Araweelo News Network

My Flynn ayaa sawirkan laga qaaday 2015kii isaga oo la cashaynaya Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin

My Flynn ayaa sawirkan laga qaaday 2015kii isaga oo la cashaynaya Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin


Washington(ANN)- Michael Flynn oo ahaa Kaaliyaha dhinaca Ammaanka ee Madaxweyne Donald Trump, ayaa si lama filaan ah isaga casilay xilkaa, kaddib xidhiidh uu la sameeyay xukuumadda Ruushka. Sida lagu shaaciyay war kasoo baxay Aqalka Cad.

Michael Flynn oo hore u ahaa Generaal shaqada ka fadhiistay, wuxuu xidhiidh dhow la lahaa Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isagoo waqtigan ahaa Kaaliyihii dhinaca ammaanka ee Madaxweyne Donald Trump, isla markaana ahaa xubnaha ugu dhow Trump.
Saraakiisha Aqalka Cad, ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump hore u sheegay in uu qiimaynayo xidhiidhka uu Michael Flynn oo ah kaaliyihiisa dhinaca ammaanku la yeeshay danjiraha Ruushka.

Michael Flynn, ayaa si weyn warbaahinta u falanqeeyeen in ka hor intii aan la dooran Madaxweyne Trump uu Michael kala hadlay safiirka Ruushka xayiraadaha Ruushka uu saaray Madaxweyne Obama, Balse Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa meel fagaare ah ku diiday eedaymahaa laga faafiyay Michael Flynn, iyadoo Mr. Flynn Aqalka Cad u sheegay in laga yaabo in laga wadahadlay xayiraadaha Ruushka saraan.

Sidoo kale Michael Flynn, ayaa ka raaligeliyay Madaxweyne ku xigeenka jahwareerka ku saabsan wadahadalkii uu la yeeshay safiirka Ruushka Sergei Kislyak.
Dhinaca kale Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka, Sean Spicer ayaa galinkii dambe ee Isniintii sheegay inay sharcidarro tahay in shaqsiyaaad muwaadiniin ah ay si iskood ah faraha ula galaan dublamaaasiyadda Maraykanka, wuxuuna ku dooday in Taleefanada lala xidhiidhiyay Michael Flynn ku beegnaayeen dhamaadkii sanadkii hore ka hor inta aan loo magacaabin in uu maamulka Madaxweyne Trump ka mid noqdo, “In Madaxweynuhu qiimeeyo xaaladda” ayuu yidhi, Afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer.
Madaxweyne Deland Trump, ayaa weli ka hadlin arrinta Kaaliyihiisa dhinaca ammaanka ee is casilay oo dodo iyo su’aalo ka taagan yihiin, iyadoo Mr. Flynn iyo Madaxweyne Trump ay labadooduba wada joogeen Sabtidii iyo Axaddii toddobaadkan Florida.

Sidoo Flynn, ayaa ka muuqday safka hore ee shirkii jaraa’id ee Madaxweyne Trump iyo ra’iisalwasaaraha Kanada Justin Trudeau ay qabteen Isniintii toddobaadkan.
Markii ay soo baxeen warar is casilaada Michael Flynn, labo suxufi oo Madaxweyne Trump siiyay fursad ay su’aalo ku waydiin karaan ayaan waxba ka waydiin arrintaa oo la filayay inay wax ka weydiiyaan doodaha iyo su’aalaha ka taagan Saraalka Kaaliyaha dhinaca Ammaanka u ahaa Madaxweyne Trump ee is casilay.

Flynn, ayaa lasoo bandhigay isagoo ka muuqda kulan casho ah oo Madaxweynaha Ruushka Putin uu sameeyay 2015, wuxuuna xidhiidh dhow la lahaa Madaxweynaha Ruushka.

Michael Flynn oo hore u ahaa Generaal shaqada ka fadhiistay, wuxuu sidoo kale ahaa nin xidhiidh dhow la leh Madaxweyne Trump, isla markaana cunsuriyada iyo Islaam nacaybku ku fogaaday, taas oo ka mid ah waxyaabaha Madaxweyne Trump ay isku aragtida ka yihiin, dad baddan oo mujtamaca Islaamka ah, ayaa xusuusan aflagaadadii uu Michael Flynn u geystay Diinta Islaamka, isagoo ku tilmaamay Kansar, isagoo dhaleecaynaya Mujtamaca Islaamka.