-du soo saartay 99% in ilmaha yar ay dhashay hooyada… oo weliba ah dadka qaxootiga ku jooga Somaliland, kana yimmi Itoobiya, labada ninna waxa ay ahaayeen muwaadiniin reer Somaliland ah.”
“Caddaaladdu cidna ma taqaan, in la caddaalad sameeyana Ilaahay (SWT) oo qudha ayaa lagaga baqaa ee cid kale ma taqaan, dacwadii la qaaday, dhiiggii (hiddo-sidaha) la diray ciddii uu natiijada u soo saaray ayaa loo xukumay oo ah haweenayda hooyada ah, ilmaha yarna iyada ayaa lagu wareejiyey oo loo xukumay. Dacwaddana Maxkamadda Sare kuma dhawaaqin ee hoolkeeda ayuun bay siisay, waxaanna ku dhawaaqday Maxkamadda Degmada Laascaanood, oo waan soo wareejiyey in halkan lagaga dhawaaqi karo, sababtuna waa dhakhtarkii Hargeysa oo arrintan baadhay iyo khubaradii ayaa halkan (Hargeysa) jooga, marka horena halkan ayaa laga diray, sidaas ayaanan ugu soo wareejinay in la adeegsado hoolka Maxkamadda Sare,” ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali.
Waxa kaloo uu sheegay in baadhitaannada dacwadaha noocan ah yihiin wax aan hore uga jirin Somaliland, balse ay qayb ka yihiin isbeddelka iyo horumarka uu hadda ku tallaabsaday Garsoorka Somaliland, isagoo xusay in dacwadda wiilka yar lagu kala caddeeyey cidda dhashay ay tahay tii saddexaad ee nooceeda ah ee ay ka garnaqaan hay’adaha garsoorku.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa sheegay in dacwad noocan oo kale ah lagu kala saaray laba qoys oo isku haystay ilmo yar, sidan oo kalena loogu kala saaray baadhista hiddo-sidayaasha, halka uu haddana taagan yahay kiis noocan oo baadhistiisu socoto.
Hooyo Muuna Cabdikariin Maxamed oo loo xukumay wiilka 12 sanno jirka ah, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay sida caddaaladda ah ee ay hay’adaha garsoorka Somaliland go’aanka uga gaadheen wiilka lagu haystay.
“Annigu maanta aad ayaan u faraxsanahay, markii hore ismaan lahayn caddaalad ayey ku shaqaynayaan, laakiinse waxa aan maanta ogaaday in caddaalad ka jirto dawladda Somaliland oo kalsooni lagu qabo (garsoorkeeda), waxaanan Ilaahay (SWT) uga rajaynayaa inay noqoto dawladda maamusha Afrika oo dhan, sababtoo ah anniga oo aan waddanka u dhalan iyo niman muwaadiniintooda ah ayaa dacwaddu naga dhexaysay, anniga ayaana la ii xukumay,” ayey tidhi hooyo Muuna Cabdikariin Maxamed.
Dhinaca kale, Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa iyo masuuliyiinta Maxkamadaha Gobolka Sool oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in baadhitaanka la sameeyey lagu ogaaday in wiilka yar ay dhashay hooyo Muuna Cabdikariin Maxamed, sidaana loogu wareejiyey, iyadoo laga xumay labada nin ee ku haystay oo ah muwaadiniin reer Somaliland.